Sideed Dhambaal Barasho Ugu Bandhigi Laheyd Boqoraddad Gaclooteed By: Yusuf Garaad

Ku Soo dhawaada Dhamaan Akhristayaasha calafka.net Xubinteena Arimaha Bulshada Qaasatan Dhinaca Jaceylka Waxaana Todobaadkaan Ku Soo Qadanaynaa ”’Sideed Dhambaal Barasho Ugu Bandhigi Laheyd Gabadha aad Ka Hesho”

Barbaartaba Dhamaantood

Kalasoo Dhex Baxdayee

Kugu Beertay Howlaha.Dhambaalka Barashada Waa Dhambaal Aan Ugu Talo Galay In Ay Ka Faa’ideystaan Dhamaan Bahda Ku Hadasha Afka Soomaaliga Gaar Ahaan Dhalinyarada Oo Baahi Weyn U Qaba Habkii Ay U Bandhigan Lahaayeen Barasho Kalgacal Hadii Ay Maagaan. Waxadna Dhambaalkan Kaga Bogan Doontaan Talaabooyinka Ugu Haboon Ee Loo Baahanyahay In La Sameeyo Bilowga Barashada Kalgacalka.

Kahor Inta Aadan Barashada Bandhigan Waxa Jira Qodobo La Adkeynayo Ku Dhaqankooda Hadii Qodobadaasi La Waayo Waxa Xaqiiq Ah In Ruuxa Aad Baro Is Leedahay Uu Kaa Shakiyo Isla Markaana Uu Ku Rumeysan Waayo Sidaa Darteed Waxaa Kula Gudboon In Aad Fiiro Gaar U Yeelato Qodobadan Soo Socda:

1: Isku Taxaluji Ama Ku Dadaal Sidii Aad Barashadadaada Si Toos Ah Oo Aan Gambasho Laheyn Ugu Bandhigan Laheyd Taasi Oo Aan Uga Gol Leeyahay Si Fool Ka Fool Ah Ula Kulan Ruuxa Aad Dooneyso Inad Is Barataan.

Barashada Ceynkaasi U Dhacda Waxay 100% Ka Kalsooni Badantahay Tan La Isku Weydaarsado Kana Bilaabata Fariimo Qoraalka Ama Wicitaanka Maqalka Ah Iyo Waliba Aaladaha Kale Ee Lagu Xiriiro Oo Uu Internet-ku Kamid Yahay Kuwaasi Oo Shaki Badan Galiyay Dhalin Yaro Badan Oo Loosoo Bandhigay Barasho Ugub Ah.

2: Ka Fogow Beenta Iyo Hadallada La Dhoodhoobay Oo Mar Waliba Runta Beegso.

Midna Ogow (BEENTU XAARAAN WEEYEE YEY KU BARAN WALAAL)Waxadna Ka Shidaal Qaadataa Mah-Maah Somaliyeed Oo Oraneysa (Beentaada Hore Runtaada Dambe Ayey U Baas Baxdaa) Taasina Micneheedu Waxa Weye Beentu Waa Caqabad Hortaagan Horumarkaaga Goor Walba, Sidaa Darteed Mar Waliba Isku Day In Aad Xaqiiqada Abbaarto Si Ay Kuugu Hagaagto Baraashadaadu Una Noqoto Mid Miro Dhal Yeelata

3: Ereyada Kasoo Baxaya Afkaaga Waa In Ay Noqdaan Kuwo Ka Fiirsi Loo Yiri , Kana Fogow In Aad Kula Degdegto Ruuxda Aad U Bandhigtay Barashada “Waan Ku Jeclahay Iyo Hadallada Lamidka Ah Ee Ku Habboon Xilli Dambe”

Waxana Lagama Maarmaan Ah In Aad Murti Ku Hadasho Si Laguu Maqlo Isla Markaana Loogu Xiiso Oraahdaada Oo Dhegtii Maqasha Aysan Marnaba Kaa Caajisin Una Riyaaqdo.

Intaa Markii Lagaa Helo Waxad Heysaa Dhabbihii Toosanaa Ee Barashada Waxadna Isku Diyaarisaa Inad Daaha Ka Qaaddo Hadafka Kuu Qarsoon Ee Ku Aaddan Barashadaada Kalgacal Adigoo Adeegsanaya Oraah Tifatiran Ama Geeraarkan Soo Socda:

Barashaduba Kala Duwan

Midda Beenta Lagu Laro

Raad Weeye Bido Iyo

Badno Weeye Go’eysee

Hadii Aan Bayaaniyo

Baaqeygu Wuxu Yahay

Barasho Kal-Gacale

Banaankaan Ka Hadlayaa

Been Been Hadey Jirin

Ma I Baxnaanineysaa?

Hadii Aad Baqeysoo

Wali Adan Bislaanin

Buurta Waan Ka Degayaa

Baxsaney / Bashirow Ha Fududaan

Bogsiin Weeye Barashadu

Aan Boog Laheyne

Bogga Wan Ku Saarayaa

Ilaa Aad Ka Bogatoo

Barbarbaartaba Dhamaantood

Adaan Kaa Bidhaansaday

Hadii Aad Baqeysana

Bixin Maayo Sirtanada

Baahin Maayo Waligey

Jawabtaadu Waa Baad

Baahideeyda Tiro Iyo

Biyo Aan Ku Oon Baxee

Ha Illaawin Baxsanoow/ Baxsaney.

Waxa Laga Yaabaa In Ay Idin Qancin Weyso Tixdii Hore Hase Ahaatee Geeraar Kale Oo Ka Duwan Kii Aan Goor Dhaweyd Idiin Tiriyay Ayaan Halkan Idinkugu Hayaa Ee Ka Bogasho Wacan:

Waxan Kuu Rafaadaba

Roobloow/ Ramlaay Waan Ku Helaye,

Imisaan Ku Raadiyay

Reysan Waayey Awgaa

Ruux Kugu Wardinayoo

Kuu Riyaaqay Ban Ahay

Anna Kuu Run Sheegtaye

Hayga Roorin Inanyahow/ Inanyahay.

Kuuma Rabo Xumaanoo

Naftaad Raalli Galisaye

Sida Reys Qabow Camal

Qalbigaad Rusheysoo

Rubadda Iyo Beerkiyo

Rugtii Bidix Adaa Degay

Hayga Ruugin Taladoo

Uga Fakar Sidoo Roon

Saadaasha Riyadiyo

Igu Raac Kal Iyo Laab

Hadaad Ra’siga Sare Iyo

Rubaddeyda Qabatood

Igu Ruubto Moolkana

Anna Inan Ku Riixeyn

Rabbiyow Ku Garadsii

Iyadoo Aysan Dadku Isku Faham Aheyn Ayaa Waxa Dhici Karta In Geeraradii Hore Halka Ay Ku Biyo Shubanayeen La Garan Waayo Isla Markaana Uu Yimaado Is Garanwaa Sidaa Aawadeed Ayaan Jecelahay In Aan Markale Idiin Soo Xulo Tix Bayaanineysa Hadafkaaga Ku Saleysan Barashadaada Taa Oo Aan Is Leeyahay Waa Loo Riyaaqi Doonaa Ee Aqris Wanagsan:

Dharaartiyo Habeenkaba

Wax Walbaa Dhacaayee

Dhabti Waa Aduunyoo

Iyadoo Leys Dhuganayo

Lama Wada Dhalane

Dhameysaay / Dhameysoow Walaal

Barashada Ma Dhibsataa?

Dhanka Ay Ku Socotiyo

Dhiisheeda Ma Cugtaa?

Dhaaydeeda Ma Listaa?

Dabadeedna Ma Dhabtaa?

Wanaaggeed Ma Dhowrtaa?

Subaggeey Dhaleysiyo

Dhuuxeey Laheeydiyo

Dheefteeda Ma Rabtaa?

Aan Kula Dhigaalshee

Bal Dhadhami Ujeedada

Dhabti Waxan Rajeeyaa

Inad Iga Dhaqaaqinood

Dhibtan Igu Cidleynine

Dheymaneey / Dhowsranoow Maxaad Oran?

Dhulka Intan Ku Noolahay

Kaa Dhaqaaqi Maayee

Jawaabtaada Ii Dhiib

Bil Kastoo Dhalata Iyo

Gugii Soo Dhamaadiyo

Xagaagii Dhibcaayiyo

Deyr Kasta Dhexdeediyo

Dhamac Badane Jiilaal

Adaan Kaa Dhur Sugayaa

Dhinac Kastaba Waa Kheyr

Jawaabtaada Ii Dhiib

Haygu Dhowran Xaajada

Ruux Kasta Oo Dhambaalkan Ka Tusaale Qaata Kuna Dhaqma Waxan U Rajeynayaa Guul, Xiriir Wanaagsan Oo Laga Dhaxlo Mustaqbal Nololeed Iyo Guur Lagu Xasilo.

Faah Faahin Kooban Oo Ka Turjumeysa Bandhigga Barashada Kalgacal.

Kadib Marka Aad Daaha Uga Rogto Barashadaada Cusub Tix Iyo Tiraab Waxa Lagaaga Baahanyahay In Aad Dulqaad Yeelato Oo Aad Iska Ilaaliso Deg-degga Iyo Fudeydka.

Fursad Uu Kagasoo Fakaro Sii / Ay Kagasoo Fakarto Ruuxda Aad U Bandhigtay Barashada Ceynkan Oo Kale Ah.

Soomalida Intooda Badan Waxay Jecelyihiin Arrin U Baahan Waqti Dheer In Ay il Biriqsi Ku Sameeyaan Taa Oo Aan Marnaba Suura Gal Noqonayn.

Hadii Fudeydkaagu Sidaa Yahay Waxan Ku Dhihi Lahaa

Hadii Fudeydkaagu Sidaa Yahay Waxan Ku Dhihi Lahaa Siduu Horay U Yiriba Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi:

Sal Fudeydku Xaawuu

Jannadii Ka Saaray.

Ruuxaad Sugeysoo

Maqan Waa La Saadshaa

Sahan Waa La Dhowraa.

Waa Inad Mar Kasta Maanka Ku Haysaa In Ay Barashadu Tahay Wax La Beerto Oo Dhib Loo Maro Haddii Lagu Samrana Dheefa Laga Helo.

BY: Wariye: Yusuf Garaad Moallim
garaad45@hotmail.com
Skype: Khaboowsade


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. Wallah waa arin i xiisa galisay waana ku mahadsatihin soo bandhigidda shekadaan umadda u baahantahay. thanks bro

  2. Aad & aad ayad umahadsantihin anigana wan kaheley shekadan mcnka badan oo kahadleysa jecelka wayo anigana waxan ahay qof soo arkey dhibka jecelka uu leyahay wana raba in an akhristo shekoyinka jecelka wana kumahadsantihn

  3. Mashaa alaah wlhi waa tix cajiib ah oo aan waayo aragnimo buuxdo ka helay weyna idhiira galisay wlhi hadaa nahay dhalinta somaliyeed aad ayaan ugu baahanahay tix nocaanoo kala sxbyaal kuwo kalena waan idinka rajeyneynaa aad ayeey u mcntahay qofka soo daabacay mahadsanid ayaan leyahay

  4. mustaphe aarka sanag says:

    ar meesha arinkuma haysaane iska daaya naacda fack geraar waxani maahee

    sadrigayga adiga deego
    wanku sugayaye
    nafteydad sasabaya
    sacad walbo
    la jooge sideen
    ka yeela cashaqa ileen
    safarkagu dheeraaye