Sidee U Soo Saareysa Sir Uu Ninkaada Ka Qarinayo ? Xog Ayaa Lagu Hayaa

Arin sahal ma ah in haweeneyda soo saarto sir uu saygeeda ka qarinayo waayo ninka waa uu ku wanaagsan yahay qarinta arimahasa , waa uuna garanayaa sida loo aamusiyo haweeneyda hadii ay arimhaas wax ka weydiiso .

Balse haweeneyda xariifadda ah waa midda aan wax ka qarsoomin ee garaneysa sida sirta ragga loo soo saaro , waxa ayna shabakada Calafka.netku siineysa talooyin ku aadan arintaas.

Ilaali Dhaq-dhaqaaqyadiisa: waxa suura gal ah in ninka uu sameeyo hab dhaqan aad u yaab badan taasi oo keeneysa in durba haweeneyda aqristo arintiisa ,ogaaw hadaad dareento in dhaqamadiisa hore ay badalmeen waji cusubna ku aragto wax ayuu qarinayaa waana ogaan kartaa waxa uu qarinayo .

Fiiro Gaar Ah :Fadlan webyada nagu haya Copy and Past hanaga daayaan waa ay is garanayaan , haddi aad qaadaneysaan waa in aad xustaan xuquuqda qoraalka ee calafka.net ee ah in aad ka soo xigateen hadii aysan dhicin sida caadada noo ah hawada ayaan idinkal hadleynaa oo ku soo bandhigeynaa magacyadiina .

Weydii Su`aal Dhibeysa : Hadaad ogaato sababata ka dambeysa in uu wax kaa qarinayo , waxaad weydiisaa su`aal la xariirta arintaas oo sug si aad u aragto fal celkiisa hadii aad dareento in jawaabta ay noqotay mid aan micno laheyn ogaaw wax ayuu ka qaarinayaa waxa uuna diidayaa in hortaada uu ku kashifo , waxa uuna raadinayaa hab jawaabtaas uu ugu baxsado.

Naftaada Ka Xaqiijiso: waxaa muhiim in haweeneyda inta ay dadka kale maciin bidi laheyd oo ku aadan in ay la baaraan toloow waxa uu ninkeeda ka qarinayo waxaa haboon in nafteeda ay ka xaqiijisato waayo dadka waa ay ku luminayaan .

Haku Qasbin Hadal : Wax waliba oo dhaca , ha isku dayin in aad ku qasabto hadalka waayo ma sameynayo waa uuna kugu canaananayaa arintaas ,waxaadna sidaas ku weyneysaa fursadii kaaga harsaneyd in aad ku ogaato sirta uu kaa qarinayo sidoo kalana waxaad sidaas ku weyneysaa dhab ahaantii kalsoonidiisa.

Ha Qaadan Go`aan Qaldan: hadii hal mar aad ka shakiso ninkaada aadna ku saxneyn shakigaas waxaa kuu muhiimsan in aadan qaadan go`aan qaldan illaa aad wax ka xaqiijisato .

Calafka.net

 


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)