Sheekadii Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 15aad

Arrintu si kastaba ha ahaatee ayaanle waxa uu ku khasbanaaday inuu afka ka aqbalo  isagoo aanan marnaba uurka ka jecleysan kalafogaashiyahaa ay gacaladiisu ugu baaqday.

Bilan waxay dareentay in dhiggeeda ayaanle aanu la dhacsaneyn hadallada laab lakaca  ah oo ay galabnimadan lasoo shir-tagtay, walow aanay si toos ah utaaban karin halka  laga hayo inanka balse waxay usoo jeedisay su’aal si ay u ogaato waxa farxaddii kaqaaday oo madluunka ka dhigay maadaama inantu farxaddii ka tanbadisay oo anay tix-raac ku sameynin hadalladeeda daqiiqad ba daqiiqadda ka dambeysa qandhada kusii kordhinayey quluubta ayaanle.

su’aashuna waxay ahayd “gacaliye hadallo ay farxadi ku lammaansantahay ayan galabnimadan kuulasoo carraabay adiguna waadigan madluunsan ma dhib kalaa jira mise farxaddeyda ayaan taada ahayn?

Ayaanle sida qof jiifka kasoo toosay oo kale ayuu lasoo booday maya maya gacalooy sida aad ufakartay  xaalku ma ah aniguna ma ahi cadowgaaga farxaddaaduna waa  farxaddeyda iyo waliba wax walba oo kufarxad gelin kara waan ku qasbanahay inaan si laab furnaan ah kaagala qeyb qaato waayo waxaan kuu jeclahay si xad-dhaaf ah waana qeyb kamid ah caafimaadkeyga inaan ku arko adigoo farxasan,  balse bilaneey markii  aan kahadleyno erayga”farxad”adduunka intii aad kunooshahay farxadaha kusoo maraa wey kala duwanyihiin midba nuuc ayey kuusoo martaa aniguna adigoo aan intaasoo  wanaag ah kula jeclahay  hadana kuguma raacsani  qaabka aad ugu faraxsantahay, waayo  safar iyo dalxiis oo kaliya ayaa kuu muuqda waxaan la amakaagsanahay halka uu ku  dambeyn doono jacaylkan sanad jirsaday ee aad mooddid inuu xalay-dhalay yahay tiiyoo ay iisii dheertay sida aan kaligey naftan la’aantaa  ugu samirsiinlahaa kala
fogaashiyaha kumannaaka kiiloo mitir ah.

Bilan oo ay wax walbaa ukala cadyihiin ayaa tiri:- gacaliye waxaan umaleynayey in  kalsoonida dhankaaga ay tahay mid aad uweyn balse waxaa iimuuqata in aadan igu  kalsooneyn sida runta ahna waxay tahay anigu ujeeddo kale uguma socdo talyaaniga ee  waxaan doonayaa sadex bilood inaan halkaa dalxiis kusoo ahaado soona arko abtigey oo aanan arag muddo todoba sannadood ah dib ayaana uga soo laaban- doonaa haddii rabbi idmo, adigana waxaan kaa codsanayaa inaad i aaminto samirkana aad kaashato muddada yar ee aanu kala maqannahay.

Ayaanloo is adkaynaya ayaa yiri bilaney igama aha kalsooni-darro ee waxaa igu xiriira naf jacaylkaagu ku weynyahay marwalbana ku il doogsata aragtidaada dahabiga ah, jecelna sidii aynu guri reys iyo barwaaqo leh uyagleeli lahayn mustaqbalka dhow bedelkeediina aan filayo kala fogaashiyo aanay marnaba naf wax-jeceli raalli ka noqon karin, si walbay ahaataba ma jecli inaad ii aragto caqabaddii farxaddaada waana igu ballan inaan kaqeyb qaato xafladdaada.

Bilan aad ayey ugu faraxday hadalladaa kayimid ayaanle waxayna dhankeeda dareenkeeda  kadhiibatay in ay iyaduba ka xuntahay kala fogaanshahooda ayna iskula xiriiri doonaan telfoonka inta ay dib ugasoo laabaneyso.

Sheekada galabtaa oo noqotay mid lagu dheeraaday ayaa lagu kala tagay iyada oo wali  laysu hammuun qabo xilli ay kusii dhowdahay habeen barkii,waxaana la isla meeldhigay in marka hore lagasoo jeesto hawlaha xafladda bilan loo qabanayo kadibna la dhameystiro wixii dardaaran ah ee isugu haray lammaanaha is doortay kahor inta aanay
is macasalaameyn.

Su’aalo badanoo jawaabihii ku habboonaa loo heli waayey ayaa maskaxdiisa kusoo noq-noqonayey habeenkaa illaa waagu ku dul-baryo isagoo ku hadaaqaya “jacaylkii gugii tegey aan goobiddiisa ka gam’i waayey  maanta markii uu gacnteyda soo galay  miyaan kala hayaami?miyaan kala tegi ? maxaa diiday in qofka aad jeceshahay isku meel wada joogtaan? kuwada noolaataan.

Wiil ayaanle walaalkii kaweyn ah ayaa maqlay  erayadiisii ugu dambeeyey walow uusan sixi karin waxa uu sheegayay, cabdi qani oo ah ayaanle walaalkii subaxaa wuxuu safar u ahaa magaalada mombasa ee dalka kenya, qolkii ayuu soo galay wuxuuna ku yiri  walaal maxaa ku helay miyaad xanuunsantahay?  ayaanle oo dareemay in wax si ka yihiin ayaa ugu jawaabay maya walaal waan yara caajisanahay ee adiga subaxnimadan xilligii shaqadana lama gaarine halkee ayaad
usocotay cabdi qani ayaa qoslay oo yiri illeyn ayaanloow guri waad iska joogtaa  waxyaabaha ka dhacayana waadba kawar la’dahay, subaxnimadanna qeyladaada ayaan kusoo baxay marka wax uunbaa si kaa ah, hawlahaagii xaleyto iiguma aanay muuqan kuwa kaa hadalsiiya subaxan, si walba walaal caafimaad ayaan kuu rajeeyey saakay waxaan ahay
safar miyaadan idhaweyneyn?

Kaftan daqiiqado socday ayey walaaluhu isku macasalaameeyeen, ayaanle jiif horuu uga quustaye waxa uu kaqeyb qaatay sagootintii walaalkiis.

laba maalmood kadib waxaa lasoo gaaray xilligi lagu ballansanaa hotel curuba  marti-sharaf lagu casuumay xafladda oo ubadneyd ardaydii wax la baran jirtay iyo dhallinyaradii labada xaafadood ee ay deganaayeen lammaanuhu qaarkood ayaa soo buux  dhaafiyey  hoolka weyn ee hoteelku ugu talagalay caweysyada iyo xafladaha gaarka ah, ayaanle habeenkaa siweyn ayuu uga dhex muuqday xafladda, si gooni ah ayuuna isaga  xil saaray qabanqaabada iyo isu soo ururinta asxaabtii kaqeybqaadan- lahayd  taasoo uu ku qasbanaa!

Xafladda habeenkaa waxaa sababteeda lahayd inay noqoto mid aan lgu caajisin kooxda iftin oo kasoo qeyb galayaashii xafladda  kahaqabtiray dhanka  heesaha iyo muusigga  hadduu noqon lahaa mid kulul iyo mid dabacsan intaba  si xamaasadeysan ayeyna ku soo idlaatay wakhtigii loogu talo galay.

Dhammaadkii xafladda kadib dhallintii is gaclootay ma ahayn xilli ay sheekadii  qabyada ahayd sii ambaqaadi karayeen waayo waa xilli dambe hawlihii xafladda ayaana lagusoo daalay waxaa laysla gartay in habeenka xiga la isu yimaado si loo dhammeeyo  wixii dardaaran ah ee isugu haray maadaama mar haddii lagasoo jeestay hawlihii  xafladda ay soo daba taallo hawl kale taasoo ah safarkii bilan jaamac ay ugu ambabixi lahayd dalka talyaaniga.

Ayaanle cali shirwac waxa uu is tusiyey inay tahay fursad aad ugu yar kusii baaqi ahaashaha  haasaawaha iyo hadalladii macaanaa ee uga dhignaa naf wax jecel sahay ay ku maqsuuddo kuwaasoo uu kaheli jiray gacalo bilan.

“”wakhtigii ballanta”" ayaanle oo badanaa jeclaa inuu wakhti badan kasoo hormaro xilliyada ay ballansanyihiin xiddigtii uu jacaylku mataaneeyey ayaa fiidnimo hore  isa soo taagay”baar bulsho” oo ahaa goob ay in muddo ah haasaawe iyo hadallo hoose  isaga soo jiibiyeen,  ayaanle meel gooni ah oo aan wax shanqar ah lahayn ayuu kafadhiistay baarkii si uu uga baaraandego hadalladii iyo dar-daarankii uu ku sagootin lahaa gacalisadiisa bilan jaamac.

Isaga oo bad weyntaasi dhex muquuraya ayuu kusoo baraarugay “fiidnimo wanaagsan macaane caawa waad soo dhuumatay muddaan ku raadinayey” ( haa ,haa)  ayuu durbadiiba lasoo booday isagoo dhanka kalena ay wali wax uga harsanyihiin hadalladii uu caawa  dar-daaranka uga dhigi lahaa, waxa uuna sii daba dhigay sababta aan caawa halkan
udoortay waxay tahay waxaan doonayaa inaan codkaaga macaan,hadalladaada soo jiidashada leh iyo quruxdaadan jinyo qabadka leh ay dhegaha iyo qalbigaba  si toos ah uga dhaadhacaan oo aan kadibna uga dhigto sahay aan nafta ku
samirsiiyo………waa socataa

lasoco qeybtii 16naad haddii rabbi idmo

             W/Q:axmed maxamed barrow (shoolli yare)


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Ilove love says:

    Asc shekadu waa sheko fcn noosodadajiya qaybta 18
    waxan ininkacodsanaya okale shekadi kale eecinwankedu qurbaha qasariyay qimihi jclkene away qaybti 8