Sheekadii Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 11aad

Bilan in kastoo ay yara degtay hadana waxaa madaxeeda ka guuxayey uur kutaalladii ay  ku reebtay guul darro dhanka waxbarashada ah middii ugu horreysay oo ah tii ay  subaxnimadan kalasoo carrowday dugsiga sare ee sheekh suufi.

siciid waxa uu dib ugu laabtay saaxiibkii ayaanle oo awalba meelaha ku gabanayey  waxa uuna lasocodsiiyey xaaladda bilan ee uu lasoo kulmay!

ayaanle oo ay quluubtiisu saafi iska tahay ayaa waxa uu kamuujiyey sida uu uga  xunyahay arrinka culus ee lasoo gudboonaaday bilan isagoo yiri in kastoo ay gabadhu  dadaal yari waxbarasho eedeyn iiga dhigtay hadana anigu ma ahi shakhsi marnaba ku  farxi kara guuldarro soo gaartay arday sideyda oo kale doonayey inuu horumar kagaaro waxbarashadiisa.

bilan guul-darradii kasoo gaartay imtixaanka waxay noqotay mid kusoo kordhisa dabeecado aan looga baran hoygii ay kunooleyd dabeecadahaasoo ay kamid ahaayeen  fakar joogto unoqday, xanaaq badan iyo farxaddii looga bartay oo noqotay mid yaraata  kadib guul-darradii imtixaanka, waxyaabahaas oo dhan waxaa si aad ah ula yaabay kana damqanayey hooyadii dhashay bilan oo har iyo habeenba samirsiin la daba taagneyd,

balse bilan sasabid iyo samirsiinba waa looga caalwaayey illaa ay gaarto heer cunnadii lagu kari waayo.

xaaladdii cakirneyd ee bilan waxaa maalmo kooban kadib farxaddeedii dib ugusoo celiyey oday jaamac oo isagu maalmahan safar ganacsi dibedaha ugu maqnaa.

aabbe jaamac warsame markii loo tibaaxay waxyaabihii kusoo kordhay reerka uu madaxa  u yahay si hoosena loola socodsiiyey xaaladda cusub ee kusoo korodhay gabadhiisa  bilan ee uu sida aadka ah u jeclaa, maadaama bilan iyo inan iyada kayari ay yihiin awlaadda kaliya ay ifka ka eegtaan.

oday jaamac waxa uu gabadhiisa u muujiyey sida uu uga xunyahay dib udhaca soo gaaray  waxa uuna uballanqaaday in haddii ay sii wadato waxbarashadeeda kuna dadaasho in xilliga soo socda ay ka guul-gaarto imtixaanka gunaanadka waxbarshada dugsiga sare uu abaal-marin uga dhigi doono safar dalxiis ah oo ay ku tegi doonto qaaradda yurub gaar ahaan carriga talyaaniga.

bilan si aad ah ayey ugu faraxday qorshahaa cusub ee uu aabeheed usoo bandhigay si qadarin waalidnimo iyo hammi dalxiis ay ku jiraan ayeyna uga mahad celisay sida uu ula jecelyahay horumarkeeda waxbarasho.

niyaddii bilan ee dhanka waxbarashada ayaa dib usoo noolaatay kadib ballanqaadkii loo sameeyey, bilan waxay u aragtay arrin yax-yax iyo xishood ku abuuri doonta sidii  ay wax ula baran lahayd ardaydii kal hore qaarkood dadaal yarida waxbarasho dhaliisha uga dhigtay balse ay dabinkaa iyadu ku dhacday iminka, guul-darrada imtixaankii kasoo gaaray bilan waxaa sabab u ahaa maaddooyinka qaarkood oo ay uhaysatay inay guul ka gaari doonto ayaa noqon waayey sidii ay xisaabta ku darsatay,

bilan qofka ay sida aadka ah uga cabsi qabtayna wuxuu ahaa ayaanle waayo waxa ay ogtahay jawaabtii ay ka bixisay natiijadii kal hore markii uu ku hoobtay imtixaanka  ee casharka loogusoo qaatay fadhigii”BAR BAKIIN” waxa ayna iska dhaadhicisay oo ayba aaminsantahay inuu markiisa ka aar gudan doono.

waxaa lasoo gaaray sanad dugsiyeedkii bilan loogu ballan qaaday haddii ay guul ka keento inay udalxiisi doonto italy kaasoo ku beegnaa -1989-1990- xilliga oo ahaa  mid ay arday badani sugayeen kuwaasoo ku qanacsanaa doorkii ay soo cayaareen  xilligii lasoo dhaafay iyo midkan cusub ee iminka billaabanaya.

ayaanle qudhiisu waa ay ukala duwanyihiin xilligii uu guul-darrada la xishoonayey iyo midkan cusub, baqdintii ay bilan kaqabtay in ayaanle ka aar gutto ma noqon  sidii ay aaminsaneyd, ayaanle waxa uu bilan kusoo dhaweeyey laab furnaan taasoo bilan ku noqotay….

La soco Qeybta 12-aad Khamiista Insha Allah

Calafka.net


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. Qadar says:

    Asc asxbta mel walbod jogtan qebtan waxan ka fahmay in ragu inta wax garata ay udulqatay dumarka oo aysan ka aarsan xumanta ay kala hormaran

  2. cawale says:

    wa sifiican sida usamdyay ayanle

  3. wadani says:

    Sheekadaan waa sheeko qatar ah Hora usii wada aan in letahay masha alah

  4. Daweye says:

    Asc mn sh allah ayaanle adin kana wad mahadsantahey hoga miyaha barnaajika

  5. ???? ??? ??? says:

    Waxa aaad rab daan miya ino shegey saaaan walaa layaaaaaaaal hadi aad wax ka og tihin wagi hodhe ino so gud biya qisadii ayaan daran iyo cadaawe