SAWIRO: Gabar Yar oo Lix koob oo Caano ah Maalintii u Cabta si ay Nolosheeda ugu Badbaadiso

Gabar yar oo 9 jir ah, magaceedana la yidhaa Holly Lindley oo uu ku dhacay cudur waxyeelleeya kaydinta jidhka ee cuntada (Glycogen), isla markaana aannu jidhkeedu cuntada u beddeli karin tamar, ayaa maalin kasta waxay cabtaa lix quraaradood oo caano ah si ay nafteeda ugu badbaadiso.

Gabadhan yar oo xaaladeedu aanay lahayn daawo ayaa lagu quudiya caano qabow ka hor inta aanay tegin hurdada, taasoo wixii intaa ka dambeeya miyir doorsoonta.

Caanahani waa qaar lagu daray tamar jidhkeeda habeenkii ku ilaalisa inuu tamar helo si aanay nafteeda waxyeello u soo gaadhin.

Karen Shaw oo 35 jir ah, gabadhan yarna dhashay ayaa £2,000 lacagta Ingiriiska ah ku kharashgaraysay ilaa intii inanteeda dhakhaatiirtu u qoreen caanahan, waxaanay tidhi; “Waa inaannu hubina inay badana cabtay caanahan, sababtoo ah habeennada qaar ma jecla inay cabto, waa inaannu nolosheeda caanahan ku ilaalina.”

Dhakhaatiirta ayaa la socodsiiyey in dhiigga inantan yar uu hoos u dhici karo, kaasoo sababi kara inay si fudud u geeriyooto, sidaa darteedna lala socdo xaaladeeda cunto, waxaanay sheegeen in cudurkan asiibay uu saameeyo hal qof saddexdii milyan ee qof.

Ibraahim Khadar Siciid


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. Shaarkeey says:

    Kkkkkkkkkk waa wax la yaab leh taas ani hala ii keeno anaa aqano waxa aan siiinaayee loooooooxad waaye

  2. Naima says:

    Waa wax cajab ah

  3. Warsame says:

    Caanuhu lixkoob ma ahan waa lix bakeri oo udhiganta 3koob aniga markan ciyaalka ahaan een geelanaga lajoogay gaawe yar oo 2koobqaada ayaa 4wakhti caanaha dhayda ah laygu siin jiray gororna kuma reebi jirin waanan caafimad qabay waliba kuwan gabadha lasinayo wakuwo warshadaysan oo intad donto kacabikarte anaga dhay kulul odku laqanyon ayan cabijirnay