Qurbahaa Qasaariyey qorshihii Jaceylkeena ‘Sheeko Jaceyl oo aad u Xiiso Badan (Qeybtii 3-aad)

Hanad oo farxad afkii juuqda gabay hadalkiina uga dhigay gaba gabadisii ereyo haboon oo xilligaasi dhagihiisa kusoo dhacay kuwaaso ahaa:

Xidig yahay waxaa tahay xulashada haweenkoo,
Xaqiiqdii mid kula mid ah wali lama xanbaarinee
Xuuran ceyn la mood yeey xarakada u dhalataay
Gacmahaaga xaada leh
Markaan soo xasuustaba xanantoobayee .

markuu intaa hanad yiri ayaa deeqa oo aheyd mid uu hooy u ahaa xishoodka ayaa qosol uu ku sar go’an yahay xishood dumarnimo qososhay ,warkii ayey kasoo dhex gashay deeqa ayadoo ku leh:
Deeqa:Hanad aboowe waan kasii baxayaa qadka ee wa inooo berito insha’allaah .

Hanad: waa yahay abaayo waa ino berito

Deeqa markii ay Telephonekii damisay ayaa waxa qolkii kusoo haray hanad yare oo daqiiqado ka hor isago ahaa mid aad umurugeysaan haddase ah mid ay faraxadoo idil usoo hoyatay ,kursigii uu ku dul fadhiyey ayuu kasoo kacay waxa uu arkay in uu wali wato dharkiisii waxa uu bilaabay in uu iska badalo .

dhankii sariirta ayuu usoo dhaqaqay waa sariirtii uu hanad baryahan kusoo dul qaatay marxalado kala duwan sida sugitaanka deeqa tii murugada aheyd iyo mida uu iminka uu la jiifo ee ah farxada record buu soo qaatay waxa uu bilaabay in uu muujadaha gaagaban ee fmka magalada muqdisho dhageysto.

Canbaar markuu marba mid sarayey ayaa markii danbe waxa uu kasoo booday mid ka mid ah idaacadihii magalada muqdisho hees uu aad u jecleystay oo markaas isku tusiyey in ay tahay mid ka hadlesa dareenka ku jira iyo sida uu u arko deeqa iyo waxa uu noqon doono hadalka ugu danbeya waxana ay aheyd heesta sida tan:

Indhaheyga aragtidaada aad bey ugu farxayaaneey
Adoo kale aadmiga kumaan aragee
Gacalooy kumaba arakeey.
Ubax carro ka bax iyo
xididadiisu qalbiga kasoo baxay
ayaa tahayee axdi meel ma dhiganaa
Macaan ma is aroosnaa

Heestii buu si saani ah u dhamestay hanad farxad ayaa isaga dhan hareysay adduunkoo dhan waa uu la ifaya wayo deeqadii uu ishaartayba maantay ugu soo bishareysay in ay la wadaagi doonto jaceylkiisan ugubka ah .

Deeqo iyado dhankeeda qolkeda oo ahaa mid aad u bilicsan dhankastana looga nashqadeeyey fiyoorayaal ayaa waxa ay bilaawday in ay ku dul fikirto waayo waligeed iyado ma aysan sameyn wax xiriir ah iskaba daa in ay qof la qaadato fadhi haasaawe ahee.

faaqidaad ayey ku jirta iyo sida ay Hanad berito u qaabili laheyd ,waqtiga waxa uu socdaba waagii baa dilaacay qof waliba howshisii buu u dhaqaaqay .

Deeqa waxa ay dhigataa school an sidaa uga fogeen gurigooda halkii bey intey is diyaarisay aaday schoolkii dhanka Hanad isna sidoo kale waxa uu aaday tacliintiisii madarasada waxa lagaaray xilligii lagasoo bixi laha gabi ahaanba schoolka oo waa 1:00 duhurnimo.

qof waliba asaga oo daalan ayuu isku tuuray sariirta oo halka ayaa nasiino lagu qaatay
deeqa iyada waxa ay bilaawday diyaar garowgii ay kusoo dhoweyn laheyd hanad ,wax waliba waqtigii loogu baahnaa ayey ku diyaarisay waa gaariyad gayaangeeda ka dhex muuqata deeqa oo howl maba xanibto tarbiyo wanaagsan iyo tabar dhanka howsha ahna wa ay qabtay waxa lagu soo dhowaaday xilligi balanta

wax yarka dib telephone ayaa usoo dhacay deeqa kaa oo kaga imanayey dhanka hanad wa ay qabatay .

Deeqa:hellow
Hanad:haa abaayo deeqa wa aniga xaladada iga wrn

Deeqa:aboowe waan ficanahy ee adiga iwaran?

Hanad:abayo sido kale wan ku ficanahy haye deeqa sow mahan xilliigi an balan saneen mase xogga aya ka yara harsan haddii aan soo deg degayna yaan la ila yaabin hee balanta adkee uun bey iga tahay

Deeqa:maya aboowe sida mahan waa waqtigedii insha’allaah markaad soo dhowatana isoo sheeg
Hanad: waa yahay abaayo deeqa

Hanad oo awalba diyaarsana ayaa gurigii isaga soo baxay gaari ayuu soo racay sida awalba xaafaduhu uka lama fogenee wax yar dabadeed waxa uu yimid meel u dhow aqalkii deeqa sida ay balantu aheyd wa uu soo wacay una shegay in uu kaso dagay gaari ok waa yhay aya la isku yiri
Dhankii gurigaya ayuu u soo dhaqaaqay waxa usoo gar garaacay ganjeelkii gurigia deeqa oo si dhiifoon usugeysa garaac ka yimaada albaabka ayaa durbaba markii ay maqashay albaabkii ka furtay salaan ka dib horay usoo dhaaf aya lagu yiri .

Qolkii fadhiga ee soo dhoweynta martida aya la fariistay is nabdeesi iyo hadalo kaftan ah ka dib aya la bilabay in laga hadlo sidii udub adag loogu aasi lahaa jaceylkaan ugubka ah.

Maxaa dhax mari Doono lamaanahan isku cusub ,Xaalku ma ahaan doonaa sida ay u rabaan ,Lasoco Qeybta 4-aad Jimcaha Insha Allah


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (11)

  1. yaxye says:

    a.s.c bahada warqaad wan isdilamey qibta 4d nosodidijiya

  2. Ahmed cabdi karim says:

    War shekada mcnaa

  3. Ahmed cabdi karim says:

    Wad ku mahad san ti hin shekadan xisahalee

  4. Bilot yare says:

    Waa sheko xisaleh

  5. Ahmed shale says:

    Wankaheley shekada wadna kumahadsantihin

  6. Nuur gedi says:

    Wa sheko qatar ah

  7. Dajiye says:

    Waraqaad wad mahad santihiin qaybta kale wan ufadhidhanaa insha allah

  8. Farah yare says:

    Ala shekadu macan badana. Waxasa jaceyl laga dhaha!!!

  9. Mohamed says:

    Runti waa sheko aad umacan waxan sugnaba waa qebta 4 insha alh warqaad aad baad umahadsantihin

  10. boqor says:

    waa hubaal wa asheeko aa dumacaan waan lasoconeenaa qeybt akale lakiin laakiin laakiin maxaa kadambeya ooyin iyo amakaag sida aan qeybaha hore kusoo arkay magaca sheekada

  11. Cabdiwali. says:

    Waat ka baxsateen