Qurbahaa qasaariyey qorshihii Jaceylkeena ‘Sheeko Jaceyl oo aad u Xiiso Badan (Qeybtii 1-aad)

Qof uu cudur kuu hayoo haddana kaa caawineyn cad ka maqan ba la yiri ,waa runoo haddii ad qof jacelkiisa u tabar daran tahay hadana uusan kuu soo jeedin waxaad la daris noqoneysaa dhibaatiyo soo jeed aan xad laheyn ,waxaasi daasi yiri inan Somaaliyeed.

Waxaa in muddo ah jaceyl aan xad laheyn oo ku dhisnaa wanaag iyo is ixtiraam uu inoo dhaxeyey inan aan in muddo ah wada soconay ,haddii an wax yar kaaga so haabto qisadeydi jaceyl ee an soo maray waxa ay u dhacday sida tan:-

Waxaan ahaa inan dhalinyaro ah oo ku nolaa magalada muqdidho ,nolosheydana waxa ay ku saleysneed waxbarashada oo kaliya iyo ciyaarida kubadda cagta oo an wada ciyaari jirnay asxaab dhalinyaro ah oo an wada daganeen xaafadda an kaga noolaa magalada muqdisho
galab ka mid ah galbaha ayan waxaan usuconay aniga iyo asxabteydii sida ay balanta aheydba goobtii kubada cagta waxa dhalinyaradii qaar ka mid ah aysoo jediyeen in aan sii lugeyno oo an xaafada dhex marno gacal iyo guddoonbaa lagu yiri fikirkii ay so jediyeen .

waxaan socono anagoo maalintasi ay naga muuqatay farxad iyo sheeko mararka qaarna aan farakaciyaareenay ayaa waxa hal mar ay indhaheygu ay qabteyn gabadh iyadu al baabka ama illinka hore ee guriga ku seerineysa biyo ay ku siday baaldiga malaha gabadhu aniga ayey idan laheyd wayo waxa ka muuqaneysay bilicsan oo hal mar iga soo saaray jawiga farxada ahaa ee an kula jiray asxaabteydi an wada soconay waxaanba arkay anigoo asxabteydii socdodkii ka yara hakaday oo si fiirinaya gabadha.

Nasiib daro gabadhii ayaa markey howsheydi dhameysatay al baabkii xiratay aniga oo an aqoon sida ay wax iga yihin ayaan meeshi isaga dhaqaaqay hase ahate ku talamaya talow maxa ka qaldan anigo waxba ugalin ayaan asxaabti kadaba orday banoonigi ayaan soo dhameysanay gurigi ayan isaga so laabtay .

Waxaa ii furmay baal fikir iyo xasuus ah aragtidii gabadhii baa isaaqday habeenkii hurdo wan isa seegnay waxaan ka fikiraa uun wa gabar aan aqoon magaceeda iyo xalada ay tahay iminka ma qof la qabaa mase wa gabar gayaankaa ahoo ad wax wadaagi kartaan muddo ayan ku fakiraayey in aan niyadeyda kasoo arimaha ku aadan gabadha laakiin waxa mar waliba iso hor istagayey suuradeedii wanagsaneyd iyo muuqii maankeyga qaaday qof waliba jawigan an ku jiro wa uu iga dareemi karaa waayo waxan noqday maqane jooge aan ogeyn waxa usameeyo xaalku waa u igu adag yahay asxaabteydii oo dhowr jeer igu tiri an wada baxno si aan banooni usoo dheelno wa ay igu hungoobeyn waayo jugti igaartay ee an fududeysanayey ayaa igu noqotay mid aan kasoo kici waayo muddo iyo maalmo markii an xaalkaa ku jiray ayaan go’aansaday in an asxaabti raaco waayo waxaa ay kusii jeedeen garoonkii kolkii hore oo asagu ku yaalay meel cabaar inoo jirto oo an kula soo dheelno koox dhalinyaro ah ,aniga aya so jediyey codsi ah saxiibayaal maadaama an indhowr ah an ciyaarin ama an guriga kasoo bixin waxba gaari ha ina saarinina ee an sii yara luga baxsano oo aan sida ku gaarno asxaabti wa ay igu raacin iyago oogaa in aan bar yahan xaalkeygu usan wanagsaneyn.

Inta aan wada soconay aniga waxan ku fakiraayey tolow nasiibku miyuu kugu caawin doona in ad fursad uhesho in aad la kulanto gabarta aad sidan u tahay asxaabto waa kuwa deg degayaa oo hadana wadaagayo sheko aniguse qalbigeyga waxaa maaxanayo arimo kale waxan go’aan ku gaaray haddii an nasiib u helo in aan arko in aaan si kastaba wax usheego (Dhiigiyo kalgacalkee ee xidida dhameystira afka lagama dhowree ma ogtahay dhararahaan markaan dhan useexdaba sidaan kugu dhaadhabayo o an agteyda ka dayo haddii ad dhigeygaay ii dhibtoon tahay aniguba kuguma dhaafeen ee dhinacaaga ila qabo) oow fiicnaan laheydaa haddii an ku dhihi lahaa hal mar sida qoftan an u dhawacanahay oo xittaa an aqoonta ulaheyn niyadu marba waxbey itustaa oo qofadan aqoon magaceda miyaad ku dhahda wan ku jeclahaye wax ila qabo maya waa kolkaa oo ad ku fashilmaa arintu waxa ay ku wanagsan tahay si tartiib tartiib ah ee horta magac iyo numberkeda so hela ama xittaa emailkeeda ugu yaraan haye ayan iri hadana waxan le yahay so suuro gal maahan madama ad muuq ahaan taqaano in ad ku tiraahdo wan ku jeclahay abaayo haa maya macquul maahan sida mahanee sidaa ayey arimi ku fiican tahay ayaan mar waliba ku talamayaa dhidid baa iga dureera muujado ayaan dhex dabalanayaa sheekado waa mid igu labo bugleyneysa marna hoosbaan dayaa oo anigo laadaya dhagixiinta marna waxaan si qumaati ah ugu socdaa horteyda madaama an usoo dhowaney gurigii ayaan asxaabta ku iri sii socda aniga ayaa idinka dabo imanaya muran yar ka gadaale wa ay iga aqbaleen.

waxan soo gaaray halkii layga helay gurigii ay kasoo muuqatay gabadhii bidhaanta wanaagsaneyd (oo ah masoo bixi doonta mase nasiibdarada gabadhu maanta sooma baxdo oow ALLE ayaan baryaya in uu illa kulansiiyo ) anigo albaabka uunbaa indhaha ku hayaa hase ahaate waxan fiiriyey in canbaar ah markii an joogay hareeraha guriga jardiin markaasi ku yaalay guriga dhiniciisa waxan arkay arin aan ugu farxay waa iyadiyoo bilicdii an ku ogaa mid ka sii sareysa uu ka muuqdo wa kali cidlo ah waxaana ay ka yaaban tahay sababta an guriga u hortaagnaa iyo markan arkay waxa qosolka iyo dhididka mataanaha ah iga keenay anigu waan aamusay hoos baan eegay ALLOOW yaa ku qariya ayey iga taagan tahay markaan xaajo wixii arin ahaa ee aan so gorfeeyey wan iska ilaaway laakiin wa ay ila hadashay ayadoo igu leh:-

fiiri walaal maxa ku helayna ee ad guriga u hortaagan tahayna? anigoo hinraagaya ayan ku iri maya abaayo wax kale maahan eeeen eeen fiiri horta abaayo eeen naftii baan hoos ka canantay wa fursade ka fa’ideeso ayan iri qumaanti ban u istagay wan egay waxan ku iri abaayo sow ma daginiidiina idinku gurigaan (haa oo wayo ayey igu tiri) ok abaayo.

Horta magacaga ma aqaanee isheek ayaan ku iri
gabadhi: oo maxad ii su aashayna?
wiilka: maya abaayo waa iska caadi qof magiciisa in la weydiiyo
gabadhii: waa deeqa
wiilki:maasha’allaah anigana abaayo waa hanad

gabdhii:mahadsanid haye hanad maxaad udan ledahayna wanba ka yabanahay Ow waa fursad dahabi ah wa in an ka fa’ideystaa, abaayo deeqo aniga muuq ahaan wan ku aqanay laakiin magacse waa igu ugub oo haddan ka maqlaa laaknii sheeko ayaa jirta abaayo kolleey waxba kama qarsoona wax waliba wad dereemi karta waxa gurigina i hortaajiyay iyo sida uu xalku yahay

gabadhii: haye  waxa ay u muuqataa in ay gabdhu tahay mid dagan oo si taxadar leh idhageysaneysa hadalkeeduna uu dabacsan yahay , markaasan intaan wadnaha gufeystay ku iri abaayo haddii an ku sheego arintaasi dadka qaar ma qaadanayaan oo waxa ay lee yihiin waa qiyaali laakiin qofka caqliga leh ee arimaha rog roga waa uu qaadan kara waayo wax waliba dunidan wa ay dhacaan anigu teyda maahan wax an horay u dhicin wa wax dhacay dhicina doona dhicina jiray abaayo aniga ka hanad ahaan wan ku jeclahay waliba si an caadi aheyn ayaan ku jeclahay abaayo deeqo markaana anigo umariyey ereyadii uu ku luuqeeyneyey lafoole ee ahaA.

Dabacsanida hadalkiyo daganaanta inan yahay waa waxa dareenkiyo nafta damaca galiyee kaaga doortay kheyrkaa ,dugsi dhaxanta celiyo daawadeyda ii tahay deeqa abaayo wan ku jeclahay.

markaan inta ku iri ban yara nafisay haa alxamdulilaah jawaab ayaan ka sugaya wan damqanaya miyey kaa aqbaleysa mase waa ay ku dideysa oo wa ay kugu gacan seeri doontaa ALLOOW umuraha sahal,Jawabteeda waxa ay Noqotan Sida Tan’’

Talow Maxaa loogu Jawaabi doonaan ? Gabdahu maku qanci doontaa Hadalka Hanad mise arin uusan fuleyn ayuu kala kulmi doonaa?

lasoco Qeybta 2-aad ee Sheekada Jimcada Soo socota hadii Rabi Qadaro

W/Q: Nafisa Xaashi Cali
Tell:00249995194447
Email:naftaxaashi143@hotmail.com
naftaxaashi@gmail.com


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (14)

  1. Shirwac yare says:

    Wa sheeko daren jacayl laga daremayo, qofki dhadhamiyey aya fahmi kara, wa xanuun dhib badan, qofki ilahay u gargaaro aya ka gudba.

  2. Jaceyl jaceyl says:

    War wanba suki laayahay ee allow iku siin jimcada danbe

  3. Qalbi cawil says:

    Asc.bal an aragno waxay ku dambeyn donto allow farxad aya rajey nayna wcs

  4. mohamed isaq says:

    asc inosodadajiya qeybta 2aad mahadsanidin

  5. Simple story with love, says:

    Lama yaqaan jwbta aad lakulmi donto.waad dag dag tay kawaran hadii laqabo,waxan layabay reer muqdisho fudayd badanaa,

  6. Maxamed cabdo macalin says:

    Asm alo sahal

  7. altowba says:

    Y u people repeat dis story we already saw it last friday and we are waiting 4 part 2?

  8. aniga says:

    asc walaal sheekooyinkaan waa bateen jaceylka maxaa ka dambeeya guur walaal guurka ka hadla iska ilowa jecelka beenta ha marka leys guursado ha la adkeeyo o daacada ha leysku noqdo !

    oo ha leys ixtiraamo nolasha dhabta ah waa dambeysaa!! taasi ma laga fikiray mise waa isku soo bood!!

  9. Albaqdaadi says:

    Asc walalayal shekada wa mid jirta ma ahan alifad tedakale rermuqdisho hadi an naha fuded aya nadilaya waxanakenaya qafka darema aya alla ku xaririyay mar an iska hubino kadibna an inamada an wax layaqan ushegno

  10. Halimo or istahil+isar says:

    Ani fikir ahan wexe ila tahay jacel bogtisu darantahay laguna camal tus qato qof walbo si be ku so maresa marka yusan qalbiga ka jawin alle haku sahlo amiin amiin

  11. Halimo or istahil+isar says:

    Naftu wasi eku damacdo mgcga wuxu u carfa sidi barafunka jacelkana kana mcn malbka qadarinta jacelka wa inad ku faraxdo kadib adka hesha ogato inu din leyahay cilmi dawecad wangasan u le yahay qurux bdn yahay inan smaliyed u yahay thanks those intrest love they can cominicate to me my email

  12. Luuqyare says:

    what a love story jimcada kale maba sugikarnee

  13. Maariya says:

    Asc walalayal waxan umaleynaya aniga in lagu diidi doono