Qurbahaa Qasaariyay Qorshihii Jaceylkeena (Sheeko Jaceyl Oo Aad U Xiiso Badan Qeybtii 8-aad)

Aqristayaal qeybtii hore ee sheekada waxa ay inoo joogtay deeqo oo su’aashii hanad ugu jawaabtay mid uu garawsaday misana salka ku heysay xigmad soomaaliyeed taasi oo aheyd

Qeybta 8aad ee jimcadana waxa ay noqoneesaa sida tan :

Deeqa:- Hanadow aboowe miyaadan ogeyn in ay san indho is jecel si toos ah isku eegi karin (indho caashaq isma eegi karaan) marka sida ayaan kaga jeestay

Hanad:- kkkk abaayo deeqa waa sax waxana kugu jeclahay xigmada iyo indheer garadnimada dumar ma qof lagula simaa jira

Deeqa:-kkkkk aboowe mahadsanid xilligii salaada ayaa la joogaa marka xoggaa howlana wa ay iiyalaan xilliga aan fursada helo aniga ayaa ku soo wacaayo

Hanad:-ooow ok lakiin ma meel wadaan laga qabtaa micnaha caddeey sheekada meel looga tago malahan dhibkeygaba ha ahaatee gacaliso isoo dhaqso daqiiqadna inan ku moogaado madoonaayo

Deeqa:- ok inta tabarteyda ah waan isku dayaa in aan soo dhaqsado inta aan kaa maqanahayna xasuustaadan weheshanayaa bye

Hanad:- bye luv u xabiibtii

sida ayey isku macasalaameeyen inkastoo qalbiyada laga dhibsanaayey kala tagida oo qof waliba madoonaayo in uu waayo maqalka codka kan kale hasayeesha dunida iyo howlaheeda ayaan usaamaxeen sida ay doonayaan

Deeqo iyada waxa uu caado aheyd in ay galab waliba jalbeebka guriga soo fariisto lakiin ayaamahaan waa laga waayey howlo aan cidina garan ayey ku mashquulsan tahay qolkeeda banaanka ugama soo baxdo illaa xiliyada howlaha iyo cuntada mahane

hanad school waxa uu ku yeeshay asxaab iyo saxiib uu si gooni ah u dugaashado sirta iyo arimaha deeqa kala dhexeeyana cidna lama uusan wadaagin halka dhanka deeqana ay kala siman tahay arintaasi hanad oo iyaduna shibta ayey la nabad gashay cidina isagama shakin in labadaaan ruux ay wax cilaaqo ah ka dhexeeyaan iskaba daa in la ogaado in uu deeq darteed uu ugu soo badashay schoolkaan hanad

waxaana u caado ah deeqa iyo hanad inta schoolka la joogo in aysan sameen wax isla hadal iyo meel isla joog ah amaba sheeko wadaagid ah

dareenkaa asluubeeysan jaceylka dhabta ah doorka hasaawe iyo ragga midduu dumar doonaayo in uu nolol la wadaago ayaaba ah in aan hablaha dariiqyada lala istaagin jaardiimadana aan lala wareegin sidaa daraadeed maalina ma aysan dhicin deeqa qalinka idhiib iyo hoo hanad waxaadba moodeesaa in labadooda indhood marka ay is qabtaan iyagoon isku qasdin in isla ilbiriqsayadaa lakala jeesanaayo

asxaabta deeqa waxa ay ka arkeen is badal iyo dhoola cadeyn saa’id ah iyo iyadii oo yareesay dhaqdhaqaaqii ay ku sameyn jirtay gabi ahaanba fasalka

codka deeqa labada ag fadhiso madhaafo halka ay sheekada horaantiii imashada hanad ay la wadaagi jirtay gabi ahaanba hablaha iyo wiilasha la dhigta classka isbadalkaas laga dareemay deeqa waxaa ugu weynaa in xilliga laga baxo classka ay san habayaraateed wax sheeko ah la wadaagin asxaabtaa oo sidii falaar la ganay iyado aan meelba fiiriin toos u beegsato aqalkooda

asxaabta deeqa waxa uugu dhow inan ay aad isku dabeecad fahmeen aana ka dowr iyo indho dheergaradnimaba ka yareesan taasi oo dhaqdhaqaaqeeda lasocoto inkastoo aan waaxba ukala cadeen waxeysa la yaaban tahay ciyaarta halka ay ka dheelineeso waqtiga iyo waayaha in ay udeyso ayeyna go’aan ku gaartay iyadoo tiri (wallee war jiraaba cakaaruu iman)

hanad iyo deeqa howlahoodii waxa ay ku idlaatay iswacid iyo in indhaha la iska eegto xilliga lagu jiro classka

hanad wicitaanka deeqa ayuu dhararayaa halkaas ayuu lakala soo baxay buugaagtii uu wax ku baranaayey mid ka mid ah aqrina ku bilaabay si uu isku ilaawsiiyo maqnaanshaha deeqa kuna sugo

waa lamaane jecel in ay isku noqdaan sida qof iyo harkii dhiig iyo xididadiisa ruux iyo qalbigeeda qofna ma eegaayo waxa ka horeeya ama gadaal ka jira wacyiga jira ayey la jaan qaadayaan duni ayaa isugu xaglisay waayo malab ah ayey muudsanayaaan isla jiibin iyo qalbiyo is aaminayna iskula garab joogan

telephonekii hanad ayaa soo dhacay waa uu qabtay codkii uu doonaayey ayuu ka dhugtay

neef ayaa kasoo bootay waxana uu bilaabay in uu u sheego intii ay ka maqneed iyo waxa uu dareemay deeqa

hanad:- waaaaaw xabiibtii deeqa abaayo ma aniga ayaa mooday mase waad soo habsaantay

deeqa:- uuuuum hanadoow jwbta wa ay igu adag tahay ee adiga isheeg maxey kula tahay

hanad:- abaayo inti aad iga maqneed waxa ay iila eg tahay in maqalka dhagaheyga ay aad ku tabaayeen qalbiguna waa ku sugaayey maskaxduna wa ay ku xasuusaneysay indhuhuna waa ay

deeqa ayaa dorbadiiba hadalka kasoo dhex gashay hanad

deeqa:- bes bes hee hanadoow mase waxaad dooneysaa in aan caawa seexan waayo

hanad:- deeqaaay abaayo in aad seexan weyso anigaba dan iima ahan tan kale maxey jawabta kugu adkaatay

deeqa:- abaawe wayo waxaanba ku qiyaasi la’ahay saacado hadana ma maleeyo in aan kaa maqnaa waayo daqiiqad kastaba waxaan ka fikiraayey wa arimaheena iyo jaceylkeena

hanad:- abaayo hadaba waad isoo labaatay waxaan qiyasayaa in xilli danbana ay tahay marka in aan ku macasalaameeyo uun baan doonaayey madama aad howl ku mashquushay aadna daalan tahay howlihii schoolkana ay ku sugayaan waa inoo beri insha’allaah

deeqa:- ok aboowe habaan wanaagsan

hanad:- lakiin abaayo deeqa hal codsi ayaan wataa ee miyaad iga aqbaleysaana?……………………..

lasoco kheybta 9aad jimcada soo socoto insha’allaah iyo waxa uu noqon doono codsiga hanad

xuquuqda sheekada waxa ay u dhowrsan tahay qoraaga sheekada Nafisa xaashi cali

Q/sare:Nafisa xaashi cali
Email:-naftaxaashi143@hotmail.com


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (7)

  1. fodcade says:

    Asc waaaaw jecel igadheh

  2. Cabdi nuur says:

    A.s.c dhamaantiin Wow
    waan la dhacey

  3. Aden Dirir says:

    great nafisa qatar waye shekadan

  4. Aisha says:

    Waxn dhararaya mexey ku dhehen lamanaha qurbahaa qasaariyey qoshahii jecelkena

  5. hanad cade says:

    walaahi waa.jeceyl dhisan lkn kasaasookale laguma guuleysto maxayeelay hadii u sas u dhisanyahay waxa soodhexgalo cadaw kafaa iideysanaayo lamaana.ha isjecel oo ladhoho sedexeeye kanashaqeeyo lugooyada lamanaha isjecel wan arkidoona mehey marto by

  6. mursal yare says:

    Ilahow talada utosi waa lamane isjecel o hadana karti mujinaya tolow maxa xigi doona allow nacab ka ilali. Sida aniga o kale madonayo in faraxadeyda la ileysto hanadna uu noqdo mid. Lamantisa nacab ka dufsado. Koley shekada. Wexey kusi sovota. Halkey idhigtay aniga. Sababto ah. Ciwanka shekada ayanba daremi karaaa. QURBAHA QASARIYE QORSHIHI JECELKENA

  7. rs gp says:

    Its not my first time to visit this site, i am browsing this site dailly and get good data from here everyday.