Qurbahaa Qasaariyay Qorshihii Jaceylkeena (Sheeko Jaceyl oo aad u Xiiso Badan Qeybtii 7-aad)

furiin2Kheybtii 6aad ee Sheekada waxa ay inoo joogtay:-

Hanad isagu waa uu weyso qabayee isla markiiba qolkiisii ayuu ku dhex tukaday daqiiqado kadibna illeen waa qof uu jaceyl wadee bilabay in uu garaaco numberka deeqa .

wax yar ka dib telephoneki aya la qabtay cod uusan filaneynin ayuu maqlay

Waxanaa lagu yiri…..

Qeybta 7-aad waxa ay ku bilabanesa jimcadan aqristayaasha sharafta lahoow:-

hellow

Hanad;-

Hellow :- hadla waayo adinka aya ina soo wacdeenee

Intaa markii uu hanad dhagihiisii ku hubsaday uuna ogaday codkaan in uusan aheyn codkii gacalisadiisii ayuu asaga oo an hadlin telephonekii damiyey

Xasuus dheer iyo gocosho ayuu galay waxaa daqiiqad kastaba dhagihiisa kusoo dhacaayo ereyadii macaane ee dooriyey maankiisa bidayna in uu ilimeeyo e ay deeqo ku tiri (hanadoow markii an ku caashaqay ayan caruuroobay isoo celi hee) waah waah ayuu yiri

Waxaa sidii dayaxa 15aad si la eg ugu cadaatay in ay deeqa markaan jeceshahay

Waxa uu bilaabay in uu sariirta hadba dhinic isugu gadiyo marna uu ka fikiro xalka deeqo iyo halka uu ku biyo shuban doono jaceylkaan xad dhaafka ah ee uu jecel yhay

Deeqa iyadu dhankeeda waa dumaree waxa ay ku mashquushay howlo yar oo iyadu u harsanaa

Waxyar kadibna waxa ay soo xasuusatay balantii Hanad iyo in ay ka habsaantay waxana ay usoo dhaqaaqday dhankii telephoneka waxa aysa la kulantay iyado telephoneka ay ku hadleeso walsheed

Intay qalbiga iska gunjishay ayey ku fakirtay sidaay ku heli karto maqalka Hand hadana waxa ay is tusisay in ay xiliyo kale helli doonto

Waa dhalinyaro midba kan kale uu jecel yahay in uu la wadaago noloshooda iyo waqtigaba lakiin adduunyadu waa mid laba bogleyso sida aad wax u jeceshahayna mar waliba kuguma soconayaan

Hadii uu jaceyl yimadana waxa meesha ka maqnaaneyn seddexeeye iyo dira diraale

Yaase kala geyn doonaa jaceylkaan ku socda xawaaraha?

Waagii baa dilacay noolihii waxa uu u kala faafay howlihiisii daruustii iyo shaqadiiba loo kala hayaamay deeqa iyo hanadna midba dhankiisa ayuu ka soo dhaqaaqay una soo tabaabusheystay cashirada maalintaas ay bixinayaan macalimiinta fasalkii aya lasoo galay deeqa waxa ay iyadu fadhisa safka 2aad ee kuraasta fasalka markaas halka hanad uu isagana fadhiyo kuwa hore ee classka wax yar markii ay socotay xiisada ardaydiina ay ku mashquulsn yihiin qorista iyo dhageysiga macalimka ayaa labada lamaane isku dhaceen indhahooda korna la iska salaamay dhugasho ayaa lagalay deeqa waa dumaree horay ayey ka jeesatay iyadoo geesaha aan eegin ayey si qumaati ah u eegtay buugeedii markaa horyaalay

Hanadna intuu dhoola cadeeyey ayuu iska sii watay qoritaankisii

Waxa lagu soo labtay guryihii labadan beriba waxa ay caado ka dhigteen labadan lamaane in ay durbadiiba ay isa soo wacaan laakiin warkii horeba war soo dhaaf iminka salaad iyo in dharka labadasho waa la dhararayaa durbaba dhagta bidixx iyo midig ayey telephonedka kula qabsadeen isa soo wicid ayey galeen qof waliba busy ayuu dareemay deeqa isla markii waxa ay dhigtay telephoneka waxa ay is weydisay maanta sababta keentay deg degan iyo wicitaankan madama ay ka sugi jirtay hanad

Inta aysan helin jawabahaasi aya telephonekii soo qeyliyey is wareysi ka dib hanad aya su’aalay maanta waxa ay uga meer meertay ugna jeesatay markii uu isha naxariiseed ku eegayey

Deeqa oo aheyd qof uu ALLE xigmad iyo wanag ku maneystay ayaa waxa ay ugu jwbtay mid uu ku qanco qof walibana uu ugu garaabilahaa waxana ay aheyd sida tan …………

Losoco qeybta 8-aad ee shekada oo noqoneesa qeeb ka xiiso badan qeybihii hore hadii uu Qaadir raali ka noqdo

Q/Sare:-Nafisa Xaashi Cali
email:-naftaxaashi143@hotmail.com


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. Hodan-122 says:

    Asc Yasaaalam waxas iga dheh jecel lkn wad nagu yareysen shekada

  2. Maasha Allaah walahi waa sheeko naxariis-jaceyl ka buuxdo intaan kala qabsaday balse waad nagu jartey sii wadadi baan rajeynayaa mhdsndn.

  3. deeq yare says:

    sheekadan maxaad aqyaaray isoo dhameestiri wayday, ayaa uga helay soo dhameestire plz

  4. Samira says:

    Please Friday waa la dhaafay maa soo galisaan qeeybtii 8 maalmahaan oo dhan sidaan U fiirinaayay waa dalay webkiina sheekadaan ad Ayan ugu heeystaa