Qurbahaa Qasaariyay Qorshihii Jaceylkeena (Sheeko Jaceyl oo aad u Xiiso Badan Qeybtii 5-aad

Deeqa markii ay istagtay ayaa waxaa kor u eegtay saxiibteed oo garabkeeda fadhisay islamarkiiba si deg deg ah ayey inteey darafta xijaabka deeqa qabatay fariisisay kuna tirii, naa deeqa miyaad walaan tahayna maxaa ku istaajinaayo hadaaba xiisada lasoo galay tan kale miyaadan la socon macalimkan inoo soo galay in uu yahay macalim adag maanta haddii uu ku arki lahaa xiisada oo idil waa uu kaa saari laha waxana macquul noqon laheyd xittaa in aadan mardanbe soo galin ee saxiibeey inaga joog waxa ku daarayba ma aqaan maantee cajiib.

Deeqa warkaasba ay saxiibteeda leedahay kuma socdo oo wa ay amakaagsan tahay niyadana iska ledahay maya Hanad maba noqon karo qofkaan ma waxa jiro wiil la dhasho mataan la ah malaha oo schoolka ku soo biiray maya waa uu isheegi lahaa waayo walaladiis inta la dhalatay wa u ishegay haddii ay jiri laheydna wa u iisheegi lahaa malaha waa asagii maya maxaa dhacay hee wixii run ah gadaal ayaan ka ogaan doona waxba yaan dadajin haddii an wada nool nahayna hadalkaa hanad waa uu ishegi doona iyo waxa dhacay.

lakiin waa su’aalee maxaa dhacayna oo iigu sheegi waayey hanad arintaan????

isla hadal dheer ayey gashay waxaa maalintaas halkaas ku dhamaday xiisadihii oo idil deeqana waxba lama aysan socon oo jirkeeda uunbaa joogay fasalka qalbigeedana waxa uu ku maqnaa falaqeynta arimaha hanad.

Hanad isagu hadafkii uu lahaa waa uu garay farxad ayuu is heyn kari la’yahay waji wanagsan ayeyna kusoo dhoweyeen dhalinyaradii kale ee uga soo horeeyey classka ama fasalka xilliigi bixida ayaa lagaaray deeqa si tartiib ah ayey boorsadeedii usoo qaatay oo illinkana uga soo dagtay.

Hanad isaga in uu salaamo ayuu go’aansaday oo gacalisadiisa wax waliba markaas uu u sheego meel an sida uga fogeen albaabka hore ee dugsiga ayuu u istagay markii uu milicsaday bidhaanteeda ayuu aad u farxay iyo fursadan uu heesto maanta waligiisna uu heesan doono hadal ayuu ku bilaabay

Hanad:- Asalaamu caleykum abaayo deeqa
Deeqa:- wacaleykumu salaam
Hanad:- iwaran hee abaayo xalkaga ?
Deeqa:-waan ficanahay aboowe adigana iwaran?
Hanad:-abaayo wan ficanahy mantana wad ijedahee waxan ku soo biray dugsiga waxana deeqa abayo filaya in la isoo dhoweyn doono
Deeqa:- lakiin kadis ayad iga dhigtay miyaan wax la isku sheegeenina hanadow
Hanad:-abaayo wax aan ku shegin miyan sameynaya wax kale mahan manta dareenkan an kaga jeedo kugu man arkeen haddii an ku sheegi laha marka abaayo wax wanaaji ayey iga aheyd uun iyo aragtidada kadis uga dhig deeqa

Deeqa:-hanad waan sii soconaya marka aboowe iga raali noqo wixii harsan waxan ku wada dhameysan doona telephoneka
Hanad:-ok abayo ogaawna adiga darta ayan dugsigeygii uga soo tagay kana an ugu soo biiray
Deeqa:-hanad mahadsanid aboowe wan sii baxayaa
Hanad:- haye abaayo markan guriga tagoba aniga ayaa ku soo qaban doono.

halkii ayaa si nabad galyo ah lagu kala tagay inta wadada lagu sii socday qofba wax ayaa niyadiisa ku jiro deeqa iyadu markaan farxad ayey daremesaa lamaane waxkasta darteeda usameeynaayo in ay heshay ayey aragtaa qof hiil iyo hooba lagarab taagan kana shaqeynayo wanageda ayey aragtaa farxad ayaa hareysay waxa ay ku talameesa tolow haddii uusan yahay jaceylka maxey dadka qaar wax uga sheeg sheegan maxaase mar hore u hele waayey hoostaase ka tiri sitirigam wallee adiga ayaa helay hanad oo baari ah dacadna ku ah ee jaceylkoo dhan sidaan ma wada aha ,ALLE ayey hoos uga mahad celineesa iyo in uu hanad iyo howlihaasaan uula garab galo wanagodana uu joogteeyo waa laaab hableed wixii lagu beertana ay baryo ka dib kasoo muuqanayaan iminka jaceylka hanad ayaa hareeyey oo ka ifaayo dhamaan ogadeediyo qalbigeedaba.

dhanka hanad wax waliba waa farxad kheyr waxa uu dhararayaa inta uu guriga ka tagayo salaada duhurna uu tuganaya,inyar ka dib qof waliba si nabad ah ayuu gurigii ku tugay holihiisii markii uu hanad soo dhameystay ayuu telephonekii qabsaday wacayna numberka deeqa canbar ka dib waa laga qabtay waxana ka qabatay codkii uu filaayey ee dabacsanaa wa deeqada maanta u ah wax waliba oo dunidana yaalo kana xusha malaayintaan guudka dabato.

Deeqa:- hellow hanad
Hanad:deeqa abaayo macaanto iwaran hee?
Deeqa:-waan ficanahay adigana iwrn?
Hanad:-waan fiicanahay maanta kulankenii wan ku farxay dhabtii abaayo
Deeqa:- lakiin aniga wan ku xanaaqsanahay
Hanad:-caqli miyaad laheyn cilmi miyaad laheyn deeqooy nin ku caashay miyaad la colowday?
Deeqa:- caqligii aan lahaa cilmigii aan lahaa hanadoow markii aan ku cashaaqay ayaan caruuroobay?
Hanad:-caafidii calaf caashuunii ceykeygaay caabigaagii baan ahay kuu cabadayee cishgeyga wa cad goyn igu caawin haay?
Deeqa:-cishqigaagu ceynan yahoow cajiib weeyaan caruurnimadeydii ayaan ciroobay ha i ciilin ceynan yahoow isoo celi heee?
ereyo wanagsan jaceyl miizaaman ayaa la is dhaaf dhaafsaday deeqa waxa ay xishootaba manta maslaxii jaceylka ay kula jili laheyd hanad ayey si toos ah usoo fuushay

Hanad markii uu deeqo intaa ka maqlay waxaa halmar is badalay jawigii uu ku jiray jirkiisiibaa gil gishay xaadisiina hal hal ayey u istaagtayqofkii (home work ) ahaan ama shaqo guri ahan loogu soo diri lahaa maalintaas in uu soo xisaabiyo xaada hanad waa ay usooro gali laheyd waxana hubanti ah in uu ku guuleysan lahaa shaqadaasi naf jaceyl haayo daciifsanaa una nugulaa hadalada raxmada ah ee ay ku leedahay ruuxda kale aamusnaan aya kasoo hartay hanad hadalkii deeqa aya sii wadatay.

Deeqa:-kkk aboowe macaane hanadoow waan kula kaftamaayey ee xanaaq majiro
hanad:-
deeqa:- ayaa ka yaabtay jwb la’aanta hanad waxeyna is tiri malaha wiilkii dadaalka iyo raadintaa kusoo galay ayaad niyad jabisay hellow hanad aboowe mahan wax iga niyad ah cade sorry ee ila hadal maba is laheyn hanad aya inta ka xanaqayo kalsooni ayan kugu iri
hanad ayaa halmar kusoo baraarugay deeqa oo hadlesa codkeedana uu ka muuqdo xoggaa caluul xumo ah ama lagu fasiri karo mid ooyineed

Hanad ayaa hal mar ilin kasoo daadatay isla markaana si rasmi ah codkii ugu xirmay
deeqa waxey maqashay fug fugta ama neef tuurka ooyineed ee dhanka hanad kasoo yeereeso waxaa hal mar la wareegsaday dhulkii oo idil iyana dhankeeda waxa ay ka bilaawday in ay doorkeeda qaadato hadalo macaan oo ay ku qancineeso hanad ayey bilaawday.

marxaladaasi ayaa in cabaar ah lagu jiray kala aamusnaan maqalka ooyinta uun baa lays weedaarsanayey hanado oo aha hogaanka hadalka ayaa is dhiiri galiyey hadalkiina soo rogaal celiyey inkastoo ladareemi karo in uu yahay qof ay ka muuqaneso codkiisa ooyin waxa uu bilabay in uu qanciyo gacalisadiisa.

Hanad:- abaayo deeqa maya mahan micnaha in aad iniyad jabisay lakiin waxaa ibadalay kalmadahaan macaan ee aad itiri runtii maantana jaceylkii aan ku qabay waa uu igu sii labo jibaarmay abaayo deeqo I love you 4 ever
deeqa:- hanad aboowe wan ku baryaa mar danbe sida hasameyn macaane wan ku baryayaa waayo kistaan waxa aan dareemay ee dhib ah ma qiyaasi kartid.

hadalo macan oo jilicsan jaceyl aan xad laheyn ayaa la dhex dabalanayaa qofna ma xasuusna in uusan qadeyn illeen naf jaceyl dhab ahi haayo gacal wad jirana ah duniyoo dhan iyaga ayaa isugu filan qofkamid ah labadoodaba lagama haayo baahi ayaa iheeso oo qadaan donanayaa
baahida uu qof waliba sheekanayo ee dunidan u karabo aya noqotay nafta lamaaantan ku ah
deeqa markaan iyadu waa ay is furfurtay awalba kalsooni buuxda ayey ku qabtay hanad hadase waxa ay ku darsatay in ay u muujiso dareenkeeda iyo waxa xageeda ka yaalo dhanka hanad waxaaba lagu tilmaami karaaa boqorada jaceylka waxeyna ay halmar dhagaha hanad ka buuxisay kalmado macaan oo ay ku muujineeso waxa ka dhex guryamaya qalbigeeda.

deeqa:- cad iyo madoow ceenaadada u ciishooday calwasadayee sidee baan ku ceen taayeee ha i ceeliney ceynan yahoow isoo celi heee isoo celi hee

hanad ayaa ku yiri abaayo deeqa waxa balan ah in aadan dunidan haddii an ku hanto aadan ku ciiltoobi doonin abaayo waxaana maanta diyaar kula ahay in aan kula wadaago farxad dhib kastana aan kaa qariyo ee abayo dhankaga iga adkee sharafeey.

labada haatuf ay kuwada hadlayaan labadan lamaane haddii maalintaas lagu seddexeen lahaa maqalkooda macaane iyo sheekadooda kuwa dafira jaceylka maalintaasi waxaaa hubanti ahaan laheyn in qofkaasii uu xaqiiqsan lahaa dareenka jaceyl ee uu inkiro iyo qiimaha uu leeyahay laman aad dunidan ku hesho kuna daacad ah dhib iyo dhaawac in ay kula qeebsatana diyaar u ah.

Alla jaceyl wadaaga lamaane isku daacad ah isku qanacsan wanaag badanaa hadalkooda bis ayaa waxa uu qar qin karayey maalintaas wax allaaliyo wixii ah xumaan side ama xaasid jaceyl
nasiib xumase sheekadu labadooda uun bey ku ekeet oo isla jiibinaayey saacad lama eegin qof waliba waxa uu aad u dhuuxayaa hadalka macaan ee kasoo burqanayo bushimaha gacaliyaheeda/gacalisadiisa wax muujadahaas la dhex dabaashaba waxa dhagahooda ay maqleen aadinkii salaada casir waxana lagu balamay markii ruux waliba soo tagodo in la isa soo wici doono si sheekada halkeeda looga sii miiso waa yahay iyo haagag howrarsan sheeko ayaa la isku yiri.

Hanad isagu waa uu weyso qabayee isla markiiba qolkiisii ayuu ku dhex tukaday daqiiqado kadibna illeen waa qof uu jaceyl wadee bilabay in uu garaaco numberka deeqa
wax yar ka dib telephoneki aya la qabtay cod uusan filaneynin ayuu maqlay
waxanaa lagu yiri…..

la soco qeybta 7-aad ee sheekada oo xiisaheeda leh haddii uu ALLE weyna yiraahdo

W/Q qoraa sare :-Nafisa xaashi cali
email:-naftaxaashi143@hotmail.com


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (6)

  1. qaasime says:

    walahi waa sheko aad umac

  2. Daauud says:

    Waw! Lama arag lamana maqal sheeko ka xiiso badan
    walee waxaad tidhaahdeen duhur iyo casarbay sheekaysanayeene!
    anaaba duhur iyo casar akhrinayey sheekadan saaxiibayaal aadbaan idiin mahadcelinaynaa dadaalkiina aad noo muujiseen

  3. Seef ade says:

    Asc maasha alaax sheeko lee iskadhex laakiin la.arkidoone wexii kadambeen doonto inshaa alaax

  4. cabdifataax says:

    asc walaalayaal waad ku mahadsantihin ee waxaan idin ka codsanayaa in aad noo soo daysan qeybtii 6lixaad iyo inta dhimanba waa sheeko aad u macaan mahadsanidiin

  5. mohamed xaakim says:

    asc sxbyal shekadu saanu usugeynay ayanu dhararnaye seed nagarabtan

  6. cawil says:

    madha allah waxaas ayaa la dhaha jacel