Qurbahaa Qasaariyay Qorshihii Jaceylkeena (Sheeko Jaceyl oo aad u Xiiso Badan Qeybtii 4-aad)

Qeybtii hore ee 4aad waxa ay noogu joogtay aqristayaasha sharafta lahoow.

Hanad ariintii oo u cuntami weysay hoostana ka xariiqay go’aana uu ku qaatay in uu gabi ahaanba schoolkii uu dhiganayey uu isaga soo wareegsado una soo badasho schoolkii ay dhiganeysay gacalisadiisa Deeqa.

Waxaana uu maalintaasi asagoon wadan dareeska school uu u kalahay xafiiskii dugsiga waxana uu la kulmay maamulkii dugsi waxana uu u sheegay in uu rabo warqada badalka dugsiga si uu halkiisii waxbarashada kaga sii wato.

arintiisa aad buu ula yaabay maamulkii dugsiga waxana la weydiiyey sababta ku kaliftay arrintan iyo dhibka ka heesto waxbarashada schoolka.

Hanad waa nin ay meeli u cadahayee asagoon waxba talo iyo tusaale la qaadan maamulka kana madaxa adeegaya jawaabaha u ka doonayo maamulka ayaa ugu jawaabay in ay jirin wax dhib ah go’aankiisana uu yahay in uu ka badasho dugsikan

Maamulkii dugsiga oo qadaranaayo hanad oo ah mid xushmad ku dhex leh dugsiga ayaa iyagoon wax xujo ah ku xirin ku wareejiyey dhamaan documentiskiisii ka yalaay dugsiga iyo dalabkii uu saakay lasoo shir tagay.

Hanad oo aad ugu farxay sida dhib yarida ah ee uu uga helay maamulka dugsiga dalabkiisii aya aad ugu mahad celiyey maamulaha dugsiga halkiibaa laysku gacan qaaday Dardaaran adagna hanad lagu siiyey iyo in uu ku dadaalo waxbarashadiisa kana talaabo qaado halka uu maanta taagan yahay.

waxana uu gudaha u ugalay dugsigii gaar ahaan classkii uu wax ku baran jiray waxana uu la kulmay asxaabtii kuna wargaliyey in uu maanta u yimid in uu macasalaameyo.

yaab dheygag iyo amakaag ayey ku noqotay ardaydii su’aalo badan ayey weydiiyen oo ay ka mid tahay saxiib Hanad ma dalkoo dhan ayad isaga tageysaa oo leen ayaa kuu soo baxay oo europe ayaad ku wajahan tahay

Hanad ayaa dhoola cadeeyey asagoo si dagan u hadlaayo ayaa u sheegay asxaabtii in uusan dalka isaga tageen balse uu isaga tagaayo kaliya dugsiga oo uu rabo school ku yaalo xaafad la daris ah in uu iska diiwan galiyo si uu u sii dhameys tirto waxbarashada

aad ayey ula yabeen waxa ay isku dayeen in ay ka dhaadhiciyaan in uu schoolka sii joogo uusan isaga tagin una yahay horseedka fasalkooda qaarka mid ah ardaydii ayuu eegay wajiyadooda waa kuwii ugu dhowayee waxa uu ka aqristay murugo aad u balaaran

asagoo ulaab dajinayo ayuu ku yiri saxiibayaal aniga mar waliba waan idinla joogaa oo ma ahi mid idinka dheereenaayo xaafadana wan idin kula noolahay meel an ka laabtana ma joogo asagoo tusiyey dhamaan wixii uu gacanta ku hayey ee uu ka soo qatay xafiiska schoolka

waa qof meel ku deg degaaye halkii ayuu ku soo macasalaameyey asxaabtii oo idil hablihii iyo wiilashiiba dhankii dugsiga deeqa ayuu u soo ruuqaan saday in canbaar ah ka galaade waxa u yimid dugsii deeqa.

Qaar ka mid ah ardayda ayuu weydiistay in ay u tilmaamaan xafiiska schoolkan si dhib yari ah ayaa loogu far fiiqay dhanka uu ka xigo xafiiska dugsiga ,xafiiskii ayuu gudaha ugalay maamulkii ayuu la kulmay una sheegay sida uu wax u doonaayo

asagoona hor dhigay dhamaan cadeymihiisa waxana uu u raciyey in uu doonayo in uu galo classka 1aad ee dugsiga sare imtixaana laga .

naf dan leh dadaal badana hoos buu duco ka gurayaa in uu ALLE u fuliyo howshiisa ayuu weydiisanayaa ,asagoona aad ugu kalsoona naftiisa wixii ALLE calafkiisa kaga dhigana uu helaayo.

maamulka waa ay ka aqbaleen durbadiina waraaqidihii imtixaanka ayaa laso hordhigay wax yar ka dib ayuu ku wareejiyey waraaqidii macalinkii ka qaadayey imtixaanka waxana lagu war galiyey in uu sugo jawaab.

inta uu sugayey jawaabta waxa uu niyada iska lahaa toloow arini ma u dhici doonta sida aad u dooneyso mase rajadada waad ku guul dareysan doontaa ,haseyeeshe waxa loo sheegay in uu guuleystay berina uu iskuulka yimaado

farxad ayaa qaaday duni ayaa u garbineesa talaabadii uu qaadaba waa guul 19 sacadood ka dib waagii baa dilcay hanad halki buu kasoo dhaqaaqey waxana uu soo aday iskuulkii cusbaa ee uu ku soo biiray maalintii shalayto aheyd.

(Xuquuqda sheekada waxa ay u dhowrsan tahay qoraaga sheekada Nafisa xaashi cali)

Deeqa iyado waxba kalama socoto arintaas oo waxa ay ku mashquulsan tahay jaceylkan ku ah ugubka telephoneka marka ay hanad kala hadleeso xog wareesi hoose lama yeelato oo xaalka uun bey ka wareesataa wali xishood ayaa ku jiro inkasto maqalka macaan ee hanad ay jeceshahay in ay daqiiqad kasta maqasho

Hanad maankiisa kama maqna arinka deeqa oo awgeedbuu u yimid dugsigan waxana u isku yiri in ay wanaagsan tahay in uu aragiisa uga dhigo mid lama filaan ah.

Xilligii lagalaayey fasalka ayaa la garay hanad kuma uusan deg degin galidda fasalka waayo haddii uu galo waxa la gayaaba in aysan deeqa arkin oo dad badan ayaa galaayo classka ,Waxa uu isku beegay markii uu classka degay uuna galay macalinkii kula xiisada hore

Durbadiiba marka uu dareemay daganaanta fasalka ayuu galay

Deeqa oo iyado la socotay dhaqdhaqaaqa classka ayaa markii ay hanad aragtay ayaa halmar sara joogsatay waxa ayna………………………….

La soco qeybta 6aad haddii uu RABBI raali ka noqdo oo xiisaheeda leh

Xuquuqda sheekada waxa ay u dhowrsan tahay qoraaga sheekada

Qoraa sare Nafisa xaashi cai
Email: naftaxaashi143@hotmail.com


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. wiil somaliyed says:

    Waan idin salamay dhaman. Sheekadan mal mahee. So gali saan wepka plz. Ii sheega

  2. mohamed isaq says:

    asc dhaman wariyayasha bahda warqaad wad mahadsnthne inosodadajiya qeyat 6d adinko rali iyo bar ah

  3. Abdisadam says:

    Asc? fadlan waxan idinka codsanaya in aad noolaso dhakhsatan qeybta6 ee sheekada waa sheeko aad uxisa badan

  4. badhaadh says:

    Man
    sha alaahu waa dadaasheen waxaad ku dartaan shekada qisa iyo maah maah soomaaliyed fadlan