Qiso Jaceyl oo Murugo leh ayaa ku dhacday Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mustafa

Casrigan Dumarka Dunida Guudkeeda saaran oo si isku mid ah u aaminsan jaceylka ayaa keentay in rag badan ay qaati ka taagan yihiin kala saarista jacayl dhab ah iyo kan dhalanteedka.

Shabaqyada daadsan meelaha waawayn oo ay isugu yimaadaan bulshada ayaa saacadiiba waxaa barasho toos ah oo shukaansi lagu jaangooyo wadaaga rag iyo dumar badan.

Mustafa Oo Denmark Degen kana mid ah dhalinyaradii dhowaan gashay yurub ayaa helay warqad fasax oo uu kaga bixi karo wadanka gudihiisa,safarkiisi soomaaliya ayuu gudagalay dhanka ujeedka waxaa ugu waawaynaa in fursadiisa uu ka faa’idaysto maadaama Ragga ka Yimaada Yurub Gabdhaha Qaar ay uga Xisaabtamaan in ay lawadaagaan Guur Degdeg ah oo lama Filaan ah.

Maxamed Daacad oo wadanka Gudahiisa ku qaabilay Dagaalo aan dhamaad lahayn, Barakac Joogto ah, Shaqo la’aan iyo xirfadda gaarka ah uu ku shaqaysta oo laga waayay Gudaha Wadanka Maadaama Dowladii Dhexe ay meesha kabaxday kaabiyaasha dhaqaalaha iyo warshadihii wadan ay noqdeen kuwa aan shaqeen.

Jaceel Noqday mid leh daacadnimo midkii ugu sareeyay oo ay wadaagaan lamaane ayaa maxamed uu la wadaagay Gabar, Gabadha Ruuxeeda jaceelka maxamed Miisaan ayuu ku lahaa ha yeeshee Mustafa oo Wadanka Yimaaday Gabdho badan ayaa ku Yaacay si ay jaaniskan uga faa’idaystaan.

Mustafa oo dareensan in xusho gabar uu ku qanacsan yahay ayaa diirata saartay maxamad daacad jaceelkiisa, maxamedna waa uu ka warhelay arrintaas, mustafa ayaa biloway wada xaajood gabadha ah oo uu la galay waalidiinteeda waynaka aqbaleen shir gooni ah oo lala yeeshay jaceelka maxamad waxaa lagu qanciyay Ereyadan
Guriga Reer Hebel waxaa laga dhisay Dibada.

Oday hebel caruurtiisa yurub waxa geeyay gabar u dhalay
Xawaladaha somali oo dhan ayaa lacag ka qaadato
Noloshaada waxa ay halaysaa farxad
Nolol raaxo leh ayaa ku noolanaysaa.

Maxamed muxuu reerkeena u qaban karna wad ogtahay wadanka waxa ka jira dhaqaalo xumo
Hadaad go’aankeena diido faqrigan aan ka dhaxalnay colaada kama bixi doono
Aqriste Waad Dareemi kartaa ruux la isugu tegay maskaxdiisa in la bedeli karo gabadhiina way aqbashay guurkiina sidii ayuu ku dhacay.

Maxamed Daacad oo ka Qisoonaya ayaa dhowr su’aalood hordhigay aqristayaasha
Guur sow ma aheen Gayaan Xulasho duurxul lagu sameeyo?

Guurkaan taageerayo ragga Ka yimid Yurub Ma Sii Socon Doontaa?
Ragga Burburiya Jaceel Mudo Dhisnaa Ma Waxay ka Doorbideen Dhisida Jaceel Cusub
Qalbigayga Waa La Jabsaday Cida Jabsatay Waa Calaf oo iga Hiiliyay
Yuusuf Carab


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Nasiib says:

    Wan ku salamey mohamed wana ka xumahey dhabti adunkan ad arkeysid marna wu ku cawini marna wu ka weecan ha u bixin teda kale nabsi waa ma guran nabsiga mar ayey arki

  2. iimeey says:

    Walaal wan kaxumahay aritaas lkn calaf ayaa lacunaa kuma qoreen ayaan filayaa ee try next one