QISO DHAB AH: Aniga oo isku diyaariyay galbiska arooskeyga ayuu I furay !!!

Samsam C/llahi waxa ay kamid tahay Dumarka kunool Xaafadda Bakaaraha waxa ay ku aqal gashay isla xaafada Suuqa bakaaraha taariikhda marka ay ahayd 23/10/2012,

Samsam C/llahi oo la hadleysay warbaahinta ayaa sheegtay in ninkeeda uu furay xili ay ku guda jirtay isu diyaarinta galbiska arooskeda waxaana qeyb kamid ah Gurigeeda ka socday alalaaska iyo mashxarada arooskeda

Samsam C/llahi waxaa ay sheegtay inaysan garaneynin sababihii kadanbeysay in la furo iyada oo u diyaar garoobeyso galbiska arooskeeda balse waxa ay aaminsantahay Samsam oo degan Bakaaraha in ninkeeda lagu diray, islamarkaana ay kusoo direen ehelka ninka dhalay hayeeshe waxa uu furay xili ay soctay farxada arooska

Samsam waxa ay  xaqiijisay in arooska uu ku bilowday farxad iyo Mashxarad balse gabagabadiisa ay noqotay mid muruga leh

Ugu danbeyntii Samsam C/llahi waxa ay sheegtay inaysan ku deg degi doonin guur aan laga fiirsan waxa ayna meesha ka saartay in ragu ay yihiin kuwa aan la’aamini karin sida ay hadalka u dhigtay.

Calafka.net


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Mohamed ibrahim " m.macruuf " says:

    Zamzam abdulahi walashayda macaaneyd aad bana uga xumaha waxa dhcy xaqiqdii. Taakadib ilaa hada noma muqdaan xaqiiqda waxa jira ama ciladaha ugu waa weyn ee halka gartay . Walahi macruuf ahaan aadban u necbahay waxa la dhaho furiin . Ilahayna xalasha uu ugu necbaa waa furiinka . Waxana aminsanahay inta aanan dhidibada loo asin kahor qoyska in axdiyo lakala dhigto . Asxabtii rasulka csw mid kamid ahaa ayaa waxa laga hayaa inu gacalisidisu u ku yiri ” hadadan i caro celineynin ana aadan ku caro celineynin yaanan isku dalinin mesha ee an kukalatagno ” marka waxan ugu baqayaa dadka family-ga ah ama dadka hada hasawaha kujira in ay noqdaa ilko iyo carab ” ilko iyo carab iyaga ayaa isku dhow wayna is qoomaan ” lkn melna kuma kala haraan dulqad badan samir badan midkin ama midka kale haku tartaman asc

  2. Nawal khalif says:

    Wan ka xumahay tan kugu dhcy runti hadan laga firrsen gurtkta laga firsan way dha2ysa0tan iyo mid ka daran