Qiso Cajiib ah: Godob guur iyo murugo qoys: “qiso naxtin Jaceyl wadata”

Qisadaan ayaa waxa ay ku bilabatay hab somalida inta badan marka ay maqasho ah mid lagu farxo kadib markii koox raga oo ku hubeysan qoryaha fudfudud isla markaana wata dhowr gaari oo kuwa raaxada ah ay gurigiisa ay ugu yimadeen aabe daganaa degaanka tareedisho ee duleedka magalada muqdisho isla markaana ay ku wargaliyeen in ay ka donayaan gabar isaga uu dhalay hada ahatee odayga oo la sheegay inuu la fajacay nimankaan hubeysan ee doonaya gabadhiisa ayaa ku wargaliyay ragu inay dib u labtaan ayna soomaraan hanaanka dhaqanka soomalida oo ay iska soo hormariyaan odayashooda taasina ay ka dhaga adegeen ragii hubeysnaa oo gafuurada ay u duubnayeen ayna u shegeen taasi inay tahay wax mar hore laga soo gudbay ayna donayaan in gabadha uu ku wareejiyo .

Abahaan oo lagu magacaabi jiray c/laahi xasan ayaa isga oo donaya in xalada sidagan uga fakiro waxa uu ka codsaday ragii ugu yimid gurigiisa in ay usoo labtaan maalin kadib si uu ula tashado goyskiisa waxa uuna ku wargaliyay xaladii dhacday reerkiisa tasoo keentay in qoyskoo dhan ay ka didaan arinta isla markaana gabadha la donayo oo lagu magacaabi jiray shukri c/laahi xasan aheydna 15 jir dhigata iskuulka aqoon bile in ay isaga tagto guriga oo ay aado reer kale oo qaraabo la ahaa qoyska oo daganaa degmada xamarweyne ee gobolka banaadir , waxase xaladu xumatay markii ay ragii dib usoo labteen malintii dambe oo ay odayga la balansanayeen kadibna odayga uu usheegay sida ay wax u dhaceen markaas oo si qasab ah u sarteen gadiidkii ay wateen abihii ay ka donayeen gabadha ayna ku xireen meel duur ah oo saldhig ay ku lahayeen oo duleedka kaga tala degaanka km13

Qoyskiisa oo kadaba firxaday odayga ayaa markii ay u tageen nimankaas weydiyeen waxa ay ka donayaan waxa ayna ku yirahdeen waxa la idinkarabaa inaad keentaan gabadhii hadii kale odayga wuu ridoobay iyagoo gacmaha ku heysta midiyo oo ay kolba dhinac kaga calinayaan odayga oo ay ku handadayaan taasina waxa ay qasab kaga dhigtay qoyska reer c/laahi xasan in ay dib ugu yeraan gabadhoodii shukri c/laahi xasan si ay u badbadiyaan nafta abaha reerka markii dambana ay gabadhu ku qasbanatay in ay dib ugu labato deganka km13 halka nimankii xooga ku heystay odayga lagu qanciyay in odayga ay siidayaan taa badalkeedna la siiyo gabadha.

Malintii dambe oo ay aheyd in lasiiyo gabadha yimadeena guriga ayaa waxa uu odayga u sheegay in uu doonayo inuu siiyo gabadha balse waxa uu weydiiyay in ay baraan ninka uu siinaayo gabadhiisa kadibna maxa dhacay waxa sharaxaya maxamed c/laahi xasan oo gabadha walaala ahayeen .”ninku waxay dhaheen waa nin muhaajir ah oo afganistaan ka yimid wajigiisana lama furaayo waa xaraan in la furo ,gabadha silaamku ka soo dontay ma sinee ama ma sinaysid aabe waxa uu ku yiri nin cadaan ah oo meel aan u raacdo aan aqoon ma siinaayo gabadhayda markiiba meesha ayayba handadaad ku sameyeen oo midiyo qarqaroofan ayay la soo baxeen oo afbadan waxayna dhaheen qoyrta ayaan ka goynaynaa murtadaa tahay gabadhana waan wadanaynaa haa nin cadaan ah gabadhaada ma sinaysid miyaa ? aabe ayaa ku jawaabay ma siinaayo nin cadaan ah gabadhayda waxaana sinayaa nin somali ah oo aan garanaayo meel aan u raacdo saas markay dhacday hadana odaygii ayay garba duub u xireen maro weyn ayayna wajiga uga dubeen gabadhana soo bixiya ayay dhaheen saas markay dhacday hooyo ayaa ku tiri ninkii turjumaanka u ahaa ajnabiga war gabadha wata oo odayga siidaaya wayahay ayay yirahdeen aabe waxa uu yiri gabadha soo laguma mehrinaayo ninka oo culimo ma la donaayo waxayna yirahdeen waxaas ma jiraan amarku waa diini gabadhuna saas ayay ku mehersan tahay hadii amiirka iyo gabadha isracaan waa lagaa qabaa gabadha ”

Amakaaga qoyska dhan haystay waxa uu ku koobnaa sida ay uga xumayeen in gabadhooda uu si qasab ah kaga kaxeysto nin ajnabi ah oo ayna garaneen waxa uu yahay iyo meel ay u raad racaan toona . hasa ahatee xaladu waxa ay ka sii dartay marka uu soo baxay war ku saabsan in gabadhii gabi ahaanba qoorta laga gooyay maxayse arintu sidaas u noqotay waa kan markale maxamed c/laahi xasan “”””””marka ay guriga geysteen oo ay naga wateen oo mudo naga maqneed waxaan wacnay talefonkeeda waxa naga qabtay ninkii ajnabiga ahaa waa uu nagu damiyay ,gabadhii meel aan kala xiriirno waan garan weynay markii dambe waxaan wacnay ninkii turjumaanka u ahaa ajnabiga waxaana dhahnay waxaan rabnaa inaan la hadlno oo la xiriirno gabadhayna waxa uu yiri gabadhiina amarka islaamka ayay jabisay ninkii muhajirka ahaa oo amiirka noo ahaa oo la siiyay ayay diiday marka qoyrta ayaa laga jaray weyna dhimatay gabadhaas ee samir iyo imaan alahaa idinka siiyo , marka aabe dhiikar ayuu qabay arintaas markay dhacday oo uu maqlay habeenkii oo dhan waa la haayay “wuu xanuunsanaa” markii deambe wuu dhintay anaga gabadhii meedkeeda meel aan u raacno waan garan weynay iyo meel ay ku qasheen markii aan dhahnay nasiiya meedka aan ku qanacnee waxay dhaheen ma jiraan waxaas marka waxaa noo cad in ay qaleen gabadha hadii ay diiday ninkii cadaanka ahaa ,waxay soo dirtay masej dilkeeda ka hor oo waxa ay tiri ninkaan xaraan ayuu rabaa inu iigu galmoodo mana ogolaan doono waan ka soo dhumanayaa ee aabe samir marka hadii ay diiday inuu u galmoodo ninka ajnabiga ah sidaas in lagu goracay ayaan u malenayaa “””””

qoyska reer c/laahi xasan oo wajahay xalad mugdi ah mar hadii ay wayeen abahood c/laahi xasan iyo gabadhoodii heerka sare ka gaartay waxbarashada ee shukri c/laahi xasan waxa ay go,aan ku gareen in ay isaga tagaan magalada muqdisho ayna adaan xerooyinka qaxootiga ee kenya waxaase go,aankaasi diiday maxamed c/laahi xasan oo ku qasbanaday in uu u fikiro sida uu uga aar goosan lahaa kuwii badan xalada madow isagoo ka codsanaayo dowlada kumeelgaarka somaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ku gargaraan sida uu xisaabtan ula gali lahaa kuwii ka dambeeyay xalada murugada badan ee lasoo gudbonatay qoyskiisa waxuuna yiri”””nimankaan cadowgeena ah ee xaraanta ku wadanaaya gabdhaheyna somaliyeed ww muslimiinta ah kuna qarabanaaya magacdimeed waa inaan iska dhicinaa cis walibana waxaan ka codsanayaa inay igu gacan siiso sidii aan xisaabtan ula gali lahaa kuwaan imaja xabiyay ibadayna nolosha aan hada ku nolahay “””””””””””

Soo ifbixida qisadaan naxtinta iyo argagaxa leh ayaa imanaysa xili dadka somaliyeed ay isla dhexmarayaan mudooyinkii dambe oo dhan falal ka baxsan shareecada islaamka iyo dhaqanka soomalida oo ay soo kordhiyeen kooxaha ajaanibta ah oo sidoo kale ku taba baray dhalin yaro somali ah in si qasab ah ay u ka xeystaan gabdho somaliyeed iyadoo diin looga dhigaayo inaysan u bahneen wax fasax ah oo ay ka helaan qoyska ay gabdhahaasi ka soo jedaan .

 Wariye Ahmed Abuukar “Azhari”

Malaysia , Kuala lumpur 


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.