Milkiilaha Kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa sheegay in lacag dhan £46million uu bisha January kusoo qaadan doono weeraryahanka halista ah ee Radamel Falcao.
Maalqabeenka Chelsea ayaa sheegay in weeraryahanka Colombia uu yahay xidig kale oo kusii biiri doona Stamford Bridge marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
Weeraryahanka Atletico Madrid ayaa waxaa xiiseynayay Chelsea markii uu kooxda maamulayay Andre Villas-Boas hase ahaatee waa uu ku guul daraystay inuu soo qaato.
Saraakiisha Kooxda Chelsea ayaa ku kalsoon in ay heshiis la gaari doonaan Madrid, si ciyaaryahankan uu ugu soo dhaqaaqo London waxaana kooxda reer Spain ay rajaynaysaa in ay ku iibsiyo qiimo macquul ah.
Xidiga Falcao ayaa waxaa heshiiskiisa lagu baabi’in karaa £46m, kooxda uu katirsan yahay ee Atletico ayaana doonayn in ay qiimahaas ka yar ay ku bixiso xidigan.
Chelsea ayaa isku dayo doona in ay kala xaajooto kooxda qiimahaas, hase ahaatee Milkiile Abramovich ayaa sheegay in la arki doono Falcao oo xiran funaanada baluuga ah ee naadiga kadhisan galbeedka London ayna lasoo saxiixan doonto 26-jirkaan.
Falcao ayaa £35m kaga soo dhaqaaqay Porto isagoo yimid caasimadda Spanish-ka sanadkii lasoo dhaafay.
Kooxda hogaaminaysa horyaalka Ingiriiska ayaa qarash garaysay lacag dhan £60m iyadoo soo qaadatay Eden Hazard, Oscar iyo Victor Moses waxaana ay wali diyaar utahay in ay suuqa lacag badan geliso.
Gudoomiyaha Kooxda Chelsea ayaa ku kalsoon in ay soo qaadan doonaan Falcao si kooxda ay udifaacato Champions League una qaado koobab kale.
Tababare Roberto Di Matteo ayaa haysta heshiis aan badnayn oo kooxda uu ku hogaaminayo waxaana uu dhisayaa qaabkiisa weerarka.
Stamford Bridge ayaa go’aansaday inuu udhaqaaqo soo xera gelinta weeraryahanka Napoli Edinson Cavani waase ay ku hingoobeen sidoo kale xidigii Porto Hulk kaas oo qiimo badan ay ku iibsatay Anzhi Makhachkala.
Fernando Torres ayaa ahaa ciyaaryahanka kaliya ee dhanka weerarka ku bilaabanayay Chelsea waxaana uu dhaliyay 6 gool 12 kulan oo u ciyaaray.
Wlhi waalaga naxsan yahey.hadalkan.rer women untd.wad gacan gashen hayey {falcao+oscar+harzad+mosis+torres+remries&ninkii adtaqanen ee DAVID LUIZ