Madooneysaa in aad lamaanahaaga kula noolaato Farxad iyo Jaceyl (Hadaba Qaado tilaabooyinka Muhiimka kuu ah)

Lammaanaha guurka iska damacsan amma is-guursaday haddii ay marka u hore u diyaar garoobaan inay farxad ku noolanayaan waxa hubaal ah in maskaxdoodu siday aaminsan tahay noqon doonto, balse hadday niyadda ku hayaan inay la kulmayaan xaalad adag, isla markaana shidaystaan nolol-qaybsigooda, waxa laga yaabaa in waxa qalbigiisa ku jiraa u rumoobaan, laakiin marka u horraysa runtu waxay tahay in qofku diyaar u noqdo farxad iyo nolol wanaagsan.

Qalabka farxadda diyaarso:

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee farxadda u ah lammaanaha wada nool waa jacayl iyo xidhiidhka wanaagsan ee labada qof ka dhexeeya, hase ahaatee xaqiiqdu waxay ku jirtaa in arrimaha farxadda keena ay ka mid yihiin in qofku diyaar u noqdo dhaqaale ahaan iyo niyad ahaanba inuu xaas iyo guri yeesho.

Is-dhegaysiga badiya:

Is-dhegaysa lammaanuhu wuxuu ka qaybqaataa in ay si fiican isu fahmaan, tabashadoodana iska xaal-marin karaan, balse haddii aan labada ruux siday tahay isu dhegaysan oo is-maqlin, waxa dhexdooda yimaad murugo oo xataa waxa meesha ka baxaysa in la maqlo erayada macaan ee xidhiidhka labada qof sii adkayn kara.

Kuwada hadla luqadda jacaylka:

Haddii aanay lammaanuhu kala helin luqadda jacaylka oo macnaheedu yahay erayada macaan ee ay isweydaarsanaan labada qof ee is-jecel, sidoo kalena isu muujiya heerka jacaylkoodu gaadhsiisan yahay, waxay arrintaasi qayb libaax ka qaadataa in lammaanahaasi noqdaan qaar isku sii waara.

Farriimaha qoraallada Jacaylka:

Farriimaha qoraallada jacaylka ah haddii lammaanuhu wax akhriyaan waxay ka qaybqataan waxyaabaha isu soo jeeda ee ay isugu cabbiraan arrimaha aanay afka isaga sheegi karin, waxana lagu tilmaamay daraasado iyo cilmi-baadhisyo badan oo arrintan laga sameeyey in farriimaha telefoonnada gacanta la isaga diro amma qoraal ahaan la isugu gudbiyo ay ka xoog badan yihiin jacaylka afka la isaga sheego, kuwaasoo quluubta labada qof aad isugu soo jiida.

Kaftanka: 

Kaftanku waxa uu furfuraa labada qof ee isu cadhoonaya, waxaannu faa?iido weyn u leeyahay lammaanaha, kaasoo si khaas ah ugu dhiirrigeliya inay noloshooda ku faraxsanadaan, sidoo kalena noqdaan laba qof oo aad isugu furfuran, farxad iyo kalgacalna dhexdooda ka muuqato.

Qof aan kula barbardhiga ma jirto:

Kalmaddani waa mid muujisa sida labada qof isu jecel yihiin, waxaanad mooddaa inay mala-awaal u egtahay, laakiin waa mid dhab ahaantii kalgacal iyo jacayl run ah ku dheehan yahay hadday qofka ka soo go?do, waxaanay qayn laxaad leh ka qaadataa farxadda lammaanuhu ku wada joogaan.

Dulqaadka:

Dulqaadka waxa lagu tilmaamaa inuu yahay hubka farxadda iyo daawada ka hortagta cadhada amma xumaanta dhexmari karta lammaanaha, waayo hadday isu dulqataan waxa hubaal ah inay farxad ku wada noolaanayaan, si kalsooni lehna u wada xallinayaan mashaakiilaadka soo kala dhex gala

Haddaba, si aad u hesho qoys farxad ku naalooda waxa qof kasta looga baahan yahay dulqaad badan, waayo dulqaadku waa waxyaabaha guusha nolosha hormoodka ka ah.

Is-qurxinta:

Haddii labada qof ee is-jecel amma lammaanaha nolosha wadaagaa is qurxiyaan markasta oo ay indhahoodu isku dhacaan waxa dhexdooda ka abuurmaya xubbi iyo kalgacal quluubtooda dega, arrintaasna waxa lagu kasban karaa nadaafada iyo habka qofku isu qurxiyo oo shakhsiga kale ku abuurta soo jiidasho iyo jacayl dheeraad ah.

Waqti hore hoyo

Hoyo waqti hore haddii aan hawlo badan kugu xidhiidhsanayn, shaqadu hadday kugu badatana ka codso lamaanahaaga in aad hawlo adag ku jirto, taasina waxay muujinaysa ixtiraamka iyo kalgacalka aad isu haysaana, waxanay ka qaybqaadanaysa inaad isu soo dhawataan, noloshiinuna noqoto mid isku xidhan oo aan kala fogayn.

Ixtiraam kalgacalka uu kuu hayo qofka kale

Dadka qaar ayaa jacaylka iyo kalgacalku markuu ku bato is ogaan waaya, isla markaana dadka dhexdooda ku soo bandhiga amma ka warwara dadka, waxaana fiican qofka kale inuu dulqaad sameeyo, cadhana aannu ka muujin jacaylka lo ohayo.

Ixtiraamida kalgacalka uu qofku kuu hayo waxay sii badisaa in qofkaasi sii badiyo xubiga uu kuu hayo, balse haddii aad cadho kaga jawaabto, waxa laga yaaba inuu ka xumaado falka aad kula kacday.

Waliga ha lumin kalsoonida 

Way fududahay in la helo qof ku jecel, balse waxa aad u adag inaad hesho qof kalsooni badan kugu qaba, farxadna ma jirto haddii aan la ixtiraamin kalsoonida dhexdiina taala, kalsooniduna waa shayada tiirka u ah in qoyskaas amma labadaas qof sii wada jogaan, sidaa darteed mar kasta waxaad isku daydaa inaad dhisto kalsoonida dhexdiina taala?
dhammaad?

Ibraahim khadar Sa?ed
ibraahimkhs@hotmail.com


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (8)

  1. Luul lablabo says:

    Malahela he intan qodobod yana laga hela an radiye

  2. omar ziyad says:

    waad ku maxaad san dixin walalayal

  3. Baaruutyare says:

    Thanks for your display of information i could say convidence is the way that the can make two person ever stay thanks

  4. Yahyeaskiin says:

    asc waa mahadsantahay sobandhigaha jacylkanow talabad hadan ka hadlo tayda.
    Waxan ahay wil da’yar 18yr waxnan kunolahay s/land waxan daremay malin malmah kamida jcyl kadib ayan kunasibsaday nomber waxna iga qabatay gabar wanan is baranay. yahyehsn@html.co

  5. asc waxan salamaya dhamaan dhab dhaha muslamiinta ah mel allal meeshat kunosha waxan idin leeyahay haatan & mar kale asc meel allal meesha jogtan alle ha idinku aman sado gabdha muslamiinta waxan xusu sinaya alle waayo waxan arkay in badan faceboo ayan waxan ku arkay gabdha shee ganaya iney yihiin islaam hadana madax qawan oo sawiradooda ay ku daad san yihiin facebooga aawey islam nimada mawaxaadan ogeyn in ladhimanayo mawaxadan ogeyn in lees xisawinayo mawaxadan ogeyn iney garbahaada saaran yihiin 2 malak walaala yaal waxan idin leeyahay alle usoo laabta alle wa midka dhaafa dinbiyada alle cadab kiisa wuu kulul yahay walaala yaal waxan idin leeyahay allihi abuuray cirkan oo tiir la.aanta ah kacab sada ma ogit goor aat dhimaneyso wll aan alle uhogan sano dhamaan teena hadaanunahay dad islaam ah mulamiinta waxa lagu yaqaana mar waliba waxay is faraan wanaaga waxayna iska reewan xumaanta hana leega rali noqdo walaala yal ok byyyyyy all of the muslim aan iswaanino aqyaarey

  6. asc waxan salaamaya dhamaan gabdhaha muslamiinta ah meel allaal meeshat ku nooshan alle ha idinku amaan sado waxan idin leeyahay hatan & markale asc walaala yaal waxan is xasuusineyna allah wayo inbadan waxan faceboo aan ku arkay gabdho sheeganaya inay yihiin islaam hadana madax qaawan waxayna sheeganayaan iany islaam yihiin wayo islaal nimadu sidaa ma ahan walal mcn miyadan ogeyn in la dhimaneyo miyaadan ogeyn in leys xisaawinaya miyaadan ogeyn in leys soo saraya walaala yaal qofa muslimka inuu is xisaawiyo waxalaga rawa inuu isweydiyo waxa uu sameynayo alle ma raaliyoo kayahay walaala yaal aan isxasuusino diinta alle ok byyyyy all of the muslim

  7. Aden says:

    Asc walalaha musliminta aha walalkena anas wn ku racsanhay weyna jirta arinta marka anas wad ku mahadsantahay

  8. Mr c.naasir says:

    Waa mahad san tihiin bahda calafka gaar ahaan qoraaga sare good morning