Libista iyo Waxyaabaha Haweenku isku Qurxiyaan oo Laga Qaado Xannuuno qatar ah “Akhri”

Kiimikada haweenku isticmalaan sida libista, kireemada wejiga lagu mayrto iyo waxyaabaha ilkaha lagu caddeeyo ayaa la ogaaday inay sababaan wadne-xannuun iyo dhibaatooyin kala soo darsa muruqyada jirka.

Saynisyahanno ka tirsan Jaamacadda California ee dalka Maraykanka oo cilmi-baaris ku sameeyey waxyaabaha haweenku u isticmalaan is-qurxinta, ayaa  walaxda la yidhaa Triclosan (walax ka hortagta bakteeriyada badanaa laga helo dharka, waxyaabaha ilka lagu nadiifiyo, libista iwm) ka helay inay sababto wadne-xannuun iyo dhibaatooyin caafimaad-darro oo ku yimaad muruqyada iyo unugyada neerfiska ee maskaxda farriimaha u gudbiya.

Khubaradan oo tijaabadooda ku bilaabay jiir, waxay sheegeen in wadnuhu si toos ah 25%  hoos u rido shaqadii uu hayey muddo 20 daqiiqo ah, iyagoo xusay in arrintanna saamayn adag ku yeelan karto bani’aadamka, caddaynteena hayaan.

Haseyeeshee, saynisyahanno kaloo Maraykan ah, ayaa iyagu aaminsan fikrad tan ka duwan oo tilmaamaysa in aanay maadada Triclosan wax dhib ah u keenin jirka dadka, iyagoo khubarada daraasaddan cusub sameeyeyna ku naqdiyey inay jiirkaas ku mudeen xaddi aannu qaadi karin oo maadadaas ah.

Inkastoo hore loo sheegay in maadada Triclosan dhibaato u geysato qanjirka Thyriod iyo unugyada taranka, balse waa markii ugu horreysay ee la shaaciyo inay dhib ku keeni karto muruqyada jidhka.

Prof. Isaaq Pessah oo hoggaaminayey daraasaddan oo lagu daabacay wargeys arrimaha caafimaadka ka hadla oo lagu magacaabo  National Academy of Science, ayaa isagoo arrintan ka hadlaya waxa uu yiri; “Cilmi-baadhistani waxay soo bandhigtay caddayn aad u weyn, taasoo la xiriira caafimaadka bani’aadamka iyo degaanka. Waxa aannu ogaanay in libista iyo waxyaabo kaloo dumarku isticmaalaan ay xannuuno badan sababaan.”

Sidoo kale, Dr. Chris Flowers ah khabiir ku takhasusay waxyaabaha dumarku isku qurxiyaan (Cosmetic), ayaa isaguna sheegay in haweenku isticmaalaan xaddi ka badan inta loogu talogalay jidhka, sidaa darteedna dhibaatooyin badan u soo foodsaaran.


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Mirian says:

    Thank you for the comment!!! I hope all is welll and Happy New Year!!! I’m still tinryg to work out the details when I’m going to be in NY I’m shooting for this summer!! we should sooo hangout, I may need help in looking for places to stay. Are you in the 206? I holler on facebook take care