Kooxo Diimeed Muslimiin ah oo laga soo saaray Dhulka Hoostiisa ay kunoolaayeen Tobanaan Sano(Daawo Sawirada)

Booliska magaalada Kazan City ee Dalka Ruushka ayaa daaha ka rogay, koox diimeed ilaa todobaatan xubnood ka kooban oo tobanaan sanadood isku qarinayay guryo iyo godad ay dhulka hoostiisa ka dhisteen, halkaas oo ay ku noolaayeen iyaga oo aan intooda badani arag qoraxda iyo ilayska ifka muddo tobanaan sanadood gaadhaysa.

Koox diimeedkan oo sheegay in ay aaminsan yihiin diinta Islaamka waxa hogaamiya nin waayeel ah oo da’diisa lagu qiyaasay 88-jir, kaas oo lagu magacaabo, Starov Rahman, kuna doodaya inuu yahay, Nabi loogu waxyoodo riyada, waxa uu dadka rumaysan u qaybiyay qoraalo diini ah oo intooda badani diinta Islaamka ka soo jeedaan, waxaanu ku amray in aanay u bixin dibada ee ay ku noolaadaan dhisme dhulka hoostiisa ku yaala.

Dhismahan oo ka kooban sideed dabaq ayay dadkani degeen wakhtigii maamulkii midowgii soofiyeeti ee burburay ka jiray dalkaas, waxaana ka mid ah carruur tiro badan oo aan waligood ilayska falaadhaha qoraxda arag, noloshoodana ku dhamaystay dhulka hoostiisa.

Labaatan carruur ah iyo dad kale oo waayeel ah oo kooxdani ka kooban tahay, ayaa qofka ugu yari yahay, ilme yar oo muujo ah, kaas oo sanad iyo badh da’diisa lagu qiyaasay, waxa ku jirta gabadh 17-jir ah oo si jujuub ah loogu guuriyay nin aanay doonayn, sidoo kale waxa ku jira haween la garaacay oo loo diiday inay baxaan ama eheladoodi ku noqdaan.

Koox diimeedkan ku doodaya inay aaminsan yihiin diinta Islaamka waxa sida la rumaysan yahay, ay ka dhanbalatay wadaad muslim ahaa oo qarnigii tagay dagaal iyo halgan adag la galay midowgii soofiyeeti ee burburay, wakhtiyadii cadaadiska badan uu ku hayay muslimiinta iyo guud ahaan diimaha dalkaas, wadaadkaas oo lagu magacaabi jiray, Raxmanoof waxa uu ahaa nin muslim ah oo waliba aaminsan mad-habta suniga ah, kuna ad adag diintiisa.

Hawl wadeenada booliska ee kooxahan ka soo saaray godkii ay ku dhuumanayeen ayaa warbaahinta u sheegay, in sheekhaas iyo hogaamiyayaasha waaweyn ee kooxdan ay la tiigsan doonaan maxkamadda si loogu soo oogo danbiyo ka dhan ah, xuquuqda aadamaha iyo in ay ku talaabsadeen arrimo ka soo hor jeeda dastuurka dalkaas.

Sida taliye u hadlay boolisku sheegay wadaadkan ayaa laga yaaba in lagu soo oogo dacwad la xidhiidha, isku dayga urur diimeed aan sharci ahayn, sidoo kale waxa dacwadaha boolisku sheegay inay u diyaarinayaan ka mid ah, in uu dad dhibaataysan iska hor taagay, inay helaan gurmad caafimaad, halka ubad tiro badana uu seejiyay tacliintoodi, kuwo kalana ku khasbay in ay is guursadaan.

Ma jiro cid u hadashay kooxdaas oo ka jawaabtay eedaha loo soo jeedinayo, hasa yeeshee waxa ay wakaaladaha wararku baahiyeen, ninkaas odayga ah ee lagu magacaabo Starov Rahman, iyo dadkii uu dhismaha dhulka hoostiisa ah ku haystay oo boolisku ka soo saarayaan meelihii godadka ahaaa ee ay sanadaha badan ku dhuumanayeen.

Xubno badan oo ka mid ah dadkaas dhulka hoostooda laga soo saaray, ayaa ka cabanayay dhinaca araga, waxaana ku jiray, carruur iyo haween aan awoodi karayn ilayska falaadhaha qoraxda markii godka dhulka hoostiisa laga soo saaray, sababtoo ah waxa ku jiray kuwo intii ay noolaayeen oo dhan aan arag dibada oo aan ifka u soo bixin.

Waxaana si deg deg ah loo geeyay goobo caafimaad si loo siiyo fiitamiinada indhaha wax ka tara iyo kuwa, marka qofku muddo dheer joogo meel aan qorax lahayn la siiyo ee fitamin (D)-ga loo yaqaano, ninkan ayaa dadkan goobtaas geeyay isaga oo ku doodaya in ay tahay amar xaga Alle laga soo siiyay, waxaanu u sheegay in haddii ay dibada uga soo baxaan godkaas ay halaag la kulmi doonaan.

Faysal Maxamed Xasan






Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. C/wariri says:

    Waamucjiso layab leh wax lalayabo hhhhhhhhhhh

  2. Mahamud says:

    War arin mucjiso ah o aniga iga sabisay

  3. Xoriyo says:

    Nacalatulah calal yahuud war ninkan halaga qabto umadaha aduunka nabiga unoqon muxuyahay horaba logucadeyay kitabta quranka karimka aakhirul anbiyaa nabiyulaahi muxamad NNKH

  4. Muslima says:

    Horay aya ilahay (swtc) waxa u yiri (khayru khalqi lahi wa khatama nabiyin)adunkan maxa wax walba la arkay cadhadi ilahay kugu dhacday amin amin insha alah mucjiso aya ka ifi doota

  5. Moha says:

    Wa mid an ciqabta alle ka baxsan domin