Kooxda Liverpool oo 7-Milyan ku doonaysa weeraryahanka Newcastel Demba Ba

Kooxda kubada cagta ee Liverpool  ayaa diyaar u ah in ay dalab xoogan udirto weeraryahanka kooxda Newcastle Demba Ba si ay uhesho weerar wanaagsan iyadoo sidoo kale doonaysa xidiga Kuriya udhashay ee Son Heung-min.

Waxaa dhaawac uu soo gaaray weeraryahankoodii ay haysteen Fabio Borini, waxaana ay Liverpool doonaysaa in ay soo qaadato weeraryahaka orodka badan leh ee Bundesliga-ha ka dheela gaar ahaan kooxd Hamburg.

Ciyaaryahan Ba ayaa dhaliyay 22 gool kadib markii kooxiisa Newcastle uu usaftay 41 kulan .

Waxaana macalin Brendan Rodgers loo sheegay inaan laga iibin doonin ciyaaryahanka Koofur Kuuriya, taasna ay keentay in dareenkiisii uu uweciyo dhanka  Ba.

Tababaraha Liverpool ayaa sheegay in Ba oo ku jira da’da 27-ka sano uu si wanaagsan ula qabsan doono qaab ciyaareedka kooxdiisa hadii ay lasoo wareegaan uuna dhalin doono goolal badan

Waxaa ay kooxda bixin doontaa lacag dhan  £7million si ay ula soo wareegto bisha January markaas oo lafurayo suuqa kala iibsiga ciyaaryahanadda.

Carrying the burden: Liverpool striker Luis SuarezKooxda ayaa haatan haysata hal weerar oo kaliya Luis Suarez waxaana hadii Ba uu yimaado uu booskaas noqon doonaa mid lagu tartamo

Markii kooxda Newcastle isku dayday in ay balaariso heshiiska ciyaaryahankan taas oo uu todobaadkii ku qaadanayo lacag £50,000- ayaa la isku khilaafay qiimaha mushaarka taas oo keentay in heshiiska uu istaago

Kooxda Liverpool ayaa loolan xoogan kula jirta West Ham kaa soo ay ku doonayaan xidiga Kuria kasoo jeeda ee katirsan Hamburg.

Top target: Hamburg's Son Heung-min

Calafka.net


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Ina musbar says:

    Liverbool xaday hesho xidigan ee ba way wanagsanan donta rajadeda wayna kaqebqadan karta ciyaraha wayna sokabsan donta