Ila Qosol: Ciyaar-yahanka Ugu Biladaha Badan Tartamada Olympic-ga Michael Phelps, Oo Qirtay Inuu Ku Dhex Kaadshay Barkada Tartamada Dabaasha + (Sawiro)

Xidiga reer Maraykan ee Michael Phelps, oo ah ciyaar yahan dabaasha caan ku ah kuna guulaystay biladaha ugu badan ee tartamada ciyaaraha Olympic-ga ee ka socda magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska ayaa waraysi uu siiyay wargeyska (The Wall Street Journal), ku qirtay inuu ku dhex kaadshay tiraba dhawr jeer barkada dabaasha ee tartamada lagu qabto.

Michael Phelps oo noqday ciyaar yahanka biladaha ugu badan u qaaday dalkiisa ayaa waraysigiisan ku sheegay, in marar badan ay dhacdo, in ciyaar yahanada dabaasha ku jira ay qabato kaadi ka dibna si caadi ah ay ugu dhex kaadshaan barkada dabaasha ee ay tartanka ku galayaan iyada oo ku dhex jira.

Ciyaar yahankani waxa uu qirtay inuu caadadan xun sameeyay tiraba dhawr jeer oo kala duwan, oo uu tartamo kaga qayb galayay meelo kala gadisan oo dunida ah, waxa kale oo uu xusay inuu falal noocan oo kale ah ku kacay isaga oo tababar ku jira mararka qaadna.

Michael Phelps, oo da?diisu tahay todoba iyo labaatan jir ayaa waraysigiisan uu siiyay jariirada (The Wall Street Journal), kaga waramay dhibaatada iyo xanaanayn la?aanta ay ciyaar yahanada dabaashu ku qabaan gudiyada maamula iyo tababarayaashooda, kuwaas oo sida uu tilmaamay aan u ogolaan wakhtiyada tartamadu soo dhawaadaan inay kaadi tagi karaan, sidaa awgeed ay iyaguna dan moodaan inay barkada dhexdeeda marka ay galaan ay kaadida isku sii daayaan.

Phelps, ayaa dacaayad raqiis ah ku tilmaamay, eedayn wakaalada wararka ee Faransiiska ?AFP? dhawaan u jeedisay oo ay kaga hadashay in ciyaar yahankaasi isaga oo ku dhex jira barkada dabaasha uu ku dhex kaadshay, warkaas ayuu sheegay in uu yahay mid aan macno lahayn, sababtoo ah waxa uu sheegay inay tahay xaalad dabiici ah oo dhamaan dadka dabaasha iyo tartamadeeda ka qayb qaataa wada sameeyaan, oo aanay kooxaha dabaashu iskula yaabin falka noocaas oo kale ah.

Ugu danbayntii Michael Philps, waxa uu hadalkiisa ku soo ururiyay, ?Kaadidu waa shay dabiiciya oo qof walba qabata, ciyaar yahanada dabaasha ka qayb galana waxa u sii dheer in muddo laba saacadood iyo dheeraad ah ay ku dhex jiraan, barkada dabaasha iyo tartamada lagu qabto, isla markaana aan loo ogolaan inay dibada uga soo baxaan sidaa awgeed, wax kale oo ay sameeyaan uma banaana oo aan ka ahayn in ay ku dhex kaadshaan barkada, waa xaalad dabiiciya oo dhamaan dabaal yahanadu wada sameeyaan, la iskulamana yaabo oo waa mid aanu wada samayno, ?AFP?-na warka ay qortay kula yaabi maayo oo waa xaalad aanay hore u ogayn oo aanay waxba kala socon.? Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday ciyaar yahanka Michael Phelps.

Jawaabta ciyaar yahankan iyo qirashadiisa ayaa ka danbaysay war dhawaan wakaalada wararka Faransiiska ee ?AFP? ka baahisay, kagana warantay inuu barkadii lagu qabanayay tartankii dabaasha Olympic-ga ee London ku dhex kaadshay.

Faysal Maxamed Xasan


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)