Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Holland oo laga qaatey 6 caruur ah oo ay dhashay (Daawo Muuqaal ahaan Dhacdo Murogo iyo Xanuun badan)

Dhacdo murogo iyo xanuun badan ayaa waxaa la sheegay inay qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo ku nool dalkaas Holland ka dib markii hooyadaas laga qaatey 6 caruur ah oo ay dhashay ka dibna dadkii loo geeyey caruurtaas ay faraxumeeyeen arintaas oo hooyadaas ku noqotey murugo weyn.

Riix Halkan si aad Udaawato Muuqaalka Qisadan

Hooyadan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Warda Maxamed oo dhawaantaan u warantey haweeneyda lagu magacaabo Yasmiin Callas barnaamijkeeda ka baxa telefishinkaas dalka Holland ee lagu magacaabo Nomaden en Piraten oo ay uga hadasho xaalada dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ayaa waxaa la sheegay in hooyadaas 6 caruur ah oo ay dhashay ay ka qaadeen qolooyinka caruurta xaquuqdooda ilaaliya ka dib markii lagu soo eedeeyey inaysan awoodin xanaaneynta caruurtaas, Hooyadaan Soomaaliyeed oo dadaal iyo halgan badan ka dib la siiyey sharciga dalkaas Holland ayaa waxaa ka tegay ninkii qabay, ka dibna waxaa dhacday in hooyadaas laga joojiyey ceyrtii ay qaadan jirtey iyadoo lagu soo eedeeyey inay wax isdaba marisay oo aysana xaq u lahayn lacagta ceyrta ah taas oo keentay in hooyadii iyo 6 caruur ah ee ay dhashay ay noqdaan kuwo aan lahayn wax inkam ama daqli ah taasna ay sababtey masruuf iyo cumto la’aan inay ku dhacdo hooyadaas iyo caruurteeda islamarkaana gurigii ay ku noolaayeen laga jaro korontadii iyo biyihii ka dibna sidaas looga qaatey caruurteeda maadaama hooyadaas lagu soo eedeeyey inaysan awoodin xanaaneynta caruurtaas oo aysana gurigaas wax caruur ku noolaan karin, Laakiin arinta muragada leh ee hooyadaas qabsatey ayaa waxay tahay in caruurteeda oo markii hore loo geeyey qoys Soomaali ah oo ay hooyadaasi qaraabo ahaayeen in caruurtaas lagu faraxumeeyeen gurigaas, taas oo keentay in gabdhihii laga wareejiyo qoyskaas oo loo geeyo qoys kale oo Soomaaliyeed, laakiin nasiib daro gabdhihiina mar kale kuma badbaadin qoyskii kale ee loo geeyey oo iyadana waxaa dhacday in halkaas lagu kufsaday mid ka mid ah gabdhihii loo geeyey qoyskaas Soomaalida arintaas oo hooyadaas ku beertay murugo aad iyo aad u weyn. Dhibaatada kale ee hooyadaas Soomaaliyeed heysata ayaa waxay tahay ka dib markii loo diiday inay caruurteeda ay kula hadasho af Soomaali oo loo sheegay inay kula hadasho oo kaliya luqada Holandeeska,

Laakiin David Lamas oo ku hadlaayey magaca heyada u dooda xuquuda caruurta ayaa waxaa uu sheegay in sidaas loo sameeyey iyadoo la tixgalinaayo caruurta maadaama hadii ay hooyadu iyo caruurteedu ay kuwada hadlaan luqada Soomaaliga ay dhici karto inay ilmaha laga dhaadhiciyo waxyyaabo kale, Inkastoo codsi ay u gudbisay Yasmiin uu ninkaas ku aqbalay inuu arintaas uu u gudbin doono qoyska iyo dadka kale oo ilmahaas ku haayo gacanta si hada ka dib loogu ogolaado hooyadaas inay caruurteeda kul hadli karto af Soomaaliga, Ninkaan oo u muuqday nin difaacaayo heyada uu ka tirsan yahay ayaa ku eedeeyey hooyadaas inay ka soo bixi weysay waajibkeedii, Sidoo kale ayuu ninkaas oo ka jawaabayey su’aal ahayd sababta ay ku dhacday in ilmahaas ay qaateen ay u geyn waayeen meel ay ku badbaadaan ayaa waxaa uu ku tilmaamay wax laga naxo in caruurtaas la faraxumeeyo asagoona sheegay inay booliisku baaritaan ku wadaan arintaas, Laakiin waxaa uu sidoo kale arintaas ku eedeeyey inay hooyadu ka hadlin oo hadii aysan caruurteeda ku aamineynin qoyska ay qaraabada yihiin ee loo geeyey ay iyadu ahayd inay arintaas sheegto oo ayna diido in caruurteeda halkaas laga geeyo.

Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii dhibaatada baaxada weyn ee soo gaartey hooyadaas Soomaaliyeed ayaa waxaa masuuliyadeeda la saari karaa jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas gaar ahaana Soomaalida ku nool magaalada ay degen tahay hooyadaas maadaama aysan waxba ka qaban arinta loogu soo mar marsiyooday hooyadaas caruurteeda oo ahayd mid la xiriirta arimo dhaqaale taas oo ah mid aan ahayn mida inta badan looga qaato caruurta hooyooyinka Soomaaliyeed oo ah in lagu soo eedeeyo inay jirdileen caruurtaas ama ay dayaceen ilmahooda, Laakiin arintaan oo ka duwan midaas ayaa hadii hooyadaas laga caawin lahaa dhibaatada dhaqaale ilaa iyo inta ay iska toosineysa waxaa laga yaabi lahaa inay dhibaatada intaas ka yaraan lahayd, hooyadaan ayaa fariintii ugu dambeysay ee ay heshay waxay ahayd mid ka sii nixisay taas oo ahayd in gabadheeda la faraxumeeyey loo geyn doono qoys Lesbian ah ama qoys laba haween ah oo isqabo arintaas oo ay ka xumaatey hooyadaas oo ayna ku calaacashay inay tahay qof muslin ah oo aan aqbali karin arintaas. 

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com

11 Responses to Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Holland oo laga qaatey 6 caruur ah oo ay dhashay (Daawo Muuqaal ahaan Dhacdo Murogo iyo Xanuun badan)

  1. [...]  Riix Halkan si aad usii Akhriso Warbixinta una daawato Muuqaalka KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH. [...]

  2. cabdiraxman says:

    asc walahi tani wa inkarta nahaysato adunka melkasta anka jogno maxa looga bixi kara waxa loga bixi kara in lo noqdo allah ILAHAY WAXAN KA BARYA IN MUSLIMINTA MELKASTA AY JOGAN AAD DHAMAN DHIBKA KA SARO

  3. Kuluu says:

    Qurba jogta dhib ey ku jirane ILAAHEEY haka bixiyo

  4. daadow haji says:

    asc aniga waxaan joogaa mooyaale gaar ahaan Ethiopia markaan akhriyey warbixinta ka hadleysa hooyadan soomaaliyeed oo caruurta laga qaatey runtii waa arin aad iyo aad uxun oodhibkeeda leh laakiin waxaa is weydiin mudan aawey jaalida soomaaliyeed oohalkaasi joogta maxay uga hadli waayeen arintaas foosha xun oo aysan wax ulaqaban hooyadaasi dhibaateysan meyeysan damiir laheyn meyeysan wadaagin soomaalinimo iyo muslinimo soomaalida meesha joogta waajib baa kasaaran in ay ugargaaraan hooyadaasi

  5. Sacid says:

    Ah No arintasi wa murugo iyo ohin badantahay wana ka xumahayo islantasi in ey ku dhacdo arintas o somalida ah waxa bo ika sidaran xafada kale o logeyay o ah somalida o hadane qarabada ah o kufsaday carurta gabar kamit ah shet i am sorry

    • Olivier says:

      Asc salaan kadib wax uu ahaa famjaaro nin uqalmo shahadadaas iyo wax ka fiican wax uuna ahaa nin yaqaaana wadaninimada wax uuna ahaa nin daacad aha wax aan leeyahay famjaarow noolow oo u noolow cadowkaada wax aadna kasbatay shacabka niyadooda xaganagana wax aan kaa siineynaa shahaado aad iyo u wacan wabilahai towfiiq (ASC)

  6. Jannaay samatalis says:

    Asc.wan ka xunahay.wxana ka ms’ul ah abahood.mxay hooyada keliged u murugonaysa?aba ma leh miya crurta?mise mise mas,uliyada ayusan aqon.ogow in abahow adiga aqiro lagu waydin dono

  7. hooyo somaliyeed says:

    suxaanalaah aaad ban ugaxumahay wanqarin wayey ilmodartet somaliyeey hadii aadnan iso naxariison?

  8. xog.ogaal says:

    asc horta alaha sw ha uga soo qaaado caruurteda gaalada ilahy taaasan ug baryaya .teda kale soomliyey waxa mudan in lays waydiyo waxa loga qatey ilmaha maxa kalifey in ay waxay cunaan u wayso ilen biil baa lagu siin jiree caruurta hooyada taas ma is waydiisen horta intaydan gaalada xagan anigu waxan deganhay dalka Holland in badana oo xog ahna waa la socdaa dhibka jira waxay tahay olahy laga cabsan been ba loo sheegay gaalki waxa la yiri nin ima qabo waxan ahay hooyo kaliged sidas aya galadu ku biishay ninkina gooni ah ayuu degan yahy isna gooni ayay gaaladudu u biishaa o laysma qabo si lacag dheeri loo helo darteed ayaa been loo sheegay gaaladu doqomo maahan intaas way kugu raad joogan si ay uga daba tagan wsxi ad shegtay run iyo been waxs dhacdey in lagu qabtsy adoogi oo gurigz jiifa si kadis ah logu yimaado ileen ninku wa qabaye gaalada uun ba benta loshegaye waxay dhacdeyjafib in laga jarto lacagtii intisy benta ku cuni jirtayna la yiraahdo soo gud isns la yiri u shaqsyso xaskga marki sasla yitina waka dhaqaajiyay marka csruryi sow dhaqaslo la.aan Mahan ileen biilki wa la jartaye sasey gaalafi ku qaatrn caruurti…..marka runyi wa dhqan xun ma wanagsan ilhay Ben u sheeg gwlka kuma dhuhin qadafic yar oo beriba balasyo ku horsedaysa wala dherada anigan wacan ahhay hoyo leh gabar ninkayga waamisku qoran nahay beena inan sheego ilahy igima oga wana utagnay gaaladi waan is qabna ayanu niri marka soomaliyey alaha halga cabsado .wsc

  9. qunyar socde says:

    asc gaalo diinteda magaraneyney alaw gacanta hanoo gelin hooyadu waxaan leyahay alle u noqo asaa kuu soo celindona dembi ayaad gashay ee toobad ken waxaas waa imtixaan aduun soona guur dalkaga imaw

    • Dominique says:

      i believe the lrbeeurg method of mixing positive and correction is the best for MOST dogs. . . I used this with my dogs i’ve had, except one who was just not handling the correction part well, so we switched her to positive only . it depends on the dog, but most do well with lrbeeurgs methods.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>