Haweenay uur lahayd oo dhashay faras

Mucjiso aan la filayn ayaa ka dhacday kaniisad ku taala gobolka lagu magacaabo Edo ee dalka Naigeria, kadib markii haweeney  uur leh oo kaniisadda ku cibaadaysanaysa ay fooli qabatay.

Dumarkii ka dhalinayay middood ayaa  ku qaylisay hadal lala yaabo oo ahaa “Waxay dhashay faras”  waxaa kadib joogsaday cibaadadii kaniisadda ka socotay, waxayna dadkii oo idil iyagoo aamini la’ hadalka  ay maqleen dul yimaadeen haweeneydii laga dhaliyay faraska.

Durba qaarbaa matag la jeestay qaarna kaniisadda ayay ka carareen.

Wadaadkii kaniisadda ugu weynaa oo lagu  magacaabo Silva Wealth ayaa warbaahinta u waramay waxaana hadaladiisii kamid ahaa..

“Waxaan la filayn ayaa dhacay markii haweeneey xaamilo ah ay fooli qabatay kadib waxaa isku gudbay oo soo dhaafi waayay wax lala yaabo”.

Qof kale oo kamid ahaa dadkii kaniisadda yimi ayaa isna wuxuu yiri…. “Annagoo duco wadana ayaan maqlay naag qaylinaysa kadibna waxaa naloo sheegay inay sidii ilmihii u dhashay faras, laakiin daqiiqado kadib faraskii waa uu dhintay”.

Wadaadkii dadka u ducaynayay ayaa wuxuu kaloo yiri “sharaxaad kama bixin karo waxay dhashay, waxaan aragnay dadkii oo ka dhalinaya haweenaydaas wax lala yaabo kaniisadda gudeheeda iyadoo cibaado ay ka socoto, waxaan qiyaasi karo ankee maaha”

Maxamed jaamac Faarax-Barre.  Calafka-News Nairobi.

mjfaarax@gmail.com

www.facebook.com/mjfaarax


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. Suleiman Bukhari says:

    Ina lilahi wa ina illeyhi raajicun wallahi wa qiso layab leh lakin waxa iga su’al ah haweyneyd manoshahay

  2. cabdi yare says:

    been waa la sheegaa laakiin tan waa xad dhaaf

  3. yahyeaskiin says:

    Hadi xamiladasi muslim ahayd waxan rabi uga baryayna in samir iyo imman kasiyo
    Lkn wa wax mucjiso kunoqotay caalamka.

  4. shkuri says:

    sumxana laaaaaaaaaaaaaah wax lamaqlay oo la arkay maaaaahan aqligana diidaya in wax intaas laeg nagi dhasho sumxanalaaaaaaah