Geeddi Jacayl iyo Godobtii Qarsooneyd! qisso jacayl “Qeybtii 12-aad

Baqdintii ay bilan kaqabtay in ayaanle ka aar gutto ma noqon sidii ay aaminsaneyd!   ayaanle waxa uu bilan xaaji jaamac kusoo dhaweeyey laab furnaan iyo qadarin aad  usarreysa  taasoo bilan kunoqotay arrin filan waa ah balse ay maalmo kooban kadib
ogaatay in wiilku yahay shakhsi daacad ah oo aan calool kuqaad halayn (aan  cuqdadloow ahayn)

ayaanle iyo bilan waxaa mar labaad nasiibku usaamaxay inay noqdaan arday fasal qura  wax kuwada barta, teeda kalena xilligan cusubi wuxuu noqday mid isu soo dhaweeya  waxayna noqdeen dad ardeyda kale gooni uga soocan oo ay sheekadu isugu baxdo marka
ay iskuulka joogaan haba ugu badnaato xilliyada (break time ka)    maalin maalmahaa kamid ah ayaa waxaa dhex martay sheeko xiiso badan taasoo uu  ayaanle   si kaftan ku jiro bilan usoo xusuusiyey habeenkii uu afkaartiisa jacayl  soo bandhigi jiray iyo sidii ay jawaabta uga bixisay, waxa uuna usii raaciyey bilaneey beer adkidaa  miyuusan waligaaba jacayl kusoo marin?

Bilan oo xishood iyo sida ay uga xuntahay muujineysa ayaa ku jawaabtay  ayaanloow  arrinkii habeenkaa dhacay aad ayaan uga xumahay igama ahayn batraannimo (kibir)  ama isla weyni balse waxay ahayd wakhti waxbarashada mooyee aanan indho kaleba
lahayn, wax lajeclaadana  ay tacliintu iigu muhiimsaneyd, raalli iga noqo kun jeer  adigoo mahadsan waayo anigoo aanan daraasad ku sameynin dadnimadaada iyo sida aad  utahay shakhsi nadiif ah ayaan kaala dul dhacay erayo runtii aan kuu qalmin oo aadan
iga mudneyn, haddii aan kaaga warramo nolosheyda jacayl dhab ah oo aan dhihi karo  xusuusteyda kama go’in ima uusan soo marin in kastoo aan rumeysanahay inuu jacaylku  jiro hadana waxyaabo yar yar waan soo arkay balse ma noqon wax sidaa uweyn oo aan
hurdada ka ladi waayo, labadii sano ee tagtayna jacaylkeygu wuxuu ku koobnaa  waxbarshada oo kaliya. 

adduunyadu waa harka labadiisa gelline waxaa marqura isbedelay quluubtii bilan ee  sida birta oo kale uga dhigneyd qofkii damaaciya, inanta waxaa galay dareen kalgacal  kaasoo ay laabta ugu qaadday inankii ay kal hore tiri codsigaaga la carraw bilan waxay la dhacday dabci wanaagga ay qadarintu ku dheehantahay ee ayaanle dhib badanna  kama ayan marin inay dareenkeeda caashaq oraahdeeda ka dhiibato bilan waxay xilli  pause ama break time ah ugu baaqday ayaanle inay dibada iskuulka ubaxaan si ay baar   u dhow iskuulka quraac fudud uga doontaan,  si wadajir ah ayaana laysu soo  raacay,markii laga soo laabtay quraacdii ayey fadhiisteen meel gooni ah oo kamid ah  meelaha loogu talo galay in ardaydu iskuulka uga nastaan inta ay dib ubillabanayaan   xisadahu.

bilan subaxaa farxad ayaa kamuuqatay inkastoo docda kalena ay in yar oo cabsi ah  kaqabtay in haddii ay faaqidaad ka bixiso damaceeda lagu yiraahdo diiday ee la noqo  markaaga, balse go’aanku wuxuu ahaa mid ka go’an bilan inay daaha ka rogto waxa ay
la hagoogantahay waxayna hadalkeedii ku billowday erayadan=

halyeeyoow hadalkaan
kulahaa berigii
waanigan hilmaamoo
ku hammiyey dabadii
illaa gunta hoosiyo
halbowlayaashoo idil
hoy baad kuleedahay
gefkii beri hore
haddaanan anigu garan
heybaddiisa  caashaqu
mahuraan inuu yahay
kaagama hareen gacaliye
hadda oon u nugulahay
hiilladiisa caashaqa
haygu beylihin baddiisa.

ayaanle niyadda ayuu si weyn uga farxay markii uu maqlay oraahda bilan waayo waxaa  damqaday xubno jirkiisa kamid ah ee uu jacayku waa hore hoyga kadhigtay baadi goobka  dawadiisana uuba waa hore ka quustay,  si wanaagsan ayuu ula socday hadallada
dareenka caashaq huwanaa ee ka imanayey dhanka bilan waxa uuna hubinayey si uu ukala  saaro run iyo riyo midka ay tahay, ayaanle oo ay si fudud ugu soo gacan gashay  fursad qaali ah taasoo uu in muddo ah ku taamayey ayaa ugu jawaabay  bilan:-

hannaankii hablahaay
hubqaadkaagii wacnaa
igu dhaliyey hawlaha
waa halkiisii wali
hadal horee tegey
hog intaad ka tuurto
ii horseed caashaqa
aan horuu socannee
hammi jacayl dhiggii
haye inuu yiraa
waa hawl ku habboon
hagar la’aan  inaan
hantinnaa hadafkeenna
heegan baan ahay
hadaad  adigu
hawraarsan leedahay.

soo dhaweynta ay bilan kala kulantay dhanka ayaanle waxay noqotay mid farxad gelisa cabsidii ay kaqabtay inuu markiisa ku laado codsigeeda meesha wey kabaxday.

Waa cusub oo saxansaxo jacayl wata ayaa u dillaacay lammaanihii is doortay,  waxbarashada iyo jacaylkuna waxay ahaayeen kuwa is hareer socda waayuhuna mid farxad  lagu naalloodo,  dhanka kale siciid oo ahaa saaxiibka ayaanle isagu waxa uu u  bakhoolay dalka masar halkaasoo uu doonayey……

Waa socataa Qeybta 13-aad la soco Insha Allah


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (11)

  1. messi.kisumu says:

    alla macana shekadan

  2. mahamed hasan xafiis says:

    wa warey bilan caadi mahan gadaley ka danqatey cml

    • David says:

      Wacalaykum Assalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu,Walaasheenna qaaliga ah Deeqa. Aad ayaad ugu maaadsn tahay faalladaada fiican. Waan ku faraxnay inaad ka-hesheen Xawaash adiga iyo reerkaada. Molokhia ama Mulukhiy waxaa loo yaqaannaa Jute leaves. Waxaad ka-heli kartaa dukaamada carabta (middle eastern groceries), Laxm Xalaalyada qaarkoodna waa laga helaa.

  3. Ahmed cabdi karim says:

    Asc dhaman dhalinta shekada waa macan tahay lakin qiyali ameytahay?

  4. Sharaf says:

    Tolbelay meshey ku go day day jacayl murugo badaana hadana macaan kiisu badanaa

  5. libaan c/rashiid liban yaxye turee says:

    Waaaaw waheer saro qisada jcylka ah waa ka helay siibo geraar macan ayu si le yahay

  6. Jacaylow says:

    Aaaaaaaaaa waxad modaaa angu inan atore ka ahaa msha allah cadi ma ahan shekadana waxn idka codsan inaad mrwlc noga dhgtan

  7. wadani says:

    Caadi ma ahan runti sheekada shekada sanadka

  8. Gar gar jecel says:

    Wa sheko xasasi ah o u bahan firo gar ah

  9. mohamed isaq says:

    oh what anacnac story

  10. mahad lucky says:

    Alla macaaa alla macaaa oooooo sheekadu igu socotaaaa blse qoraa sheeekada waxaaan ka codsan lahaa kun iyo koow jeeer in uu sheekada sidee tahay isbuuc walbo inoogu soo daayo in aaan isbiic inaga maqnaaaataan aaad isbuc kale no soo deysaan ma habooon ee sideeeda isbuuc walbo qeybteeda inoo seeedeya adinkooo mahadsn thnkz a lote