Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 18aad ‘Sheeko Taxane ah”

Ayaanle waxaa u cuntami waayey hadalladii askariga waxa uuna dhowr mar ka codsaday inuu fasaxo balse waxaa markii dambe looga naxsaday ereyadan:-

doqon baa tahay saacaddaadana si wanaagsan ufiiri waa 8:38 daqiiqo dayuuraddiina  waxay kicitintay ama ay kacday 8:30 daqiiqo, balse aan mid kuweydiiyee haddiiba aad sidan ugu waalaneysid aragtida qofka aad sheegeyso maxaadan wakhti hore u iman, mise waxaa tahay dadka mar walbaa dib kasoo baraaruga?

ayaanle waa uu xanaaqay hadallada askarigana waxa uu u arkay kuwa liddi ku ah  wuxuuna ugu jawaabay haddii aad ii ogolaan weyday inaan gudaha galo ma aha inaad aflagaaddo iigu dartaa.

askarigii ayaa qoslay oo yiri anigu halkan ayaan taagnaa saakay oo dhan kor ayaana kala socday gabadha ku sugeysey oo wakhtiga u hurtay  inay ku aragto iyadoo ay waalidiinteedna ku qasbayeen inay gudaha galaan,doqnyahow waxaa tahay nin kaalintiisii gabay umana qalantid in gudaha laguu fasaxo.

ayaanle oo ay markan isugu ururtay caro fara badan oo uu askariga uhayey iyo mid uu naftiisa ku hiifay dib udhicii uu subaxnimadan ku haleeli waayey  bilan, intaasoo dhan waxa uu kala dul dhacay oo dharbaaxo jawigii ka lumisay  wajiga ugu shubay  askarigii caqabadda ku noqday warxumidana usii daba dhigay markii ay bilan ka huleeshay garoonka.

ayaanle oo markii hore u halgamayey  sidii uu mar uun ku arki lahaa gabadhii  dumar intii ay indhihiisu qabteen uu ka door biday ayey iminka mashaqo kale qoorta u  surantahay maadaama uu u gacan qaaday nin ciidan ah oo waliba qaabilsanaa nabadgelyada garoonka, ciidan kale oo iyaguna goobta ka dhawaa ayaa kusoo baxay falkii uu ayaanle ka geystay meesha, durbadiiba wiilkii ayaanle ahaa isagoo gacmaha  ka xiran  ayaa loo gudbiyey saldhigga booliska ee degmada waaberi.

qoyskii reer jaamac warsame waxay abbaarihii 6:13 daqiiqo fiidnimadii ee xilliga rooma ka degeen garoonka “aeroporto di fiumicino” (roma italia)   waxaana halkaa diyaar ugu ahaa oo kusoo dhaweeyey c/raxmaan muuse oo ahaa bilan  abtigeed,soo dhaweyn diirran kadib waxay isla fiidnimadii usii gudbeen  magaalada ”padova” halkaasoo uu abti c/raxmaan deganaa in kabadan 15 sanadood.

fiidnimadaa wixii kadambeeyey bilan waxaa ubillowday nolol cusub iyo damaashaad ay muddo ku taameysay, waxaana goobaha dalxiis oo ay caanka ku tahay magaalada venezia  iyo magaalooyinka kale ee dalka talyaaniga geynayey wiil dhallinyaro ah oo uu dhalay bilan abtigeed c/raxmaan muuse laguna magacaabo yoonis.

dhanka kale ayaanle waxaa laba maalmood kadib loo gudbiyey maxkamadda degmada waaberi ,dadaal badan oo ay qoyska reer cali shirwac u galeen wiilkooda haddii ay noqon lahayd uqabashada qareenkii udoodi lahaa ayaa marnaba ka baajin waayey in wiilkooda la xukumo, qareenkii uu oday cali shirwac u doortay wiilkiisa  ayaa ku
dooday in ayaanle uu ahaa shakhsi jacaylku katan badiyey ee aanu ujeeddo kale u dharbaaxin askariga.

madaxii garsoorka ayaa qareenkii ayaanle ugu jawaabay “jacaylku sidiisaba sharciga kama weyna mana aha in sidii qof waalan loo dhaqmaa haddii wax la jecelyahay waayo aniguba sharciga ayaan jeclahay”

qareenkii ayaanle oo xanaaqsan ayaa garsoorihii ugu jawaabay “JAALLE garsoore ma aha inaan sidii carruurtii u hadalnaa sharciga aniguba waan jeclahay waana ixtiraamaa mana ahayn arrinka meesha yaalla in sharciga la jecelyahay iyo in kale, inanku gabar uu jecelyahay ayuu gudaha garoonka ka doonayey askariguna waa uu udiiday misna af-lagaaddo ayuu ugu daray qof wax jecelna mararka qaarkood qof waalan waxba ma dhaamo adiguna waligaa gar jacayl ma aadan qaadin oo waa gartaa inaad sidaa u hadashaa,dad weynihii dhoobnaa hoolka maxkamadda ayaa hal mar qosol lawada daatay taasoo ka careysiisay garsoorihii………..waa socataa

( lasoco qeybtii 19naad insha allaah)


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (7)

  1. Maryan says:

    31 i’m sorry wankaxuma hay ayaanle ilahay haiskasiyo

  2. Maashaa Allah wlhi waa Qiso cajiib ah lknse Soomaali haddii Arin jcyl maxka mad laysula tago ma aamisani in si naxariisleh looga wada hadli waayo maba aaminsana? ?Allow dareesnsii Dadkeyga laxawga jcyka si wada jir ah

  3. Wehliye says:

    Run ahaanti aniga ima celin karo nin somali ah wiliba anigoo dalkeyga hooyo ku sugan kuna hadlaayo hadal midkaan ugu jeclahay oo afkeyga quman somaliga ah waayo si xurmo badan ayaan aamin sanahay in aan wax ku fahan siinkaro ruuxa luqadeyda ku hadla waayo arinta meesha taalo ayaan si diiran u dareen siin karaa walaalkeyga ama gebadha walaasheyda ee somalida ah ayaanle hadow hal arkari wax fahansiin waayay waxan la dhihi karaa waa nin dulqaad yar hade nin xanaaq badana masuuliyad qoys ma qaadi karo taana waxaan u leeyahay dumarka oo markasta u baahan daryeel nafaqeyn ilaalin iyo samir iyo dhooritaan dhab ah in loo muujiyo amabo ay kaa hesho 2.bo eray hadii la is dhoho goos baf waaye hadii kale nin haweenka dila miyey gebar lajiri kartaa?

  4. kkkk aduunka waxa lagu jooga kaladamayn ixtiraam lkn ninkan ciilba labaday