Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 17aad

Gacaliye subaxnimada isniinta ah waxaan kaa codsanayaa inaad xilli hore diyaar ku ahaato garoonka dayuuradaha si aad uga qeyb qaadato ambabaxayga, uguna ildoogsado  aragtidaada wacan taasoo haddii wakhtigu inoo saamaxo aad is baran doontaan waalidiinteyda, inkastoo aan kaxumahay in adigoo ibaray ehelladaada iyo hoygiinnaba aan aniguna sameyn waayo xittaa xittaa wax udhow.

ayaanle si weyn ayuu usoo dhaweeyey hadalladaa dambe ee bilan wuxuuna ugu baaqay in arrinkan oo kale aanu ahayn mid codsi ahaan looga dalbado ee uu yahay mid waajib ku ah,uuna isaguba daneynayo inuu goob-joog u ahaado ambabaxeeda, wuxuuna intaa usii  raaciyey in ayan khalad ku lahayn barashadaa raagtay ee ay xag rabbi ka dhimantahay isbarashada isaga iyo waalidiinta bilan, ballan la isla meel dhigay ayaana lagu kala tegey habeenkaa.

bilan waxay guda gashay qorshaheedii isdiyaarineed ayaanlena waxaa ubillowday fakkar hor leh kaasoo uu kaga walaacsanaa sida ay noloshiisu noqon doonto marka ay bilan  kala fogaadaan! arrinkaa caqabadda kunoqday misna aanu waxba ka oran karin ayaa waxa
uu gayeysiiyey inuu wax hurda ah ladi waayo tan iyo markii uu kawar helay safarka middii uu dumarka ka eeganayey. amba bixii bilan.

sidii ballantu ahayd waxaa lasoo gaaray xilligii bilan iyo waalidiinteed ay ka  ambabixi lahaayeen garoonka caalamiga ah ee “mogadishu airport” una sii bakhoolayeen carriga talyaaniga, dhammaan qoyskii reer jaamac warsame iyagoo udiyaarsan safarkooda ayey subaxnimo isniin ah taariikhduna ahayd 20/08/1990 soo abbaareen dhankii gegida dayuuradaha  ee magaalada muqdisho,markii ay yimaadeen illinka weyn ee laga galo garoonka ayey bilan ka codsatay waalidiinteed inay uyara sugaan gelitaanka gudaha garoonka si ay u aragto qof ay ku ballansanaayeen meesha ay taaganyihiin waalidiintuna si farxadi ku jirto ayey uga ogolaadeen gabadhooda maadaama ay wakhti  badan haysteen, bilan in muddo ah ayey hareeraha indhaha la raacday qofkii taksi ”taxi” ama gaari kale kasoo degana uu ayaanle ula ekaanayey.

waalidiintu markii ay wakhti saacad ku dhow dhowrayeen ayuu oday jaamac ugu baaqay gabadhiisa in wakhtigii labixi lahaa uu soo dhowyahay ayna khasab tahay inay gudaha  galaan si ay uguda galaan hawlaha laxiriira safarkooda, bilan oo aan weli ka quusan
in mar uun indhaheedu arkaan ayaanle ayaa iyada oo hadba dhinac qooraansaneysa ugu jawaabtay aabaheed “waayahay aabbo waxaan umaleynayaa in aanu soo socanine ina mariya”

ayaanlefakkar ku laba lixaadsaday ayaa keenay in subaxnimadan ay hurdadu la tagto sidii uu xalay oo dhan usoo jeeday oo niyadda iskala hadlayey ugana faalloonayey  mustaqbalkiisa jacaylku hoggaanka uhayo ayuu hurdo baas oo habeenadanba la weysnaa
gama’ kasiiyey xilligii salaadda subaxnimo.

arrintu si kastaba ha ahaatee ayaanle subaxaa waxa uu soo kacay goor ay laba saacadood kasoo wareegtay wakhtigii la ballamay isagoo aan xittaa wajiga soo dhaqan  ayuu si halhaleel ah usoo qabsaday surwaal iyo shaar aan loo eegin meesha ay ku habboonyihiin in loo qaataa orad iskusoo dhigay meeshii ugu dhow ee uu taksi ama gaadiid kale uu ka heli karayey.

markii ay bilan iyo waalidiinteed sii gelayeen albaabka garoonka ayuu ayaanlena isaga oo aan dhag laqabto lahayn wuxuu soo dhex jiiray dad badan oo isugu jiray  safar iyo kuwa sii galbinayey oo markaa illinka laga galo garoonka hor dhoobnaa, cod
aad udheer ayuu bilan,bilan, ku qeylinayey, nasiib wanaag bilan oo awalba niyadda wax uga taagna ayeen ilbiriqsi walbaana hareeraha uun qooraansaneysay oo isla markaana aan kasii dhammaan gelitaankii albaabka garoonka ayaa aragtay ayaanloo kusoo jeeda dhankeeda gacantantana kor utaagaya.

bilan waxay u hinqatay inay dib ulaabato balse oday jaamac oo markan xanaaqay ayaa gacanta kusoo dhagay kuna yiri idhagayso gabaryahay ma waxaad dooneysaa inaad  safarka naga baajiso maanta oo dhan ayaan u xayireyn ma hadda oo wakhtigii la bixi
lahaa la joogo ayaan danaheenna u baajinnaa? isaga oo hadalkiisii sii wata gacantana ku dhaggan weli ayey usii gudbeen dhankii ay higsanayeen.

ayaanle oo sii laba jibbaaray qeyladiisii iyo gacama taag-taaggii ayaa markii uu is yiri gudaha usoo gal garoonka waxaa xabadka gacanta ka saaray askari boolis dable ah oo illinka taagnaa kuna amray inuu dib ulaabto oo aan loo ogoleyn inuu gudaha ugalo
garoonka , askarigii iyo ayaanle waxaa dhexmartay dood kulul ayaanle waxa uu ku andacooday inuu aad iyo aad ugu baahanyahay qof gudaha ku jira, askarigiina waxa uu  ugu jawaabay haddii aadan wadan tikit oo aadan ahayn safar halkan dayuurad ka
raacaya oo waxa aad u ordeysaa ay yihiin inaad qof aragtaa ama aad macasalaameysaa  waa inaad tagtaa gidaarka muraayadda ah ee dhankaaga bidix kuyaalla halkaa ka daawo oo uga gacan-haati.

ayaanle waxaa u cuntami waayey hadalladii askariga waxa uuna dhowr mar ka codsaday inuu fasaxo balse waxaa markii dambe looga naxsaday “doqon baa tahay saacaddaada si  wanaagsan ufiiri waa 8:38 daqiiqo dayuuraddiina waxay kicitintay ama ay baxday 8:30
daqiiqo,balse aan mid ku weydiiyee haddiiba aad sidan ugu waalaneysid aragtida qofka aad sheegeyso maxaadan wakhti hore u iman mise waxaa tahay dadka mar walbaa dib kasoo baraaruga?………..


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. ?????? says:

    ???????????????????????

  2. Ahmed fowzi says:

    Sorry ayaanle it is realy touching my heart

  3. Daahirmaan sos says:

    Daahir maxamuud hilowle nuur hoyadiina waa cabdiyo ibraahim wuxuu ku dhashay muqdisho /sos waxbarashadiisa dugsi hòose dhexe sare wuxuu ku qaatay al birri s/xoolaha lambarka laga heli karana waa 0615710680 ama 0618478979

  4. Xule says:

    Sxbkay waya adun aya kufurmaya iam sorry!!
    Fadlan hadad rabto qisadan oduban inad dhagaysato booqo wepsitekan dailysom.net ama ama anaba message ahan kugu sodiriye numbrkan igalasoxirir 0708864038 wahadad kenya jogto

  5. Ӏ’m gone to convey my little brother, that he should also visit this weblog on regular basis to get updated from newest news.