Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd! Qeybtii 16aad “Qiso Jaceyl oo xanuun badan”

Sheeko-Taxane-ah211111Sababta aan caawa halkan udoortayna waxay tahay waxaan doonayaa inaan codkaaga  macaan,hadalladaada soo jiidashadaleh iyo quruxdaadan jiniyo qabadka leh ay qalbiga iyo dhagahaba si toos ah uga dhaadhacaan oo aan kadibna uga dhigto sahay aan nafta ku samirsiiyo inta aad iga maqantahay.

ayaanle markii uu intaa yiri ayuu si qumaaati ah usoo eegay dhankii bilan, mar qura  ayey indhihiisu qabteen filsammidii rabbi hibada usiiyey oo sii siyaaday waxa uuna  kuyiri bilaneey gacaliso quruxdanna makuu qarsaneyd?! (maashaa allaah)

bilan oo dhoola caddeyneysa ayaa tiri gacaliye anigu waxaan ahay bilantii aad arki  jirtay qurux ii qarsaneydna majirin ee sheekadaadu waxay u egtahay sidii abwaan hore uyiri (ninba tuu jecelyahay buu hablaha hodan ku tilmaamaa) marka xaalku waa sidaa.

ayaanle wuxuu si kaftan ah ugu yiri bilan kolley quruxda aan caawa arkayo waa mid  igu cusub waadna iga xasdi jirtay inaan sidan oo kale kuu arko qandhadiisa  jacaylkaba ha iisii_badatee. bilan aad ayey ugu qososhay kaftankaa ayaanle waxayna tiri maya gacaliye waxaa tahay shakhsiga kaliya ee aan doonayo inaan mar walba usoo bandhigo bilicdeyda gaarka ah!, waxa aad arkaysaa caawa wax kale maaha ee waxaan galabnimadan aaday goob dumarka lagu qurxiyo.

ayaanle ayaa markiisii qosol qac kasiiyey siina daba dhigay haa sidaa iga dheh ma anigaan arag inay wax jiraan. kaftan dheer kadib ayaanle oofiidnimadan xilli hore diyaariyey erayo uu u arkayey inay inanta dar-daaran unoqon karaan ayaa yiri bilaneey adduunyadan sida aad jeceshahay inta badan lama helo balse samirka ayaa muhiim ah maadaama aad iga fogaaneyso waxaan jeclaan lahaa inaad mar walba quluubtaada ku xafiddo erayadan:-

dawadii nafteydaay

dareenkaaga ii dhiib

aan kula dar-daarmee

dacal kastood

ka joogto dunidan

dareenkaaga lahow

ducaan kugu lammaanshee

diradiraalaha dullaalnimadiyo

dabinnada ku xeeldheer

duruus yaaney kuu marin

udulqaado waayahoo

udiir-nax wacadkii

aynu gudubno dawgee.

Ayaanle markii uu erayadaa tirinayey waxaa wejigiisa laga dheehan karayeyqushuuc tiro badan oo ku xambaaray in indhihiisu ilmo kusoo istaagto, intaasoo dhan waxaa ku kallifay inanka ma ahayn kalsooni darro uu kaqabay dhanka bilan ee waxaa ka tan-badiyey jacaylka qarada weyn ee uu laabta ugu hayo.

bilan oo si kal iyo laab ah usamirsiinaysa una kalsooni gelineysa dhiggeeda ayaa tiri gacaliye ha uqaadanin safarkeyga mid aan adiga kaaga fogaanayo, ma ogtahay oo ma qiyaasi kartaa sida aan noqon doono markii aan hareerahayga kaa waayo! gacaliye waxaa hubaal ah inuu uurkeygu ku tebi doono daqiiqad walba ee ku jiifo in dhibka caashaq aadan kali ku ahayn, markii aad is tiraahdo armaad liidataa ogow inuu jiro ruux kula mid ah ama kaagasii liita ee mid iga dhagayso aan mid ama laba markeyga ku iraahdee:-

saadaasha dunidiyo

sife aadan ogeyn

sal-dhiggiisa dambeeto

silic yaanu ku badin

saxiixii wacadkeenna

haddaadan sara marin

sacabadaan ku sidaa

adna sidoo kalaan

kaa sugayaa gacaliye

si walbey ahaato

waxaynu sahaysannaa

saadaasha wacaniyo

samirkaa uweyn.

sheeko dheer kadib waxaa la is weydaarsaday dardaarankii ugu dambeeyey , bilan waxay uga cudurdaaratay ayaanle in ayan is arki kareynin wakhtiga yar ee uga haray safarkeeda ayna ku mashquuli doonto hawlo laxiriira safarkeeda oo ay laba maalmood ka harsanaayeen waxayna dhiggeeda ku qancisay in ay ehellada iyo qaraabada soo macasalaameyn doonto taasoo ay ku wehliyaan waalidiinteed.

ayaanle intuu yara aamusay hareerihiisana eegmo ugu dhaqaaqay ayuu si dabacsan ugu yiri bilan waa runtaa waana arrin loo baahanyahay, aniga qudheydu waan jeclaan lahaa inaan waalidiintaada barto in kastoo wakhtigeedii lasoo dhaafay maadaama aad iminka dhammaantiin safar wada tihiin, bilaneey haddii aan mid ku weydiiyo kulankan caawa ma wuxuu noqon doonaa midkii ugu dambeeyey ee ambabaxaaga ka hor?

bilan oo dareensan in ayaanle aanu ku qanacsaneyn kala maqnaashiyaha labada maalmood ee safarka uga harsan ayaa ku tiri gacaliye kulankeenna caawa uguma dambeyn doono waan jeclahay inaan wakhti walba kula joogo balse duruufta ayaa diideysa oo soomaali ayaa hore utiri (laf dhuux leh iyo dhagax la isla waa).

mid kaleetana ogow gacaliye subaxnimada isniinta ah waxaan kaa codsanayaa inaad xilli hore diyaar ku ahaato garoonka dayuuradaha si aad uga qeyb qaadato amba-baxayga, uguna ildoogsado aragtidaada wacan,taasoo haddii wakhtigu inoo

saamaxo aad is baran doontaan waalidiinteyda……..waa socataa

Calafka.net

 


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Allow guulee mucaashaqiinta, mida kale ma jiro jcyl guul ku dhamaada? Maa lasoo qoro asaga ba? Mhdsndn.

  2. Allow isku labadadn mucashaqin ada awode

  3. abuukar says:

    Jacaylku waa mid aad u cajiib badan labadooda hadal iskuma yareysan .ee ruux jaceyl hayo mahurdo .mana harsankaro meel uu joogana mayaqaanno .nabsiga haleyska ilaaliyo .labada is jecel waa iney kalsooni isuqabaan isna aaminaan hadii kale guul lgaarimaayo…ayaanle iyo billan hadalkooda maxuma haddadan jaceyl la ooyeynin ama lailmayneynin jaceylmanoqdo …nabadgalyo