Bilan oo ogeyd in ay iyadu si kedis ah ku timid ayaa tiri iga raalli noqo gacaliye
waan kaxumahay inaan adigoo khabaar moog ah kaasoo dul-dhaco kuguna kallifo shaqo hor leh oo aadan kusii tashan adigoo sidan filayo u jiheysnaa qorshooyin kale.
ayaanle oo dhoola caddeynaya sina uyaabban ayaa yiri bilaneey qorshe sidaa ah oo aan lahaa ma jiro, balse imaashiyahaaga galabnimadan mar waan ku farxay oo waxaa tahay nolosheyda jacaylkii ugu baaxadda weynaa gabadhii aan u qaaday oo mar walbaana aan ku fakaro rabbina ka baryo weydiisto higsimaadka mustaqbal inuu noqdaa mid noo hagaaga guri reys iyo barwaaqo lehna uu ku dambeeyo dhaxalka jacaylkeenna.
marna waan ka naxay imaatinkaaga kediska ah ee aan galabnimadan ku idilnahay qolkan dhexdiisa ee gacaliso bilan ma wax dhib ah ayaa jira?
bilan oo dejineysa xaaladda amakaagga leh ee ayaanle ayaa tiri macaane is deji wax dhib ah ma jiraan waxaan doorbiday inaan kula socodsiiyo arrimo farxad leh oo igusoo kordhay, hadalka bilan markuu intaa marayo ayuu ayaanle lasoo booday farxad,farxad, waa maxay gacaliso farxadahan cusub ee kugu soo kordhay?
bilan oo u muujineysa ayaale in aanu deganaasha lumin ayaa tiri gacaliye haddii aan farxadahan kuu qeexo waa laba qeybood midda koowaad waxay tahay mid aan sanad kahor ku taamayey balse iminka soo dhawaatay, midda labaadna waa mid subaxnimadan ugusoo korodhay, ayaanle oo ay weli deg-degtii kamuuqato ayaa yiri gacaliso weli ma aanan
fafmin u jeedka hadalladaada.
bilan ayaa ku qososhay deg-degta kamuuqatay dhiggeeda ayaanle kuna tiri maxaad fahamtaa hadalkaba igama sugeyside sideen wax kuugu sheegaa!!!
ayaanle oois gartay markan ayaa ku yiri bilan iga raalli noqo gacaliso waxaan
jeclahay in si degdeg ah aan ku maqlo hadallada farxadda leh ee fadlan adigoo raalli ah sii wado hadalkaaga.
bilan oo dhoolla caddeyneysa ayaa halkii kasii ambaqaaday sheekadii oo tiri gacaliye waxaa jirta in aabbahay uu sanad ka hor ii ballanqaaday haddii aan ku guuleysto imtixaankii lagusoo afmeerayey dugsiga sare aan safar dalxiis ah ugu ambabixi doono dalka talyaaniga taasoo ilaah mahaddiina ay xilligan soo dhowdahay wakhtigii aan u ambabixi lahaa safarka dalxiis maadaama aan guul ka gaaray imtixaankii lagusoo afjarayey waxbarashadii dugsiga sare, waana kaxumahay inaan kula socodsiin waayo sababtoo ah ma aanan hubin inaan ku guuleysan doono imtixaanka, arrinka kalena wuxuu yahay waxaa jira ballanqaad kale oo isagu subaxnimadan soo ifbaxay kaasoo ah
waalidiinteydu waxay doonayaan inay ii sameeyaan xaflad qalin-jebin ah taasoo lagu qaban doono hotel curuba 16/08/1990 marka ay taariikhdu tahay waa fiidnimada maalinta khamiista ah ee nagusoo aaddan 8:00 fiidnimo, sidaa daraadee waxaan kaa doonayaa inaad qeyb libaax ka qaadato isku xirka asxaabta iyo hawlaha kale habeenka xafladdu dhacayso oo ay naga xigto laba habeen oo qura.
ayaanle markan si wanaagsan oo ay degganaani kujirto ayuu dhagaha ugu dhigay hadalladii bilan oo aanba is oran hadallada qaarkood markii ay sharraxaadda kabixineysay waxbey udhimi karaan naf jacaylku nugleeyey.
ayaanle in muddo ah ayaa hadal laga dhawrayey waxaana fajac geliyey sida farxaddu ku jirto oo ay bilan ugu cel-celinaysay safarkeeda talyaaniga iyada oo aan xittaa umuujinin sida ay uga xuntahay kala fogaashiyahooda!!!
arrintu si kastaba ha ahaatee ayaanle waxa uu ku khasbanaaday inuu afka ka aqbalo isagoo aan uurka kajecleysan kala fogaashaha ay bilan ugu baaqday.
waa socataa
lasoco qeybta 15naad haddii rabbi idmo
Geeddi jacayl iyo godobtii qarsooneyd
W/Q: shooli maxamed
Hambalyo ayaan leeyahay farxadna kusii noolaada waa sheeko cajiib ah
allow aday kuleedahay naf laga maqan yhy walbahaar unugulaa naafay darentaa niyad sami ma gama’doo qarowbay la fiigtaa fikir iyo walacbay hoyga kala dul oydaa bilan waxaa modaa inayba aniga iga tagayso (goormuu jacaylku naxliyo nafada kabixi)