Dhanka kale siciid oo ahaa saaxiibka ayaanle isagu waxa uu u bakhoolay dalka masar halkaasoo uu doonayey inuu ka billaabo waxbarasho heer jaamacadeed ah gaar ahaan jaamacadda al azhar saaxiibadu walow ay kala fogaadeen hadana xiriirkoodu wuxuu ahaa mid si wanaagsan usocda.
gunaanadkii sanad dugsiyeedka iyo imtixaankii astaanta u ahaa ayaa waxay yihiin kuwa maalmaha soo socda la guda geli doono diyaar-garowga lammaanuhuna wuxuu ahaa mid ay si wadajir ah uga baaraan degeen oo waxayba ka dhararayeen xilliga uu imtixaanku billaabanayo, jacaylka baaxadda weyn ee ka dhex unkamay labadan mucaashaq waa bilan iyo ayaanlee wuxuu gaaray heer ay halqabsi kadhigtaan ardeyda ay wax isla bartaan iyo kuwa ay isku xaafadda yihiinba gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha jacaylka ee jiilka xilligaa joogay.
arrini si kastaba ha ahaatee imtixaankii wuxuu noqday mid sidii loogu talo galay ku billaabma deetana ku dhammaada wakhtigii loogu talo-galay.
bilan waxay ka dhararsaneyd ooba uga dhignaa sidii sanado badan oo kale muddada sagaalka sitimaan iyo dheeraadka ah ee laga war dhowrayey natiijadii imtixaanka iyadoo ayan meesha kamaqneyn fekerka ah tolow maxay noqon doontaa natiijada soo socataa,alla bari xiriir ah oo aan habeenno badan hurdo gama’loosiinin ayaa bilan dadaalkeedii kamid ahaa,iyada oo aan marnaba jecleysan inay hanan weydo ballan qaadkii aabbeheed iyo sida ay ujeclaan lahayd inay mar uun cagta saarto meel kamid ah qaaradda yurub, fikradahaasoo dhan waxay ahaayeen kuwa ku kooban qalbiga bilan oo kaliya taasoo xittaa aanu waxba kala socon gacaliyaheeda ayaanle.
natiijadii laga wardhowrayey maalmahan ayaa daaha laga rogay hawshu waa nin iyo nasiibkii, natiijo lagu farxo ayey lammaanuhu si wadajir ah maalin sabti ah ugala soo laabteen iskuulkii ay wax kabaranayeen taasoo ay soo macasalaameeyeen iskuulkii maadaama ay ahayd maalintaa xaqiijintii ay uga gudbayeen dhammaan waxbarashadii dugsiga sare, lammaanuhu aad ayey ugu farxeen guushaa rabbi ku garab galay, docda kale farxaddaa bilan mid kale ayaa u dheereyd una qarsaneyd.
waalidiinta bilan si weyn ayey u farxad gelisay guusha ay gabadhoodu ka gaartay ka qalin jebinta dugsiga sare, waalidiintu waxay gabadhooda oo ay ifka gabar kaligeed ka eegtaan u ballan qaadeen in loo sameyn doono xaflad qalin-jebin ah kahor inta aanay u amba bixin safarka dalxiis xafladdaasoo lagu qaban doono hotel curuba.
ballan qaadkan xafladda oo ay hormuudka ka tahay bilan hooyadeed-bahja muuse- wuxuu sare usii qaaday farxadda gabadheeda bilan oo ay dhankeeda intii ay ka kaabi karto jecleyd inay ka haqabtirto.
bilan oo ay markan soo dhowyihiin xafladdii qalin jebinta ee loogu qaban lahaa hotelka curuba iyo safarkii dalxiiska ahaa oo ay ugu amba bixi lahayd carriga talyaaniga ayaa si ay ula socodsiiso dhiggeeda ayaanle hawlaha is daba yaalla ee kusoo foosha leh, waxayna bilan goor galabnimo ah ugu timid hoygiisii ayaanle oo isu diyaarinayey inuu beegsado dhanka magaalada hoose si uu uga soo iibsado waxyaabo uu daneynayey balse danba dan ayaa ka weyne markii uu arkay bidhaantii indha qabadka lahayd ee bilan ayuu ka tanazulay qorshihii uu daqiiqado kahor ku fakarayey wuxuuna durbadiiba billaabay dadaal ku aaddan soo dhaweynta mataantii qalbiga, bilan oo aragtay or-orodka ka dhacayey ayaanle ogeydna in ay iyadu si kedis ah ku timid ayaa tiri……. waa socataa
lasoco qeybta 14naad insha allaah
W/Q: AXMED.M.B (shooli yare)
Email-choli114@hotmail.it webmaster@geesguud.com