Gabar ku Umushay Musqul Diyaaradeed, Ilmaheediina ugu Magac-dartay Diyaaradda u Gaarka ah “SAWIRO”

Haweenay u dhalatay dalka Filibbiin, xaamilana ah oo ka mid ahayd rakaab diyaaradeed, ayaa wiil ku dhex dhashay musqusha diyaaradda, arrintaas oo diyaaraddaas ku qasabtay inay cago dhigato dalka Fiitnaam oo aan qorshaha duulimeedkeeda hore ugu jirin.

Laba dumar ah reer Filibbiin ah, isla markaana kalkaalisooyin caafimaad ah ayaa gabadhan kaga dhex umuliyey musqusha diyaaraddaa waqti ay dul-heehaabaysay hawada u dhexaysa magaalooyinka Dubai iyo Manila.

Hooyada ku dhex umushay diyaaraddu waxay go’aan ku gaartay inay wiilkeeda ugu magac-darto diyaaraddaas oo la yidhaa EK, lagana leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Mss. Karen Cabballes oo ka mid ah kalkaaliyayaasha caafimaad ee haweenaydan ka caawiyey umusha oo u warrantay wargeyska Gulf News ayaa tiri; “Markaannu aragnay hoooyadan oo dhinaca suulliga ku sii socota. Waxay noola muuqatay in xannuun badan hayo, saygeeduna wuu kacaa fadhiisanayey, ilmana way ka soo socotay, sidaa darteed waxaannu ka codsanay inaannu caawin karno.”

Gabadhan kalkaalisada ah waxay xustay in ilmaha yar ku dhex dhashay masqusha diyaaradda, lana soo daristay xaalad hawo la’aan ah, kadib markii wiilka yar mardheertu kaga marantay afka, sanka iyo dhegaha, balse si degdeg ah ay labadooda kalkaaliye caafimaad u caawiyeen.

Mareegta internetka ee diyaaraddaas khaaska u ah waxa lagu baahiyey in hooyadaas oo 35 jir ah si dhaqso ah loo geeyey cusbitaalka, laakiin ilmaheedan yar oo dhashay 27 toddobaad ka hor waqtigii caadiga ahaa uu xaalad xun ku jiro.


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)