Gabadhii aan jaclee qabiil dartiis ayee facebook block iiga saartay (Qiso Jaceyl oo Xanuun badan Qeybtii 2aad)

Waan ka shalaayay in aan noloshayda siiyo qof aan ka bartay facebook, hadii aan ogaan lahaaa waxa aan intaas sano kool koolinayay in ay ku filantahay qofka in uu block isaaro marnaba ma sameesteen xiriir jaceyl, qof aad kaaga fog aadan la kulmi Karin hadii aad dareen jaceyl u qaado isagiina ku block gareeyo waa halis, waxaan ogaaday in xiriirka facebook usan laheen isku haleen, niyad jab kii ugu xamaa ee soo maraya noloshayda ayaa isoo maray, waan u dhibaatooday jaceylka aan uqabo gabadhaas block ii saartay qabiilka aan ka dhashtay, waxaana igalay cuqdad tii ugu xumeed ee nolosheeda aan qof u qaado.

Markii ay iyada asxaabtayda remove i dhaheen salaantii iga jarteen intaas oo kaliya kuma ekeen waxay sameeyeen sawiradeeda ayee soo galiyeen iyago dhahaya kan waa nin sidaas ah sawirada waxaa saarnaa calamada (X) ama istilaaab sidii qof la mamnuucay ama la karan tiilay, sawirkii wuu faafaay ilaa gees ka gees facebook wuxuu ka noqday mid lagu shactareesto, maalinba maalinta ka danbeeso friends keyga facebook wuu sii yaraadaa waan dareesanahay in ay tahay cilada sawiradii lagu faafiyay facebook, aad baan ula yaabay Soomaalida sababtoo ah waxaad arkeysaa sawir ciyaartooy ama laacib u ciyaaraha kooxaha waa wayn qof profile kiisa saaranaya ama amaanaya ku faraxsan sawirkaas, aniga oo ah walaalkooda Soomaaliga ah heestana diinta Islaamka waxaa noqday qof laga ordo, way ii dhimaneed in aan arko qof Soomaali ah oo iga jaceyl qof kale oo gaal ah dadka sidaas sameenaya waxaan aaminsanahay in ay heesato iimaan yari dhanka diinta ah waayo qofka aaminsan in wax ka wayn Islaamnimad aysan jirin ima xumeeyeen.

Markii intaas isku key biirsadeen ayaan meel gaar ah fadhiistay waxaan iri

v Umad meel kawada timid

v Ilaa maan tin iyo cirib

v Toowxiidka eebe iyo

v Midab aan kukala tagin

v Ineey is takooraan

v Xageey diinta kaga taal

v Tix raac waxan lahayn iyo

v Taariikhada beenta ah

v Ruxaad dambi katabaneeyn

v Talabxinta hadalka iyo

v Tacab aadan dheereeyn

v Inaad xumo kutirisaa

v Xageey diinta kaga taal

v Aduun walakala tagay

v Istakoor dhamaayoo

v Isku tiirsi iyo talo

v Talaabadaay ku gaareen

v American ka kala duwan

v Ingiris bal taga oo

v Fiiriya in laga tagay

v Istaag tag qabiil iyo

v Iney tiro ku faaneeyn

v Ruuxii tusaala iyo

v waxtarkisa laga helaa

v Loo sacaba tumayaa

v Taa ma eegiweydeen

v Sideey diinta nagu tiri

v Tarankiisa aadmiga

v Turaabtuu kawada yimid

v Midka taagta daran iyo

v Ruuxa taajirkoo ladan

v Taqwa eebe mooyee

v Tilmaantuu kasiminyahay

v Allaah uug tala galay

v Hadeey midigta kali tahay

v Bidixda taakuleeyneeyn

v Tiiraanyo mooyee

v Horumar tiigsanmeeysee

v Taa ma eegi weydeen

v Taladii ilaahay noo toosiyoo taal

v Inaad is takoortaan

v xageey diinta kaga taal

Naf jaceyl hayo kama baxdo fikir, waxaan ka walaacay aayaha danbe ay nolosheyda inkastoo aan Muslima ahay markasta waxa soo socda udaayo Allah SWT balsa nafta iyo sheydaanka weerarka ay ku hayaan noloshaada waa mid kuu sawiraya in aad cabsato, waxaan niyada gashtay hadii sidaan xaalku yahay talow gabar kasta maku diidi doontaa, mar baa niyada iska galiyaa ha isku sheegan waxa aa tahay is qari, shakigaas oo dhan waa wax nafsada iyo sheydaanka i tusinaya.

Muragada ma aheen mid si sahal ah iiga baxdo, waxaan ka xishooday in aan sii lahaado cinwaankaas maadama uu noqday mid ii keenay murugo, waxaan go’aan saday in aan iskaaga guuro cinwaankaas, wuxuu noqday mid aan ku farxin galistiisa, waayo ilaa hada waxaa ku jiro fariimihii aan is dhaafsan jirnay kuwaas hadii aan aqriyo markale niyadeeda si kale noqoneyso, isma laheen noloshaada gabadhaas ayaa sidaan kuu gali doonta.

Cinwaankii ayaan iskaaga guuray, waxaan sameestay cinwaan cusub, waxaan ku sameestay magac, waxaan ku darsaday inantii i block gareesay, waayo waan ka quusan la ahay waxaan is dhahaa ameey fikir ahaan is badashaa, sina waan u baqayaa hadii aan isku sheego amee kaa didaaa, wax sawir ah la igu garto ama profile sax ah ma aanan saaran, waan ku darsaday aniga oo cabsi meel iska dhigay warqad salaan isbarasha ah ayaan udiray inkastoo warqadaas aan ku xusin wax magac ah ama meesha aan joogo, meeshii aan jawaab soo dhaween ah ka sugayay waxaa isoo dhacday warqad ah in ay ifahamtay u muuqato in aan ahay Daalac Daahir Shoot warqada ayaa u qorneed sidatan ……. La soco Qeybta 3aad sheekadaan maalinka Axada InshaAllah.

W/Q : Daalac Daahir Shoot
Bandung-Indonesia
E-mail: sheekojaceyl@hotmail.com


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (9)

  1. wax sahlan ma ahan waa waxey somalida o dhan kasiman yahiin wana fool xumo diintune ay qabin sorry

  2. Ifo Dadaab. says:

    Sxb khalad ayay kaagashay galay e Allaha weyn talla saaro sxb.

  3. Luul lablabo says:

    Wan ka xumahay walal mcn xaqada allah ka sobixiyo

  4. Koshin says:

    Sxb aritan waaa mida calola xun qof kii aaad jclto hadii u qabiil mesha keno waaa qof rere badiyo ah jclka qabiil magalo sxb iam sorry

  5. maxamed abdullahi hirsi says:

    Asc walal umadu waxey ka sojedan xawo iyo adam ruuxi ku aftirsado umada nabigena muxamad nawad galyo iyo naxaris du shisa ha ahate ee wadadi al uu fare ku tagan islam nimadisana dhab ey tahey walal ala wuxu ka baryo wu hela walal niyada gali in ala hadu calaf kugu daro in ey hostada ka sokacdo cid ka hor istagi karto majirto walal mida kale ee qabilka waxan ka dhahey waxaa nasab nimo iyo darajo leh qofkii ala u ugu bishareyo janatu fardosa waxaa nasab dhiman ah qofki malinta akhiro janada laga wayo kasa alan ka magan galena adna walal towada ala badi waqti walbo oo ad tukato ala baryadisa badi walal mid ad ku liwanto adun iyo akhirab oo ku barakodo ayuu ala ku sindon insha alah wana liwanesa mida kale gawar kasto somali ah waxan leyahe xasusta qur anka ala qabil iyo ana fulan ah wlh malinta qiyamaha dhinac kuma galayo watu ala hore u shege qabil isu aqonsad oo kaliya un ba layiri ee musliminta waa hal qabil nin muslim ah waa walalka hadad asago muslim ah ad gawadhada u dido ogow dinta ala ayad kaga fogaten asc walalaha muslimka ah

  6. roodo says:

    ascw harta soomaliya oo dhan waxay isku raacsan tahay wax qabiilka layiraahdo qabiilkuna waa waxa jiro oo ilaah qur//aankiisa ku sheegay mida labaad oon sheegi waxa ay tahay dadka layaso waa qabiilo aad iyo aad uweyn ee intay tashtaan oo go aan gaaran ilmaha eey dhaleen ha isu guursheen oo waxay ku kalsoonan inay yihiinn qabiil isku filan oo busho ah oo dhaqaalo leh laakiinse waxan layaabay anigaan hadlaayo cuqdada gashay waxan arkay iyagii baah is takoori oo midba midka kale yasi oo waa madhibaan oo waa midgaan oo waa jaaji oo waa muuso dherile oo waayaxer oo waa tunaalo harta iyaga ha iska dhaafeen ficinka iyo is medebta koorka markaas bay liibaan gaari waxa ila yaab leh oo arkay inayba dhedoodii qabeel maalin iyo habeen sheega yaan oo cuqdadi kuba dhacday wax hooy ubax sookoraayo ka dhaafa ficinka iyo qabiilka aad ku abuureysaan waxana ilaah idinkaga baryaah inaad isku tiirsanaa taan oo aduunka dad ugu lacagta badan waa idinka oo qaxootiga ku magaciina ku gallo udiida oo dhaha been bay sheega yaan markaas baal dowlad isku kalsoon noqoneysiine waah bilaah toowfiiq hadii aan qaldamay raali haleyga ahaado oo halay cafiyo ascw

  7. Atoosh says:

    War maxa idinku dhacay maad noola so dhakhsatan qeybta 3xad ee sheekada??

  8. A/karin roble hassan says:

    Walaal wax la jeclaado waxaa uugu roon “ALLAAH, MALAA’IIGTIISA, KUTUBTIISA RASUULADIISA, IYO QADARKA KHAYRKIISA IYO SHARKIISABA” gabadhse qabyaaladiisato ah wax isku haleeyo maaha ilaahaybaan kuu qorin iyadoo kale, gabadh ka khayr badan ILAAHAY hakusiiyo.