Waxaan ku soo biiray isticmaalka aalada internetka sanadka markii uu ahaa 2008, xiligaas dadka isticmaala ee Sooomaalida aad uma badneen sida uu sanadkaan hada sii dhamaanayo 2012 uu yahay, magaceyca www.calafka.net, qisada ayaa sidaan u dhacday.
Sanadkii markii uu ahaa 2009 ka waxaan is baranay gabar, isbarashada facebook xiligaas ma adkeen dadka sida ay hada beenta iyo magacyada beenta ay wataan ma aheen, xiligaas isbarashada waxay laheed farxad iyo soo dhaween, dadka beenta sheega aad uma badneen, qofka markii uu ku dhex arko qof Soomaali ah oo facebook isticmaalaya wuu ku farxi jiray iyada loo eegin qofkaas degaan ahaan iyo dad ahaan meesha uu ka soo jeedo,
Aniga iyo gabadhii isbarasho furan ayaan galnay ku dhisan walaalnimo saldhig u ah Soomaali nimo, waxaan aheen dad is xiiseeya markasta, waqti badan isla qaata, gabadha waxay aheed gabar aad u furfuran ilaa hada ima soo marin gabadhaas gabar ka kaftan badan, aniga iyo iyada wax sawiro ah ma aanan kala qaadan is fahamkeenu wuxuu ahaa qoraal lagu saleeyay kalsooni,
mudo markii aan dhanka qoraalka isku wadnay waxaan go’aan sanaay in aan sawiro isku dirno, aniga waan diiday in aan sawir diro waxaan ku iri MSN ama SKYPE aan kala qaadano aan is aragno taas ayaa nooga fiican intii aan sawir kala qaadan laheen, adigane waad heesataa Camera anigane sidoo kale, way iga diiday in aan kaamirada isla aadno waxay ku adkeesatay sawiro in ay soo dirto, gabar aan qadariyo aye aheed kuma adkeen waan ka yeelay in ay soo dirto sawiro waxayna iigu soo dirtay cinwaankeyga hotmailka, anigane sidoo kale waxaan udiray sawiro aan arday Indonesian ah oo aan jaamacada isla dhigano lagalay ayaan udiray si aan utusiyo in aan ahay qof arday ah waxbarta,
markii aan arkay sawiradeeda gabadha waxay aheed mid i cajab qalisay quruxda ay leedahay maantadaan aan qoroyo qisidaan 16 December 2012 waa mid wali iga sii dhex muuqata, xiliga sawirada ma uusan igalin dareen jaceyl balsa waxaan ku farxay qofka aan la hadlayo ama aan markasta la sheekeesto in ay tahay gabar qurux Allah ku maneestay.
Waxaan go’aan saday in aan xiriir la yeeshto iyada aan ka dhigto nolosha mustaqbal keyga, sanad kadib 2009 ka waxaan rabaa markii aan jaamacada dhameeyo in aan guursado laakiin magaranayo gabadha uu calafka iigu darsan yahay, waxaan jecleestay in uu xiriir ne dhex maro, arinkii ayaan ku iri kawaran hadii uu ina dhex maro xiriir u gogol xaaraya guur? Si farxad leh aye igu tiri anigaba waan ku rabaa waxaa tahay wiil mustabal ifaya xinbaarsan mardhow noqonaya jaamici, hab dhaqankaaga aad ayuu ii qanciyay runtii Daalac Daahir Shoot, waxay itiri hadii uu xiriirka dhab kaa yahay wuxuu noqonayaa mid xidido adag leh hadii uu been been kaa yahay waxaaad ogaataa maalmo kooban kabacdi in aan isku noqon doono laba cadow, waxaan ku iri arinkaan waa arin aan ka soo fikiray waxaa tahay qof ku hooboon aayaha danbe ee nolosheyda, hadalka aan kula hadlaya waa mid ka imaanaya laabta,
sidii waxaan iskuugu af garanay xiriir in uu ina dhex maro, nolosheena ayaa noqotay mid ku dhisan rabitaan, maalmo kadib sida aan iskuugu direenay fariimaha waxaa igalay jaceyl, waxaa noqday mid iyada uun ka fikira hadalkeeda daneenaya aragtideeda raadiya, markii uu jaceylkeena socday mudo 2 bil ah waxaan kala qaadanay MSN ka, waxaa noqonay kuwa maqal iyo muuqaal ku sheekeesta, markii aan iyada la hadlayo waxaan dareemi jiray in aan la sheekesanayo qof i ag fadhiya, waqtiga ma dareemi jirin xooliga uu ku socdo, online ka markii aan ku arko waxaan dareemi jiray farxad aan qoraal lagu cabiri Karin, jaceylka kuma koobneen dhankeyga sidoo kale iyadane wuu galay jaceylka, waxay igu oran jirtay jaceylka aan kuu qabo qof uma aan qaadin waligeey, aduunka adiga ayaan kuu jeclahay, in aan ku waayo dhimasho ayaan ka xigaa markii ay ereydaas igu tiraahdo laabtayda way qaboobi jirtay, qof ka aad jeceshahay hadii uu erey yar uu naxariis leh ku dhaho si toos ah waxay utaabanayaan laabtaada.
Waqtiga labada wadan ee aan ku kala noolnahay ayaa aad ukala duwan, aniga (Daalac) waqtiga aan joogo waa GMT+7, iyadane wadanka ay joogto ayaa ah GMT+1, waxaan ka horeeyaa 6 saacadood, waxaan rabaa in aan isku keeno 2 waqti oo kala ah in aan jaamacada dhigto waxa ay jaamacada ii soo dirto ka shaqeeyo sidoo kalane waxaan rabaa in aan waqti la qaato gabadha aan jeceylka u qabo, waqtiga waa igu cariiri jaamacada waa gaba gabo jaceyl halis ah lafaha iyo dhuuxa galay wuu ihayaa, ugu danbeen waxaan isku af garay markii ay aniga salaada subax ii tahay in aan soo galo qadka ilaa laga gaarayo 06:00 AM in aan wada hadalno, marmarka qaar waxaa iqabata subaxaan ma u goysaa jaamacada dhadhanka ay leedahay qofta darteed, nasiib wanaag waxaan ahaa qof fahamsan waajibaadka uu dalkaan ujoogo muhiimadane tahay waxbarasho laakiin jaceylka kula matashanayo xiliga uu ku gali doono.
Waxaa la gaaray xiligii qalin jabinta jaamacada sida uu qorshaha ahaa waxay aheed in ay ka soo qeyb gasho xafalada qalin jabintayda, sidaasna isku aragno, qofka qofka kale ka eega dabciga iyo dhaqanka iyo sida uu diinta ku yahay, markii ay u bixitaankeedii Indonesia maalmo ka harsan yihiin waxaa dhintay oo geeri naxtin leh ku timid aabaheed, sidaasna waxaa ku baaqday in ay soo gaarto halkaan, waan la wadaagay murugada waan utacsiyeeyay aniga oo aamisan aabaha dhintay in uu ahaa musharaxa sodogeyga, waxaan sidii ku galay xafladii qalin jabinta iyada oo aysan i wehlineen, waxaan u diray sawiradii qalin jabinta xafaladii iyo aniga oo la sawiran madax sare oo ka tirsan madaxada dalkaan maamusha, durbadii sawiradiii waxay soo galisay facebook iyada oo ku faaneesa dhaheeso ninkeyga mustaqbalka ayaa ii qalin jabiyay, gabadhaas xiliyada salaada (Indonesia Time) hadii ay iga wayso internet ka way isoo wici jirtay, jaceylka naga dhaxeeyo wuxuu noqday mid naga ilmeesiiya labadeena, aniga Daalac Daahir Shoot ahaan kama maarmin gabadhaas si kasta, waa qof ay nolosheyda ku qanacday dhankasta. Halka aad sheekadaan ka aqrisaneeso waa shabakada Arimaha Bulshada ee calafka.net
Waxaan ku balanay guur maadama aan soo dhameeyay jaamacadii, waxaan qorsheesanay in aan shaacino mudada uu dhacaya guurkeena, halka aan kuwada kulmi doono iyo sida loo mideen doono nolosha, wax kasta oo ku saabsan nolosha waan isla meel dhignay, markii uu guurka soo dhawaaday ayee igu tiri Daalac dad intaas is yaqaano ayaa nahay waxaan rabaa in aan ku waydiiyo qabiilka aad tahay ee ii sheek qabiikaaga? Waxaan ku iri Soomaali ayaan ahay intaas kabadan maad naga deesid, waxay tiri in aan isbarano waa lama huraan suaashaan way isugeesaa waa la i waydiinayaa qofka aan guursanayo qolada uu yahay? Waxaan ku iri ok waxaan ahay dadka la siyo waxaan ahay Madhibaan, gabadhii qaracan waxay la soo booday alla shalaayto badanaa ninka aan shukaansan jiray Madhibaan buu ahaa alla anaa iska dhintay iyo ereyo badan cuqdad galin kara qofka maqla, teleefoonkii ayee igu damisay, isla markii facebook block ayee iga saartay, asxaabteeda iyada dhankeeda aan kabartay waxaan ka waayay salaanta in ay iga qaadaan waji badal ayee la soo baxeen mudo kadib iyagiina waxay i dhaheen unfriend. Qisadaan waa qiso dhab ah wali ma dhamaan waxaa ka sii xiiso badan qeybaha haray
La Soco Qeybta 2aad maalinka Axada InshaAllah.
W/Q : Daalac Daahir Shoot
Bandung-Indonesia
E-mail: sheekojaceyl@hotmail.com
sxb am very sorry
Saaxib calafko waa cajib shaaartaanejh illah qofko jeceel yahay ka qaabta waxaa laga yaaba naagtaas ino allah shaarteeda ka qaabrtaay qabiil haduu wax taraayo somalina hore jano ugu gali la heed mark ka samir qof qabiil yaqaaaan asxabay ma dhib aan waa qabiil somali cidi yastaneh ayada yasaan marka iska dhaaafa qaabilka lisku tix galinaayo oo somali. Liiskaga saarayo
Sorry walaal aad baan uuga xumahay
Nonsense you like posting vague and trying to draw com attention thro vague story
Asc ninkaan hadlaayo waxaa layiri shimbir walba shimbirkiisuu laduulaa ee ninyahow asaagaada raadso
am sorry bro its aterrible stry but neva mind that just forget da past nd focus on future. Am sure God will giv u agal which s equvillent to ha or even bette dan har and rememba da most beautiful one s nt yet born
Asc somalido waxey dhahan waxaa taqaan guri waxaa taqaan ayee dhalan lkn jacelka sidiisa ba waa wax jiro dad ana isku banen waa jiran oo gabdha walid ayaa dhalay oo waxaa la dhaha ani miyaa guri ku dhahay nin mel oo ka imaday ana aqon u lahen kkk waa jacel cajiib ah cafalka cadi matihiin
Madhibaan xage lageyna heee
Walal wanka xumahay dhacdadas kugu dhacday balse waxaa wanagsanayd in aad ushegtid marka hore intu san jecelka kugu saqin.lakin no dhame nh shekada dhamantina waad mahadsantihin.
Sory sxb somalida hada jirto qawile ku fanan somalia waxey u dhismi weyse wa qawil somaliyey waxan idin shega bini adan aya tihin ilah ba ni awurte somaliyey qawilka iska dhafa
its so sad if its true although i think this is a fiction story some pple come up with such stories which is usually fiction!…..ilko nacas baa tahay bro madhibaan dad muslim ah somali ah weeye ha caayin don disgrace them otherwise allah will disgrace u! illahay ka cabs waryaaa…
Subxanallah somali iyo qabil maxa laga haysta? Qabilka waxa Alle leyahay isku aqonsada lkn in lagu dhaqmo mesha ma talo
Sxbkey waan kaxumahayna Alle waxaan kabaryi inuu kugubadalana tukawanaagsana sxb niyada kheir usheegna.
Ilko duli ayaad tahayna dad muslim ah oon walalalo nahayna ayaad dul minaysaa E Alle unoqona walal.
sxb aad ayaaan oga xunahay waliba waxan jeclan lha gabdha nocas ah wadankey jogta inaad noshacisid maxa yelay waa mid aad niyada kaga jabisay si ay qofdambo walalka ah taso kale ugu dhacin?
kkkkkkk an waxa layabanehe bo idika waxkasta run a u khadanoysin madhiwan dad wayo somali eh waxa yableh in jacel ka khawil lo badelo jacel sidisabo wa nolol marke la faziro hada. darot. hawiyeh. Ama izack ahen jacel majiro tas wa xun tahe to kale ani waxa khawa qoftas jecel mahen webkane been le khora
Sxb wankaxumahay Alle dartii isaga sarir calafkagina wuuku horyaala waxba kama ay nusaqaamin karto waxna kuu ay gali karto tan waa ku wayo aragnimo ninka ragaa wax walba way qabsadaan waxaan kadhaliya ka ahayn sxb INA LLAAHA MACA SAABIRIIN
Sxb sorry ma nin islam ah oo somali ah miyaa qabyaalad loo yasaa sxb iska sabar somalida waxaa heysto nabsi nuucaan oo kala ah
Be patient bro.
Be patient bro. U will revange her 1day or someone else will revange her.
Asc Kitaabka Alle intey kaga jirta madhibaan lama gursado
Asc asxaabta sharafta leh nin kaan sxbkeena ah waxaan kula talineyaa inoo iska samro tan kale waxaan kala dardaar meyaa umada somaliyeed oo islamka ah ha.iska ilaa liyeen jclka xadqaafka ah maxaa yeeley qofka waan ibno aadam ah wuu dhimankaraa haye calafkiina ayaa isweyn kara marka ha ha iska ilaaliyo jclka looqaadaayo qof taas ayaa waano iga ah
Bilal r.c wuxu qaway gabar carab ah..qofka ad gursanine diin aya lagu gursada.jahli iyo axmaqnimo somali kama dhamato.qabil ayey din ka dhigten.DUFKU BAXA ILEYN CAAMO WA DUMARKA NOCODA
sxb wan kaxumahay wlh wax kuku dhacay waa wax xanun badan waa wax lama ilawaan ah wayo qoftan waxa ey udhaqan tahay sidii qof maseray okale lkn sxb is sabar NINKII SABRAA SADKIISA HELO
sxb amba wey igu dhacday arinkas.hada kahor aya gabar gurigena an kenay si an oga shekesena ayahena.waxay garatay lahjada carurta guriga kuhadlayan say wxay igu tiri qabilkas matahay se ku garaty ba iri say tiri carurta hadalkoda.wa runta ba iri qabilkas aya ahay waxay igu tiri hadan ogahay inan qabilkas tahay kuma anan so racden.wyna iga tagty.taht was da last i sow ha..
sorry bro she is useless girl & you will get a better than her
Hee warun ee madhibanki qoxotiga lagaqaday miyad ahayd?kkkkk
K.k.k.k.k.k.k. Taas marki horeba kuma jecleen sxp muxu ahaa jecelka isla daqiiqadi aad ereyga ku tiri kabaaba’ay waxeda jecel ma ahayn waxay donaysay ookali ah nin jamici ah aya iqaba
Ninka dhahayo salada ayan kulmi jirnay gabadha matukanaye salada subax
Marka hore walalkay waxan leeyahay walale iskaga samir waxu waa aduun mid ka wacan inaad hesho baa ilaahay kuu waydiinayaa dhalinyaradana waxan leeyahay walalayaal qof bani aadama qof kale wax ma dheera waxa wax la isku dheeraado waa diinta qofna yuusan xaqirin nasabada qof walalkiisa oo lamid ah ninkii laandheere sheeganayow aduunkan waa lagu simanyahee aakhiro janada yaan lagaa waayin halkaas baa la isugu faanaaye
Sxb taas hadii aad heli laheyd xitaa mustaqbal maku naqan laheyn shar ayaa ku dhaaftay kheyr kuma dhaafin mida kale qoftaas %-1 xitaa kuma jecleyn jclka dhabta ah indho wax arka malahan