Facebook Oo Dib U Kul Miyey lamaane Mudo kala Quustay

Lamaane Soomaali ah oo mudo kala maqnaa ayay suuro gashay in ay dib isu helaan, xilli mid kasta uu midka kale ku daalay raadintiisa.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo muhiim ah Lamaanahan ayaa 17 sano ka hor lakala fogeeyay, xilligaasi oo Qoyska gabadha ay aad uga soo horjeedeen xiriirka ka dhaxeeya labadooda.

Waxaa aad u adkaadey ayaa la yiri in labadooda ay dib u wada kulmaan, inkastoo 7-sano kadib markii la kala irdheeyay ay mar heleen xiriir, kaasoo markiiba go’ay.

Laakiin dad arrintan la socdey ayaa noo sheegay in sahro oo ah gabadha wiilka uu xiriirka kala dhaxeeyay ayaa quus ka gaartay in ay sii wado xiriirinta gacaliyaheeda, iyadoo aysan jirin meel ay kala xiriiri kartay iyo dad isaga (Cumar) yaqaana oo xiriirkaasi suuro gelin karay.

Maalmo ka hor ayaa la sheegay in sahra ay aragtay magic ay u maleysay in uu yahay qof ay taqaano oo ah Cumar, watayna magaciisa oo dhameytiran, kaasi oo ay ka heshay facebook-ga oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay aad u isticmaaleysay.

Sidoo kale, Cumar ayaa isna ku badnaa Facebook-ga, halkaasi ayaana qoraalo la isaga tuur tuuray, iyadoo aan la is garan, hase yeeshee Sahro ay wax xoogaa dareensaneyn in ay ay suuro gal tahay in qofka ay la hadleyso uu yahay Gacaliyaheedii hore.

Maalmo kadib, ayay suuro gashay in si hoose la isu wareysto, taasi oo markii dambe keentay in ay is garto… Yaab, Ma nooleyd iyo xagee ayaa laga bixi waayay.

Calafka.Net


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Sahal says:

    Way dhici kartaaaa waaayo waa kala dhumi karaaaa waaana lays heli haday dacad taalo meesha