England, Germany, Spain Italy iyo Argentine oo guulo gaaray iyo Portugal oo dhulka la dhigau “Natiijooyinka World Cup”

Waxaa xalay meelo badan oo caalamka ah ka dhacay ciyaaro katirsan isreeb reebka koobka aduunka iyadoona qaramadii ugu waa weynaa ay inta badan guulo gaareen.

Qaranka Ingiriiska ayaa 5 gool kaga badiyay xulka Sanmarino, waxaana labo gool dhaliyay Rooney, halka Welback uu isagana labo dhaliyay Xidiga Arsenal A. Oxlade-Chamberlain ayaa isgaan goolkiisii ugu horeeyay qarankiisa udhaliyay.

Xulka Spain ayaa waxaa uu 4-0 kaga badiyay qaranka Belarus, waxaana sedex gool dhaliyay xidiga Barcelona ee Pedro Rodriguez halka goolka kale dhaliyay Jordi Alba oo Barca katirsan.

Qaranka Germany ayaa isagana 6-gool kaga badiyay xulka Rep. of Ireland oo isagana hal gool la yimid.

Xidiga da’da yar ee Reus ayaa dhaliyay labo gool, Kroos waxaa uu dhaliyay labo gool, Klose iyo Ozil ayaa labada kale xaqiijiyay halka goolka kaliya Rep. of Ireland u ukeenay Keogh.

Wiilasha Holland ayaa 3-0 kaga badiyay Andorra, waxaana goolka ay ka kala yimaadeen Van Persia, Huntelaar iyo Schaken

Sidoo kale qaranka Italy ayaa 3-1 kaga badiyay Armenia, waxaana goolasha ukala dhaliyay Pirlo, De Rossi iyo Osvaldo.

Dhanka kale ciyaaryahan L. Messi ayaa xalay soo bandhigay ciyaar wanaagsna kadib markii uu guul uhorseeday qarankiisa Argentine kulan ay la yeesheen  Uruguay.

Xidigan ayaa dhaliyay 2 kamid ah 3-0 oo ciyaarta ay kusoo dhamaatay waxaana goolka kale dhaliyay Aguero.

Qaranka Rassia ayaa xalay gool iyo waxba guul daro dhabarka ugu saaray qaranka Portugal oo marti ahaa, waxaana guul daradan ay ku dhacday xili xulka uu Group-kiisa ka wajahayo loolan xooggan.

Hoos ka akhri Dhamaan Natiijooyinka isreeb reebka Koobka aduunka

World Cup qual. – Europe (Group A)
Rep. of Macedonia 1 – 2 Croatia
Serbia 0 – 3 Belgium
Wales 2 – 1 Scotland
World Cup qual. – Europe (Group B)
Czech Republic 3 – 1 Malta
Armenia 1 – 3 Italy
Bulgaria 1 – 1 Denmark
World Cup qual. – Europe (Group C)
Faroe Islands 1 – 2 Sweden
Kazakhstan 0 – 0 Austria
Rep. of Ireland 1 – 6 Germany
World Cup qual. – Europe (Group D)
Turkey 0 – 1 Romania
Estonia 0 – 1 Hungary
Holland 3 – 0 Andorra
World Cup qual. – Europe (Group E)
Albania 1 – 2 Iceland
Switzerland 1 – 1 Norway
Slovenia 2 – 1 Cyprus
World Cup qual. – Europe (Group F)
Russia 1 – 0 Portugal
Luxembourg 0 – 6 Israel
World Cup qual. – Europe (Group G)
Liechtenstein 0 – 2 Lithuania
Slovakia 2 – 1 Latvia
Greece 0 – 0 Bosnia-Herzegovina
World Cup qual. – Europe (Group H)
Moldova 0 – 0 Ukraine
England 5 – 0 San Marino
World Cup qual. – Europe (Group I)
Finland 1 – 1 Georgia
Belarus 0 – 4 Spain
World Cup qual. – South America
Bolivia 1 – 1 Peru
Colombia 2 – 0 Paraguay
Ecuador 3 – 1 Chile
Argentina 3 – 0 Uruguay
World Cup qual. – CONCACAF (Group 1)
Antigua and Barbuda 1 – 2 United States
Guatemala 2 – 1 Jamaica
World Cup qual. – CONCACAF (Group 2)
Guyana 0 – 5 Mexico
El Salvador 0 – 1 Costa Rica
World Cup qual. – CONCACAF (Group 3)
Canada 3 – 0 Cuba
Panama 0 – 0 Honduras

 Waxaa Qoray Abdullahi Ahmed Nor
Nairobi, Kenya
Email:-cabkayare@gmail.com


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)