Dal Afrikaan ah oo Laga Mamnuucay in Haweenka Xiran Dharka Gaagaaban Waa Kuma Dalkaas

Haweenka u dhashay dalka Swanziland, ayaa lagaga mamnuucay xidhashada dharka gaagaaban iyo maryaha ka jidhkooda muujinaya, iyadoo go?aankaasna dawladdu ku sheegtay inuu yahay mid lagu yaraynayo dhibaatooyinka kufsiga.

Ciidammada bilayska Swanziland oo ah dalka keliya ee nidaamka boqortooyadu ku dambaysay qaaradda Afrika, ayaa xannibaadan ku soo rogay haweenkooda, kuwaasoo lagu wargeliyey in tallaabo sharci oo xabsi lagu mutaysanayo laga qaadi doono dumarka lagu arko iyagoo xidhan dhar gaagaaban amma jidhkoodu ka muuqdo.

Booliska dalkaas ayaa bishii la soo dhaafay xabsiga u taxaabay haween dhallinyaro ah oo ku nool caasimadda Manzini, kuwaasoo dhar ku dhegsan dibadda ugu baxay, isla markaana ku dooday inay doonayaan xuquuqdooda shaqsiyadeed.

Waddanka Swaziland waa dal kufsigu aad u sarreeyo, waxana saddex meelodow laba meelood ka mid ah haweenka dhallinyarada ah ee dalkaas lagula kacaa xadgudubyo jinsi, sida lagu shaaciyey warbixin lagu daabacay wargeyska South African Indenpendent Online.

Waa la xidhi doonaa haweenka sharcigan ku xadgudba, sababtoo ah dharka dhegsan amma gaagaaban waxay dhiirrilinayaan, sidoo kalena fududaynayaan in gabdhaha la kufsado, maxaa yeelay waxa fududaanaysa in si fudud loo weeraro haweenka xidhan, mana dhiirrigelinayno in dumarka la waxyeelleeyo, balse waa in dadku arrinkan u hoggaansamaan.? Sidaa waxa yidhi yidhi afhayeen u hadlay ciidammada bilayska oo magaciisa la yidhaa Wendy Hleta.

Waxa kaloo Mr. Hleta uu sheegay in ay hablaha iyo dumarka la qababa u wanaagsan tahay xidhashada dharka jidhkooda asturaya, taas oo uu ku tilmaamay mid karaamadooda kor u qaadaysa.


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Asc aqyareey bal hadaan islaam nahay ama aanku abtirsaneyno diin islaami ah aan dib iskugu noqono oo qibrad aanka qaadano walalyaal meel wadan gaalo ah ey saas u fikirayaan anaga intaan jognaa wlhi waa wax lagu cibro qaato hadaan soomali nahay bal aan dib u milicsano dhaqanka hablaheena badankood labiskooda iyo waxyaabaha ey sameyaan aloow xaqa nafahansii dhaqankii inaan ku dhaqano larabay gaalo ayaa tix galineyso

  2. Aasiyo says:

    Qaada shada dharka gaa gaaban iyaagaa fulles galin karo mooryaanta