Michael Restrepo oo ah 62, iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Maria Garcia waxay ku noolyihiin dhulka hoostiisa gaar ahaanna magaalada lagu magacaabo Medellin, ee ku taalla dalka Colombia.
Nolosha magaalada ay ku noolyihiin ayaa ah mid aad u adaga, waxaana ka jirta naxariis darro baahsan, waana magaalada labaad ee ugu wayn dalka Colombia.
Ninkan lagu magacaabo Michael oo horey uga ganacsan jiray daroogada haddana daggan dhulka hoostiisa ayaa la sheegay in uu ukala qaybsanyahay qayb jiko ah qayb uu ku xirantahay marawaxad iyo qayb uu u yaallo tv ay daawadaan asaga iyo xaaskiisa, waxaa sidoo kale u yaalla kursi ay ku fariistaan hadba kii jooga labadooda iyo joodariga ay ku seexdaan, waxaana intaa dheer agabka kale ee guriga looga baahanyahay.
Haatan Mr Michael wuxuu diyaarinayaa caleemo iyo geedo uu ku abuurayo aga-gaarka godka ay dagganyihiin asaga iyo Maria, sababtuna waxay tahay inuu ugu dabbaal dago wakhtiga Christmas.Waxay la seexdaan eygooda dhulka hoostiisa ama godka ay dagganyihiin, wuxuuse kamaqanyahay maalintii oo dhan oo uu joogo godka bannaankiisa.
Medellin mar waxaa loo qiimeeyay inay tahay magaalada ugu badan ee caalmka looga keeno daroogada, waxaana magaaladaas ay daroogada caan ku ahayd tan iyo 1970 ilaa 1980.Dowladda Colombian waxay aad uga shaqaysaa sidii ay ku joojin lahayd daroogada la soo galiyo dalkeeda, waxayna mar walbo ka shaqeeyaan howl wadeennada xukuumaddu sidii ay dadku horumar ugu tallaabsan lahaayeen.
