Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa shala lagu magacaabay dhismayaasha adduunka ugu dheer uguna quruxda badan kuwaa oo la dhisay sannadihii u dambeeyay iyo kuwii hore.
Daarta lagu magacaabo Eight Spruce Street, ee ku taalla magaalada Manhattan ayaa loo qiimeeyay inay tahay daarta ugu quruxda badan daarihii lala soo shirtagay sannaddii 2011-kii.
Waxayna ka koobantahay 76- bakhaar, waxaana nashkhadeeyay oo dhisay daarta ninka lagu magacaabo Frank Gehry, waana daar ka dheer daaraha ka agdhow 12 jeer waxaana lagu qiyaasay inay tahay 265-metres markii loo eego cirka.
Daartaas ayada ah waxay leedahay 10,500 oo laamood waxaana laan kasta ay leedahay nakhshad u gooni ah oo aysan la wadaagin laamaha kale.
Mararka qaar markii aad hoos socoto waad dareemaysaa isbaddalka kallarada marsan ama ku xardhan daartaas, waxayna qaarkeed u egtahay cirka oo mararka qaar aad u malaynayso in uu hoosta kaa soo galay.