Daawo Muuqaal iyo Sawirro : Ey Gaari wada la sheegayna in lagu Aamini karo

Adduunyada maalin walba waxaa ku cusub wax hor leh oo markii aad aragto kaayaabinaya islamarkaana mararka qaar aadan rumaysanayn.

Shaashadaha caalamka qaarkood todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa qabsaday Ey labaray sida gaariga loo wado, oo noqon kara darawal buuxa oo lagu aamino gaariga.

Riix Halkan si aad Muuqaalka udaawato

Wadista gaariga oo dadka ka qaadata wakhti badan sidii ay ku baran lahaayeen ayaa khubaro u dhalatay dalka New Zealand waxay soo bandhigeen in ay Ey siddeed usbuuc ku bari karaan gaari iyo habkii uu u maamuli lahaa.

” Waxaa la barayaa sidii uu gaariga u wadi lahaa, wuxuuna ku qalin jabinayaa muddo dhan siddeed isbuuc, waxaa la fududeeyay qaabkii uu gaariga u hagi lahaa, waxaase suura gal ah in aad iswayddiiso sidee ayuu ku gaari karaa baeegga gaariga maaddaama usan Eygu lahayn lugo dheer, taas waa mid la fududeeyay oo lagu sameeyay meelaha ay ka dhowyihiin gacmaha Eyga” sidaa waxaa u sheegay wargayska daily mail mid kamid ah shaqaalaha lagu tababaro Eyga.

Xayawaanku way ku kaydsanyihiin meel loogu tala galay in lagu tababaro oo ku taalla dalka New Zealand waxayna u xaraysanyihiin sida ay isu leeyihiin amaba ay isku noc u yihiin, waxaana la baraa sida guryaha loo ilaaliyo iyo sida ay dadka ugu adeegaan waxaana kamid ah wadidda gawaarida.


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. qaasime says:

    kkkkk waayab eey