Bikro ma ahayn!!! Arimaha La Yaabka Leh Ee Guurka Iyo Kalsoonida

muslim_wedding_handsGuurku waa heshiis ku dhisan kalsooni iyo is aaminid labada dhan ka yimid, hadii mid ka midda labada lamaane shaki galana waxaa dhaca in shakigaa sababo in la kala aamin baxo gurigii la dhisayna halkaa ku burburo.

Aduun howli kama dhamaato ismaandhaaf bini’aadamna waa wax soo jireen ah, cilmiga iyo garashaduna waa furaha guusha aduun iyo aakhiro, waqtiba waqtiga ka danbeeya waxaa sii kordha cilmi lagu ogaado wax aan waayadii hore aqoon baaxad weyn loo lahayn taasina waa waxa lagu kala bixi karo marka la isku qabto arin ka mida arimaha bulshooyinka soo kala dhex gala.

Aan u soo daadego qormadaan jeclahay inan diirada saaro. maanta gabdho badan waxaa loogu gafay sharaftoodiina meel looga dhacay Bikro ma ahayn! Maxaa lagu gartaa bikranimada su,aal ah ayaa iman karta,noocyo iyo qaabab kala duwan ayay leedahay Bikradu noocyadaa waxaa ka mid nooc aan jabin xiliga dhalmada maahee markale .waxaa kaloo jirta dhiiga la sheego inuu yimaado bikra jabka dabadii uuna ahayn dhiig aad u badan oo la mida neef la gowracay, wuxuu noqon karaa dhibic 2 dhibcood iwm mararka qaarn maba yimaado,.hadii dhiigaii aan la arag ma waxaa la oranayaa gabadhaasi Bikro ma ahayn? caadooyinka xun xun ee dadkeena dhaqanka u noqday waxaa ka mida in shaki la galiyo sharaftii gabadhaa cafiifada ah ee dhowrsoon iyadoo loo daliishanayo khuraafaad iyo hadalo mala awaal lagu dhisay. xaqiiqdii dhabta ahaydna aan raad ku lahayn..

Gabadh walba oo sharafteeda lagu tuntay waxaan leeyahay walal sharaftaada difaaco hana ka yeelin qofna inuu sharaftaada wasaqeeyo waa hadaaad is hubto, ka dhiidhi gefkaa weyn ee laguu gaystay waa adiga mida xaqiijin karta arinkaa ee maaha ninka ku guursaday iyo bulshada kale toona waxaa nasiib wanaag ah in maanta la gaaray horumar dhan walba ah horumarkaa waxaa ka mida in gabadha sharafteeda la wasaqeeyay hadii Dhaqtar la geeyo lana baadho la ogaan karo inay dhab tahay arintaa looga shakiyay ama in lagu been abuuranayo

Source: khadija Home


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. Mursal haryan says:

    Waa wax ay soomalidu aaminsantahay waana wax kama jiraan caadooyinkaas

  2. mursal yare says:

    Wasax dabcan wa shekoyin dhaqan ey kadhigten raga qar lkn waxan oran laha gabdhaha somaliyed haqaten wanada walshod khadijo. Hana ilashaden sharaftoda iyago ka gun garaya benta raga qar ey sameynayan oo ey ku cebeynayan gabdhehena dhemanka e dhewrson.

  3. Samsam says:

    Halkay joogtaa gabadha dhahayso aniga bikro mihi iyadoo rabto inuu ninkaas uu guursado? Dabcan waa gabadh walba waxay dhahee bikro aan ahay. Haa waa jiraan gabadho bikro ah laakiin waxaa batay hadda hoos katuura rashadii. Ragaan aa iga yaabiyay inay badankood soo tuntaan ay hadana raadinayaan gabadho bikro ah. War gabadhaha bikrada sida loo helo waa adag tahay ee sidaa ula socda oo markaa iska guursada tii uu Ilaahay idin siiyo.