Ajax oo murug gelisay Man City, Arsenal, Real iyo AC Milan oo dhulka la dhigay “DAAWO SAWIRO +Falanqeynta Group-yada”

Kooxda kubada cagta ee Man City ayay soo dhamaatay rajadii ay kala hayd usoo bixitaanka Champion Leage-ka hadii aysan badin sedexda kulan ee ay la ciyaari doonto Ajax, Real iyo Borussia Dortmund.

Naadiga AJax ayaa 3-1 kaga badisay Kooxda City oo marti ku ahayd dalka Holand kulan katirsanaa Group-ka dhimashada ee Champion Leage-ka.

Jong, Moisander iyo Eriksen ayaa waxba ka dhigay gool ay la hormartay City taas oo uu dhaliyay ciyaaryahan Nasri.

Qaab ciyaareedka macalin Mancini ayaa ahaa mid aan ubabac dhigi karin carada kooxda Ajax oo guushii ugu horeysay gaartay.

Dhanka kale Kooxda kubada cagta ee Borussia Dortmund ayaa si layaqaan kaga badisay Kooxda Real Madrid kadib markii ay ku garaacday 2-1.

Ciyaaryahan Lewandowsk ayaa daah furay goolasha, waxaana soo bareejeeyay C.ronalddo, hase ahaatee Kooxda Macalin Mourinho ayaa waxaa rajo xumo geliyay ciyaaryahan Schmelzer.

Kala Horeynta D

Dhanka kaloe Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay garoonkeeda kadib markii ay ku marti qaaday Schalke 04.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 waxaana Schalke 04 ay goolasha ka heshay  K.J. Huntelaar iyo I. Afellay.

Sidoo kale Kooxda Olympiakos Piraeus ayaa mucjiso ku dhigtay Montpellier, kadib markii ay gool lahormartay labo ay ugu badashay.

Kala Horeynta B

Kooxda Malaga ayaa wali dhinaceeda dhulka la dhigi la’yahay kadib markii ay xalay ka badisay Kooxda AC Milan.

Naadiga Malaga ayaa kaga badisay Milan 1-0, waxaana ay iska qasaarisay Rigoore, iyadoona ay goolka guusha kaga mahadcelinayso ciyaaryahan Joaquin oo sidoo kale rigoorada qasaariyay.

Dhanka kale Gool rigoore ahaa oo uu dhaliyay Kerzhakov ayaa ka dhigay in Kooxda Zenit St. Petersburg ay 1 – 0 kaga badiso Anderlecht, waxaana goolkaas uu ahaa kii 200-aad ee xidigan uu udhaliyo Kooxdiisa.

Kala Horeynta Group-ka C

Kooxda kale ee PSG ayaa 2-0 kaga badisay Kooxda Dinamo Zagreb, waxaana goolasha ay ka kala heshay Z. Ibrahimovic iyo J. Menez.

Sidoo kale Porto ayaa 3 – 2 kaga faraxalatay Dynamo Kyiv, waxaana kulamadaas ay ahaayeen kuwii xalay ka dhacay qaarada Yurub.

Habeen Hore waxaa jiray kulamo kale oo aad uxiisa badnaa, Kooxda FC Shakhtar Donetsk ayaa 2-1 kaga badisay Chelsea, halka Juventus iyo Nordsjaelland ay bar bardhac galeen.

Kala Horeynta Group-ka E

Bayer Munich iyo Valencia ayaa guulo waa weyn ka gaaray kulamadoodii ay la ciyaareen BATE Borisov iyo Lille.

Kala Horeynta Group- F

 Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa ka bad baaday bar bardhac ay lagasho Celtic kadib markii guul soo daahday uu udhiibay ciyaaryahan Alba, waxaana ay kusoo dhamaatay 2-1, halka Spartak Moscow ay 2-1 kaga badisay Benfica.

Ugu danbayn Kooxda Man United ayaa 2-3 kaga badisay Kooxda Braga, halka bar bardhac min 1-1 ah ay ku dhamaysteen Galatasaray iyo CFR Cluj.

Kala Horeynta Group H

Abdullahi Ahmed Noor
Calafka.net/Nairobi Office
Email:-cabkayare@gmail.com


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)