Afar Arin oo Haweenayda ka hor istaaga Farxada! “Akhri Warbixin Dhab ah”

Farxadda ayaa ah riyada ugu wanaagsan ee bani`aadamka ku riyoodo , waaxse uga daran haweenka oo geeri ka xiga nolol aan laheyn farxad.

Waxa ayna haweyneyda mar waliba isku daydaa in ay hesho furaha farxadda balse waxa aynu warbixintaan ku eegeynaa dhowr arin oo haweeneyda ka hor istaaga farxadda .

1-Kalinimada: waa arin mustaxiil ah in aad aragto haweeney cidlo ah isla markaana haysata furaha farxadda , kalinimada iyo farxada hal qalbi kuma wada kulmaan , waxaana kalinimada tahay midda ugu daran ee haweeneyda ka disha farxadda

2-Cabsida: cabsida waa cadwga farxadda iyo dilaaga koowaad, hadii nolosha haweeneyda cabsi soo gasho farxadda daaqadda ayay ka sii baxeysaa , ulama jeedno cabsi gaar ah ee nooc waliba oo cabsi ah tusaale cabsi ku aadan mustaqbalkeda ,ama in ay ka cabsaneyso in ay guul dareysto .

Shalaayda(qoomameyn) shalaayda aan ukala qaadno midka caafimaad qabka ah ee wanaagsan ee qaladaadkii hore ee ka dhacay saxayaa balse kan aan ka hadleyno waxa uu yahay kan ka bad badiska kaasi oo haweeneyda dib u dhac ku keenaya waxa uuna gilinaya xabsi halka farxaddana aysan aqoon wado loo maro xabsiyada , ogaaw shaalayda ka bad badiska ah waa xabsiga farxadda .

Xaasidnimada: xaasidnimada waa cudur sumeynaya farxadda haweeneyda , ogaaw haweeeneyda qalbigeeda xaasidnimida uu ku jiro waligeed ma dhadhamineyso macaanka farxadda .

Calafka.net; Arimaha Qoyska iyo Bulshadda


Warrakii Arimaha Bulshad Calafka.net

Nagala Xiriir Cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)